Xog Hoose:- Mahiga Oo U Hanjabey Faroole

13 (1)

Shir ay si qarsoodi ah ugu wada yeesheen magaalada garoowe ee xarunta maamulka waqooyi bari ee dalka soomaaliya ergiga gaarka ah ee qaabilsan qaramada midoobay ee Mahiga iyo madaxweynaha maamulka waqooyi bari ee dalka soomaaliya ee Faroole ayaa waxa uu dareen siiyey kana wada hadleen arimo dhowr ah, isagoona mahiga uu runta  u sheegay mr faroole isla mar ahaan taana ka dhawaajiyey in uu marin habaabin ku wado khariirada tubta hayaanka nabada ee Road Map-ka isla mar ahaan taana uu lidi ku yahay arimaha dastuurka dalka soomaaliya.

Mr faroole inta badan looga bar tay in uu carqaladeedo arimaha soomaaliya ayaa mr mahiga waxa uu ugu hanjabey in talaaba cad laga qaadi doono hadii uu joojin waayo hawlaha carqaladeed ee uu ka dhex wado dalka soomaaliya.  Shirkan ay wada qaateen Mahiga iyo Faroole ayaa mr mahiga waxa uu ugu baaqay faroole in uu joojiyo carlaqada uu wado isla mar ahaan taana uu soo dhamaystiro saddexda isim ee ka maqan ergada ansixinaysa dastuurka cusub.

Hadaba faroole oo inta badan jaahwareer iyo carqalad ka dhex abuura siyaasada soomaaliya ayaa haatan la filayaa in uu ka fakaro sidee u joojin lahaa hawlahaasi maadaama ay digniin culusi uga timi dhanka Qaramada midoobay.

————–

Easy reading is damn hard writing.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.