Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Belgium iyo ACP

 

Talaado, February 21, 2012(Moment Media Group): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Brussels si uu kulamo ula qaato mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa Isniintii kulamo kala duwan la qaatay ma’uuliyiin ka tirsan dalka Belgium, Kooxda Caalamiga ah ee Africa, Caribbean iyo Pacific (ACP) isla markaana kormeer ku tagey Safaarada Soomaalida ee Belgium iyo Hoyga Safaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyey xafiiska iyo hoyga safaaradda Soomaalida isla makraana u kuurgalay howlaha safaaradda.

 
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la yeeshay Guddiga Safiirada ee dalalka Africa, Caribbean iyo Pacific oo ku mideysan ururka caalamiga ah ee ACP. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu warbixin ka siiyey safiirada ACP xaaladda dalku marayo, horumarka Dowladdu ka sameysey dhinacyo fara badan sida amniga, dastuurka, dib-u-heshiisiinta & xiriirka maamulada, arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Somalia ay ka mid aheyd aasaasayaashii ACP, haddana la rajeynayo in Soomaaliya ay doorkii saliimka ahaa ee ay ku laheyd ACP dhowaan ka qeyb qaadan doonto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana uu kulamo muhiim ah la yeelan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Mr Barosso iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doono Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu dhameysto booqashadiisa rasmiga ah ee Belgium uu u gudbi doono dalka UK si uu uga qeybgalo Shirka London ee 23ka Febraayo.

 
 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Blog at WordPress.com.