Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)‏

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Sawiada)‏

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo daaha looga qaadayay ciyaaraha degmooyinka ayaa waxaa xariga kajaray mudane Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya.

Halkan ka daawo Sawirada….

Munaasabaddani oo aheyd mid caalami ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin fara badan oo katirsan dowladda kooxaha ciyaartooyda 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kooxda baambeyda, haweenka iyo dhalinyarada degmooyinka gobolka oo dhan iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horeynti munaasabaddaasi dhoola tus dadweynihii kasoo qeybgalay ay jecleysteen soo bandhigay kooxi ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir oo ay wehliyeen kooxda Baambeyda, waxaana socod dheer ay kusoo mareen gudaha garoonka Satdiom Koonis ee magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo kubaddii lagu ciyaari lahaa cirka utuuray kadibna waxaa sacab iyo sawaxan lagu soo dhoweynayay furitaanka ciyaaraha degmooyinka ee madaxweynuhu furay.

Intaa kadb waxaa bilowday qudbadihii madaxda oo uu ugu horeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ku dheeraaday baahida loo qabo is dhex galka bulshada iyo degmooyinka gobolka si amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wax weyn looga baddalo.

Madaxweynaha Jamhuudiyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo munaasabaddaasi hadalo qiimo badan kasoo jeediyay ayaa dhankiisa tilmaamay baahida loo qabay ciyaaraha degmooyinka isagoona guul u rajeeyay ka qeyb galayaasha dhamaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada barnaamijyo badan oo lagu horumarinayo adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Halkan ka daawo Sawirada….

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah u furay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir kadib xaflad furitaan oo maanta lagu qabtay garoonka Koonis ee degmada C/casiis.

Xafladda furitaanka tartanka Ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa kaloo kasoo qeybgalay duqa magaalada Muqdisho, ciyaartooyda u ciyaareysa 16 degmo ee gobolka Banaadi iy haween ka kala socday degmooyinka gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xafladii furitaanka tartankan ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay tani u tahay sharaf weyn mar hadii shacabka degmooyinka iyo madaxda dalku hal garoon ku wada kulmayaan.

Madaxweynaha ayaa isna sheegay in furitaanka ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ay muujineyso nabadda magaalada ka jirta islamarkaana ay farxad u tahay shacbiga Soomaaliyeed.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: