Shariif Xasan Shar Shakaalan

 

“Shacab walba Madax u qalanta ayuu helaa”, winston Charchil ayaa yiri, malaha, bal eega kuwa hoggaanka noo haysaa, laba Shariif, midi waa hooyadi dhashay, dhigaal aan dhigan dhawaq mooye, midna afar eray ayuu bawsaday, oo dadkii ku afduubay, ma aqoon yahankii ayaa dhammaaday? Mise aragtida ayaa ah midda sare ku xusan, oo Innaga ayaan u qalmin Madax wanaagsan?.

Arartaa ka dib, mudane Shariif Xasan isaga ayaa qiray inuusan wax soo baran, haddana shirkii Kenya 2004-tii ayuu beelaysiga ku helay gudoomiyaha baarlamaanka, dabcan codaynta caadaqaatayaasha meesha kama marna, waa ayaan darrada Soomaalidee, mudanahaa ayaa hoggaan u haya, wuxuuba madax u yahay aqalka sharci dejinta, la yaab!

Bishii May 2005-tii ayuu u carooday Muqdisho, ka dib markii ay is khilaafeen C/laahi Yuusuf,  soo dhawayn fiican ayu  ka helay  Wadaadadii waallida waday {Maxkamadihii}, una noqday afhayeen iyo feker bixiye, bishii June 2005-dii ayuu la u laabtay C/laahi Yuusuf, iyagoo ku kulmay magaalada Sabà ee dalka Yemen, isagoo laaluush lagu harqiyey, haddaan si kale u dhahno wuxuu qaatay sandareerto siyuu ugu soo laabto xerada Xabaalbadiye {C/laahi Yuusuf}, mayee xerada xigaaalada Xabashida, heshiiskaas Xabashida waxaa wakiil uga ahaa dawladda Yemen oo ay ku bahoobeen wiiqidda Eretria, iyo inaan Soomaali xarig u xirmi.

Baydhabaa lagu ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye, Shariif Xasan ma sheegin in cod la qaaday iyo in kale, wuxuuse sheegay tirada diidday iyo tirada ogaalatay kaliya, march 2005-tii ayaa horay loo diiday anxisinta ciidan shisheeye, labada kal fadhiba waxaa shir gudoominayey Shariif Xasan, malaha markan dambe waxaa saaqday sunta suuxiska xigaalada xabashida!

January, 2007-dii Shariif Xasan waxaa laga xayuubiyey guddoonka Baarlamaanka, waxaana lagu badalay Sheekh Aadan Madoobe, waa caadada Soomaalidee gaashaanka ayuu u daruuray, isagoo diiday xil ka qaadistaa, kuna adkaystay inuu yahay gudoomiyaha xaqa, waxaa isku soo beegmay xil ka qaadistiisa iyo jabkii wadaadadii waallida waday {Maxkamadaha}, caraduu qaaday cirbiskuu ku dhuftay wuxuu ku tagay Eretria, oo markaa xudun iyo hoy u ahayd habqankii wadaadada, waxna ka hagay shirkii dhacay bartamihii bishii September sanadkii 200-7-dii.

Martida shirku waa habqankii wadaada, haraagii dawladdii Empagathi, qurbajoog iyo bulsho rayid oo aan naf buuran ku yeelan shirka!, Shariif Xasan waxaa loo doortay gudoomiyaha Shuurada, wuxuu dib u soo nooleeyey dadaalkiisii diiniga ahaa, ee uu ka riddoobay afka aan qurxinno {danaystay} markuu C/laahi yuusuf la heshiiyey, mar kale ayuu soo dhawayn fiican ka helay wadaadadii halaagga, waa yaab ma eegin laba wajiyeyntiisa, maalin inuu iyaga la joogo, maalinna C/laahi iyo xerta xabashida la joogo, ay u sii dheertay inuu gacantiisa ku ansixiyey ciidamada Xabashidu inay soo galaan Sooomaaliya!, Indha ku gaardleey!

Shariif Xasan waxaa lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey kala jabintii kooxdii Asmara, wuxuu xaadiray shirkii Djibouti, saaxiibada isku meel gaara islana meel gaaraa madaxweyne Shariif, ayuu la suuragaliyey inuu madaxweyne noqdo, isna wuxuu u dhawaaday darka iyo dararta, waxaa doortay wasaaradda maaliyadda, Adiguba lacag ma aragtay?!, wixii soo dhaca faraqa ayuu ku ritay, waa meeshii laga yiri: “Qabri Qori saar ma ahane Qori ka Qaad malahan!”, waxaaba loo haystaa lacag uu kala gooyey nin ganacsade ah oo Sudani ah, oo lagu magaabayaa: Saadaq Maxamed Axmed.

Dib wuxuu ugu soo laabtay guddoonka baarlamaanka, isla markii wuxuu is hortaagay in Farmaajo la siiyo codka kalsoonida, kana baxay heshiiskii codka fartaagga lagu siin lahaa, shaqsi ahaan Shariif Xasan ma af dheera, ma hadal badana, micnaha uma badna inuu inta badan la hadlo saxaafadda oo waraysiyo dhiibo, waxaase hadalkiisa nooga filan inta goor ee uu is rogrogay, isrogrogga waxaa dhaliya wa feker go’aan qaadasho iyo hadal, haba ahaado mid gaara oo qofka kaligii is waydaarsado.

Shariif Xasan marka Sakiin la yiri, waxaa looga jeeday sida uu wax u kala gooyo, waana soo xusnay inuu qayb weyn ku lahaa kala jabkii kooxdii Asmara, dabcan goynta inta dantiisa ka soo horjeedana kama marna meesha, dhanka kale marka la yiri: Shariif la moodna, waxaa looga jeeday inuusan noqon sidii loo maleeyey, dad badan ayaa laab la kac u tageeray, isna yiri: malaha wuxuu wataa magac Shariif, koofina madaxiisa kama dajeyo, qabqablana ma soo noqon, wadaad diin daliiliyana ma ahan, siyaasaddana kuma badnayne, armaa lagu degaa? “Dhedo roob noqon waysay”.

Jokarka siyaasadda sanadahan, wuxuu is tusay inaan la gali karin, wuxuu diiday inay kulmaan baarlamaanku, wuxuuba qunful ku jabiyey albaabkii baarlamanka, safar ayuu damcay inuu dibadda u aado, codsi ayaa laga sii hormariyey ah, in la laga hor istaago, ama furayaasha baarlamaanka laga reebo, mase dhicin, oo wuu socdaalay, haddaa maxaa dhacay?.

Wuxuu u dhaqmay sidii nin is mahdiyey oo kale, ma dhagaysan codsiyada iska soo daba dhacayey ee qayladu ku larnayd, dhanka xildhibaanada baarlamaankuna ayaa kulmay la’aantiisa, taa oo ay xilka uga qaadeen, ayna doorteen guddoon ku meel gaar, la yaab, isaga ayaa  ku meel gaar ahaa, mid ku meel ah ayaa laga sii daba magacaabay, filo mardhaw qormada: “Qabyo Qaybsan!”.

Waa markii labaad ee laga qaadayo xilka guddoonka baarlamaanka, maahmaah ayaa oranaysa: “mar i Dagi Allaha Dago, mar labaad i Dagase Anaa is Dagay”, tii hore haddii khilaaf iyo muran kala dhexeeyey C/laahi Yuusuf, maanta nacayb kama marna ayaa la dhihi karaa, ha ahaato dadweynaha caadiga ah iyo xildhibaanadaba, haddana wuu garan waayey wax wanaaji ama meesha isaga tag, tunka ayaase la qabtay, oo la tatajiyey.

Markii xilka laga qaaday ee wadanka dib ugu soo laabtay, wuxuu ku gacan sayray in xilka laga qaaday, dhanka kale dunidu maxay ka tiri?, Dadkaygu mid ha ogaado, wareerkan taagan iyo walaahoodkan dhacaya, waxaa ka dambeeya dunida, oo hadba mid waalan madaxa noogu soo duubaya, warsafadeed lagu sheegay in beesha caalamku so saartay Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Xildhibaanadu waa inay raacaan waqti kordhinta baalmaanka”, oo ah in wax walba sidii hore ahaadaan, si loo ilaalsho xaaladda adag ee wadanku marayo, lana hirgaliyo shirkii Kampala, meeshana ha ka saarin in meelmariyo roadmaop-ka.

Hadalka ujeedkiisa marka la soo gaabsho waa, Shariif Sakiin meeshiisa ha loo daayo, micnaha waxba kama jiraan go’aankii ay gaareen 300 oo xildhibaan, taa oo ka diga inay ahaayeen rag waalan, ee ha la qaato ninka fayow warkiisa waa Shariif Sakiin, yaabka ma ila aragteen? Waa meeshii laga yiri: “Wadar iyo Waaxid yaa waalan?”, ama ninkii yaabay uu yiri: “Hasho maankayga qaadde ma Masaarbay laqday?!”, waxay noqotaba, waa ha loo afduubnaado ninkan aan waxna qorin waxna aqrin, kaligii ma ahan tilmaamtaa waaba nagu badan yihiin.

Dhanka kale, xubnihii xilka ka qaaday Shariif, ayaa kulan ay isugu yimaadeen ku go’aan saday inaan dib loo laaban, ee horay loo sii socdo, si loo fuliyo qorshihii lagu heshiiyey, lana hirgaliyey waxa ay ku sheegeen roadmap-ka, waa sida ay hadalka u dhigeen, malaha waxay ku beerlaxawsanayaan Mahiga IGAD iyo beesha caalamka, ma yaan lagaa galgal badin? Mise yaan lagaa galliin badin? Miday noqotaba, sillanaanta ayaa loo kala tartamayaa.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Shariif Sakiin lagu qancinayo inuu u hoggaansamo go’aanka baarlamaanka, haddana ma jiraan wax dhiiragalinaya  inuu aqbali doono taladaa, maadama looga bartay mayal adayg iyo marya ku dhagnimo, Shariif Sakiin wuxuu daaqadda kala baxay, Madaxweyne Yuusuf, 4 ra’iisula wasaare, iyo hal gudomiye baarlamaanka, maantana isaga ayaa miiska saaran, arki doonnee meesha ay ku dhammaato arrintiisa.

Guntii iyo gunaanadkii, ila eega inta goor ee Shariif Xasan is rogay, gudoomiye baarlamaan waxay isqabteen C/laahi Yuusuf, wuxuu u cararay Muqdisho, ammaanay Wadaadadii waallida waday, dhaleecaynna dusha uga tuuray qabqablayaashii, laba bil ka dib wuxuu la xirtay C/laahi Yuusuf, wuxuuna ansixiyey keenista ciidan shihseeye, Xabashi ugu horrayso, waxaa laga xayuubiyey xilka gudoomiyaha baarlamaanka, wuuna isku dhajiyey.

Ka dib wuxuu u janjeersaday mar kale dhankii Wadaadadii waallida wadday, wuxuu noqday gudoomaha Shuurada, wuxu kala jabiyey kooxdii Asmara, wuxuu tagay Djibouti, wuxuu noqday wasiirka maaliyadda, wuxuu lunsaday hanti qaran, wuxuu dib u noqday gudoomiyaha baarlamaanka, maantana isaga ayey ku foorartaa, wax badan ayuu dad ku foorariyay, wax kaloo badanna waa dhiman yihiin.

Maanta waxay is hayaan kuwuu shalay beesada ku baabayey, una doortay gudoomiyaha baarlamaanka, mayee waxay is hayaan ku meel gaarka lagu meer gaaro, waan filayaa inaan arintan war badan laga dhihin, waxaase muhim ah in la ogaado ninkan inuusann ahayn ninka la moodo, aamuskiisa wax badan ayaa u qarsan, Soomaalida ayaa tiri: “Dhurwaaga aamusan iyo kan qayliya waxaa daran kan aamusan!”, sidaaa darted ma la heli doonaa dad Soomaalinimadu ku dambeysoo oo jaadadkan oo kale dabar gooya?

Mise sheekadu waa boor isku qarin iyo fulin qorshe dahsoon? Mayee waa oraahda aan qormada ku billownay, “Shacab walba madaxd u qalanta ayuu helaa”waxay tahayba Waqtiga ayaa kala caddayn doona.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: