Guddoomiyihii Baarlamaanku Xilka ka qaaday oo Itoobiya ugu baaqay inay markale ku soo duusho Soomaaliya

Shariif Xasan ayaa si degdeg ah booqasho ugu tegey magaalada Addis Ababa ka hor intii uusan ku soo laaban Muqdisho, arrintaas oo timid kaddib markii 280 xildhibaan ay xilka ka xayuubiyeen.

Shariif Xasan oo markii xilka laga qaaday ku maqnaa dalka Talyaaniga ayaa si degdeg ah ugu duulay Addis Ababa, ka hor intii uusan tegin Muqdisho. Waxana uu la soo kulmay saraakiil Itoobiyaan ah, isagoo “Itoobiya ka codsaday in ay soo kaalmayso,” oo ay ciidamada Itoobiya markale soo galaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan in ay soo galaan “Beledweyne, Goboladda Dhexe, Bay iyo Bakool,’ sidaas waxaa qiray Shariif Xasan oo shir jaraa’d ku qabtay Muqdisho markii uu ku soo laabtay Jimacadii Dec 16, 2011.

 

Shariif Xasan waxa uu ahaa guddoomiyahii baarlamaanka ee saxiixay June 14, 2006 in dalalka safka hore (Itoobiya iyo Kenya) ay soo geli karaan Soomaaliya, arrintaas oo sababtay in ciidamada Itoobiya ay ku soo duulaan Soomaaliya ayagoo Decemeber 28, 2006 galay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa xilligaas Xamar laga cayriyey maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu markaas madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed, madaxweynaha hadda ee DFKMG.

Waxaana ciidamda Itoobiya ay xasuuqeen shacab Soomaaliyeed  Halkaan ka Akhri oo aad u farabadan, waxaan dhankooda Militariga Itoobiya toddobaadkiiba Soomaaliya kaga dhiman jirey 100 askari sida ay sheegtey warbixin dheer oo ay diyaarisay Center for American Progress.. Waxayna ciidankii Itoobiya si xoog ah Soomaaliya looga saaray (Jan 15, 2009) kaddib (749) maalmood oo uu socdey dagaal xoggan oo looga soo horjeedey Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed waxay markasta aad uga soo horjeedeen in dalalka safka hore loo yaqaan ee deriska la ah Soomaaliya (Kenya iyo Itoobiya) in ay san ka mid noqon ciidamo loo soo diro Soomaaliya, magacii ay doonaan ha wataane, sababtoo ah labadaas dal waxay gumaysi ku haystaan dhul iyo shacab Soomaaliyeed oo gumaytayaashii reer Yurub gacanta u geliyeen, waxaana Shacabka Soomaaliyeed rumaysan yihiin in aysan haba yaraatee dalalkaasi daacad ka ahayn, kana noqon karin siyaasadda Soomaalida, sida uu qiray madaxweynahii hore ee Kenya Moi (hoos ka akhri hadalkiisii 2003).

Mar labaad markii uu Shariif Xasan markale noqday guddoomiyaha baarlamaanaka, waxaa Soomaaliya ku soo duuley dalkii labaad ee safka hore oo ah Kenya, kuwaas oo bishii October 2011 ka gudbey xadka NFD.

Xildhibaanada baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa ku eedeeyey in uu ku xad gudbey axdiga DFKMG. Sida uu dhigayo xeerka loo bixiyey Kampalla Accord (heshiiskii Kampala) waxaa xilka laga qaadi karaa, mooshina laga keeni karaa madaxda xukuumadda haddii ay ku xad gudbaan Axdiga KMG.

Sawirka oo weyn (guji)

Waxa kale oo baaarlamaanku ay Sharif Xasan ku eedeeyeen in uu baarlamaanka xirtay isla markaasna diidey in baarlamaanka horkeeno qorshaha loogu magac daray ‘Roadmap-ka’, iyo in uu diidey in xildhibaanadu isugu yimaadaan kulamadoodii caadiga ahaa si ay u gutaan hawshooda.

Shariif Xasan oo Jimacadii ku soo laabtay Xamar waxa uu xildhibaanada xilka ka qaaday ku tilmaamay kugo khaldan.

Laakiin guddoomiyihii isaga ka horeeyey Aaden Madoobe ayaa sheegay in “xil ka qaadistii Shariif Xasan ay tahay mid sharci ah.” Waxana uu sheegay in ay tahay arrin laga xumaado in Shariif Xasan uu weli sheegto guddoomiye baarlamaan.

Waxa kale oo Aaden Madoobe sheegay in Heshiiskii Kampala ay ku jiraan qodobo suurtagal ka dhigaya in Mooshin laga keeno madaxda DFKMG.

Madaxweynaha DFKMG oo warsaxaafadeed ka soo saaray xilkaqaadista Shariif Xasan ayaa sheegay “ Ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.”

Halkaan ka Akhri  kampala accord 

Taariikh Xusid Mudan:

Waxay ahayd September 19, 2003 markii Madaxweynahii hore ee Kenya Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University ee Washington DC ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay “dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya in ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi doonto ‘riyada is-ballaarinta.’” Moi waxa uu intaas ku daray in qaar “dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka.” Waxana uu xusay in markii ay xornimada heshay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay sheegatay qayb ka mid ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, ayna ku xejisay dagaal hubaysan si ay u xaqiijiso fikirkan. Daniel Toroitich arap Moi waxa uu madaxweyne ka ahaa Kenya muddo 24 sano ah intii u dhaxaysay August 22, 1978 – December 30, 2002 (Akhri).

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: