Madaxweyne Shariif oo Muqdisho ku soo laabtay, kana qeyb galay munaasabada xuska 68 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Booliska (DAAWO SAWIRO)

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Sheekh Axmed oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib uu shalay socdaal ku gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayey xuska maalinta 20ka Disembar oo ku beegan sanad-guuradii 68-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka booliiska Soomaaliyeed taasoo lagu qabtay dugsiga tababarka Booliska (iskoolo Bulusiyo) ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa ciidamada booliiska oo isugu jiray rag iyo haween waxay kusoo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar iyo dhoolatusyo kala duduwan oo ay ugu dabaal degayaan munaasabada maalinta 20ka Disembar oo ku beegan sanadguuradii 68aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Booliska Somalia waxaana sidoo kale kooxda heegan ee ciidanka booliiska ay qaadayeen intii ay xafladdu socotay suugaan kala duwan oo turjumeysa kaalinta Boolisku kaga jira sugida amaanka iyo wax qabadkiisa.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada iyo marti-sharaf kale kuwasoo goobta ka jeediyey khudbado kala duwan oo ay ku cabirayeen kaalinta booliska waxaaa ka mid ahaa Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ka taariikheeyey marxadihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka booliiska tan iyo markii la aasaasay 20-kii Diseember 1943-kii iyo waxqabadkiisii mudadii uu jiray.

Shariif Shiikh Axmed madaxweynaha dowlada KMG Somalia oo khudbad dheer ka jeediyey munaasabadaasi ayaa ugu horeyn waxaa u hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda ciidanka Booliska taasoo ku aadan sanadguuradii 68aad ee ka soo wareegtay aasaskii ciidankaasi wuxuunay xusay ahmiyadda uu ciidanka Booliiska leeyahay, isagoo sheegay inuu yahay ciidan ka shaqeeya nabadgalyada gudaha, sidoo kalena saaxiib la ah shacabka guud ahaan.

“Ciidamada booliiska waxaa looga baahan yahay inay ka horatagaan cid walba oo ka soo horjeeda nabadda, ayna gacanta ku soo dhigaan kuwa nabadgalyo xumada wada, dowladduna waxay ilaalin doontaa xuquuqda ciidanka booliiska” ayuu yiri madaxweyne Shariif, waxaana goobtaas sidoo kale ka hadlay masuuliyiin badan oo dhamaantood ciidana booliska ku amaanay waxqabadkiisa, iyagoo booriyey iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: