Bulshda Rayidka oo mar kale ka Dabatey Hanti Dhowka iyo Xeer ilaaliyaha inay soo Bandhigaan Haya’daha Dowlada ee Musuqu Hareey

Bulshda Rayidka oo mar kale ka Dabatey Hanti Dhowka iyo Xeer ilaaliyaha inay  soo Bandhigaan Haya’daha Dowlada ee Musuqu Hareey

Bulshda Rayidka oo mar kale ka Dabatey Hanti Dhowka iyo Xeer ilaaliyaha inay soo Bandhigaan Haya’daha Dowlada ee Musuqu Hareey

Muqdisho waxaa ka dhacay kulan wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka,waxaana kulankaan soo qaban qaabiyey Dallada SOSCENSA oo uu Cinwaankiisu ahaa LA XISAABTANKA DADWAYNAHA.

Waxaana ugu horeyntii halkaa WarbIxin ka soo jeediyey Diini Maxamed Diini oo ah Xoghayaha u Qareemida ee Dallada SOSCENSA, waxaana uu sheegey in ujeedka loo qabtey Kulanka ay tahay sidii Bulshada Rayidka uga soo dhalaali lahayd Doorkeeda ku aadan la dagaalanka Musuqmaasuqa .

Waxaa kale oo halkaa ka Hadley Prof Cabdi Jaamac Geedi oo isna ku dheeraadey sida loo xalin karo ama looga hortagi karo Musuqmaasuqa , waxaana uu sheegey in Musuqmaasuqu uu yahay mid Caqabad ku noqon Kara Deeqaha la siinayo Soomaaliya , wxuuna u soo jeediyey Bulshada in ay Dariiq kasta u maraan sidii dalka looga baabi’an lahaa Musuqmaasuqa

Intii uu socdey Kulnkaas waxaa halkaas lagu soo bandhigey Noocya Musuqmaasuqa ee ka jira Dalka waxaana ka mid ah Lunsi Dhaqaale, Eex Shaqaaleysiin,Eex Qandaraas , Iibsi Hanti Dan Guud , Eex Deeq Waxbarasho iyo Eex Xarig. Waxaa kaloo Kulanka looga doodey, Ku takri fal awoodeed oo Mususqmaasuqa la xiriiro sida Garab mar Sharci, Siyaasadeyn Sharci, Xil Siin iyo Xil ka qaadis , Awood Sheegasho, Qabiileynta Xafiisyada Qaranka ,ku Takri falka Canshuuraha , u Hogaansami la’aan Sharci, dayacid Masuuliyadeed , Siideyn Dambiile, Dambi u yeelid qof aan dambi gelin iyo Bixinta sirta Qaranka

Kulanka ka dib waxaa shir jaraaid saxaafada u qabtay gudoomiyaha Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee Dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac.Waxa uu sheegay in uu fashilmay nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 oo ka soo bilowday Tuulada Carta, Taasoo uu Sheegey in laga dhaxlay Cadaaladdaro iyo Musuqmaasuq baahay .

“Waa inaan ka guurno nidaamka awood qaybsiga ee qabyaalada ku salaysan oo aan u guurnaa nidaam ku dhisan Doorasho, dadkana waxaan ku dhiirineynaa iney diidaan wax alaale iyo wixii Musuq ah, si loo helo Dowlad karti leh oo ka shaqayn karta danaha Soomaaliya caalamkana la macaamili karta” sidaa waxa yiri mudane Shirwac.

Mar la waydiiyey inuu farta ku fiiqo meelaha uu musuqu ka jiro waxa uu yiri “ Waxaa uu ka jiraa Hayadaha Dowladda,Waxaadna la socotaan in Hanti dhowrka guud iyo Xeer ilaaliyaha Dowladu shaaciyeen in musuq uu ka jiro 19 Hay’adood, horena waan uga codsanay hadana waan codsanaynaa iney caddeeyaan Hay’adahaas si loo helo isla Xisaabtan dhab ah”

image image image image image image image image image

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Blog at WordPress.com.