Soomaalidu ha Joojiyan 48-Saacadood Ganacsiga Nairobi!

imageFriday 11 April 2014 | Moment Media Ethics|— Si loo muujiyo awooda, baaxadda iyo kaalinta Ganacsi ee Soomaalida Kenya gaar ahaan Nairobi haddii Soomaalida ay 48-saacood kaliya joojiyaan guud ahaan dhaq-dhaqaaqooda Ganacsi waxaa dhici lahayd in waxbadan iska badalaan fikir-ka xaasid, riixid iyo faqooq ee u gaarka ah qowmiyadda weyn ee udub-dhexaadka u ah dadka wada dagan dalkan Kenya.

Dad aan baaritaan dhaba sameyn ayaa aaminsan in Soomaalida yihiin dad laga tiro iyo waxtar badan yahay marka la joogo Kanya oo aan loo dhutineyn, waxaase kuwaas xasuusin lahaa in marka laga soo tago xaafadda kaliya ee gobol kastoo ka tirsan Kenya uu adeeg ganacsi u soo doonto isla markaana deegaan u ah Soomaalida hadana in bartamaha magaalada (Central Business District CBD) ama Town haddii Soomaali joojiso adeegyadooda ganacsi in maalintaas dad badan su’aalo is weydiin lahaayeen.

Ma arkeysid maqaayado saf loogu jiro oo kuraasta la iska kala suganayo oo aan ka ahayn kuwa Soomaalida qiyaas ahaan waa 50-meeyo maqaayaadood oo qaarkood ay yihiin kuwo caalami ah waxayna ku wada yaalaan dhamaantood bartamaha caasimadda, xarumaha sarifka lacagaha ugu badan ee Town-ka waxaa ku shaqeeya waa Soomaali, labadda suuq ee ugu weyn Electronics lagu gado waxaa gacanta ku haayo 90% Soomaali waana suuqa Masjidka u dhow ee Jamia Mall lagu magacaabo iyo suuqa kale ee isagana Lithuli Avenue la yirraah.

Waxaa dheer tukaamo dhar, kuwo kaloo adeegyo kala duwan qabta, Sidoo kale shidaal-ka iyo raashiin-ka kaalin aan la dhayal-san karin ayay Soomaalida kaga jiraan ka ganacsigooda, Agabka baabuurta u baahan yihiin ‘’Spare Parts’, waxaa jirta in baabuurta ugu badan ee xamuul isagana kala gooshta guddaha Kenya iyo wadamada dariska ay Soomaali leeyihiin, Intaas aan soo sheegay weli wey ka baxsan yihiin xaafada hadda culeyska iyo caburinta lagu haayo ee Islii oo iyadu 50% ah goob ganacsi.

Shirkadda ugu weyn adeega isgaarsiinta dalka ee Safaricom waxaa la shaqeeya boqolaal shirkadood oo Soomaali ah oo adeega gaarsiiya bulshadda haddii ay noqon lahayd kaararka taleefanka, kuwa lacagta iyo adeega lacag dirsashada ee Mpesa.

Shirkadaha duulimaad-ka caalamiga ah waxaa wakiilo u ah oo adeeg badan bulshadda Kenya u haaya waa Soomaali intooda ugu fir-fircoon, dadku xaquuq ayay leeyihiin, wadankuna xaquuq ayuu ku leeyahay waxaase wanaagsan in ay isku dhigmaan oo aan dulmi iyo dagaal lagu bar-tilmaameedsan.

Ka soo tag intaasoo dhan, kawaran haddii kuwa jaadka dhoofiya ay joojiyaan in ay soo gataan oo Soomaaliya u diraan kaliya mudo 48-saacood ah maba yeeli doonaane.

Soomaalida waxbadan ayay dagan yihiin Nairobi gaar ahaan islii, ganacsi iyo hanti-maguurto ah ayayna ku leeyihiin waxaa wanaagsan in ay nidaam mideeya sameystaan, muujiyaan kaalintooda, ma jiro wasiir hindi ama mid kaloo cadaan ah halka annaga wasiiro cul-culus aan ku leenanay dowladda misana inala duuban, fursaddaan waa in laga faa’iideystaa dadkana la tusaa in Soomaali tahay Soomaali waligeedna ahaaneyso Soomaali.

Moment Union Somalia Diaspora Agency

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: