Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo 2 Maalin ku qarash gareeyey 80 Kun USD Muqdisho to Naroobi xili Ciidamada Xooga baahi darteed isku xabadeynayaan Maxaase kala socotaa qarashka ka soo xarooda Dekada weyn iyo Eraboorka Adan Cade

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Cabdi wali Cali Gaas ayaa safar 2 cashaa ku tagay magalada Naroobia ee Dalka Kenya isagoona sida la sheegay ku baxday qarash dhan 80 kun oo Doolar oo sida muuqata xiligaan mac quul aheen madaama dalka ku jira xaalad adag oo keentay in ciidamada xooga dalka la siinwaayo dhowr bil wax mishear ah taana waxay keentay in ay isku dhacaan labada ciidan ee safka iskula jiray iyadoona isbaarooyinka ay ku soo badanayaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka koowaad ayaan la heen cid la xisabtanto madaama xafiiskiisa ay joogaan Rag ku jufa hoose ah iyadoona garab martay sharcigii u yiilay Dowlada ee ahaa in xafiis walba ama wasaarad walba looga shaqeeyo Afar beel iyo Bar taa oo aan ka dhaqan galin xafiiska wasiirka koowad waxana ka shaqeeyo 12 dhalinyaro ah oo isku jufa hoose ay yihiin iyadoona arinkas ka jirta guux hoose

Waxaase cajiib ah Xogeentiisa qaska ah ee Wasiirka koowaad oo ka yimid wadanka Canada kana shaqeen jiray hotel ku yaalo Canada uu u qaabilsanaa soo qaadida boorsooyinka dadka hoteelka soo dago ayaa xiligaan waxuu magaalada Naroobi dagan yahay hoteelka ugu qalisan magaalada Nairoobi isagoona ku baxdo qarash aad u badan oo ku socoto kaasada Dowlada mana jirta cid la xisaab tami karto madaama garab uu ka heysto masulka koowaad ee dowlada Soomaliya

Dhanka kale waxaa bishii ka soo xaroota dekada weyn ee magaalada Muqdisho 2 Malyan iyo Bar USD halka Eraboorka ay ka soo gasho hal malyan iyo Bar USD ah iyadoona xarunta madaxtooyada bil waliba ay doowlada Sudaan ay siiso Hal malyan iyo Bar USD taa oo ku dhicin kaasada Dowlada waxaana si qaas ah lacagtaasi Dowlada Sudaan ay bixisa qaato madxaweynaha Somaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed mana jirta cid la xisabtami karto Barlamaankii la xisabtami lahaana isaga dhaxdiisa isku mashqulsan yahay

Waxaana la yaab leh ciidankii difaaci lahaa dalka ay gaajo u dhimanayaan iyagana dhaxdooda isku dilayaan dhaqaalo xuma jirta aawgeed 
Si kastaba ha ahatee waxa isweydiin mudan waxa hor taagan qarash intaa la eg dowlada in ay u soo xarooto ciidankoodana ay mishar laaan yihiin

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: