Qaabka ugu sahlan oo ay Dowladu ku qaban karto doorasho xor ah oo lasoo bandhigay

image

Moment Union SomaliDiaspora Agency Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed

Moment Union – Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ka gaabineyso howlihii ay ballanqaaday inay kusoo biirin doonto Siyaasada dalka iyo Horu socodka.

Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in goortii uu maqlay in Somalia ay ka dhici doonto doorasho nin iyo codkiisa ay filan’waa la noqotay, balse iminka Dowlada Somalia kaliya ay u furan tahay hal wado oo ah inay latashiyo la sameyso qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed inuu aad uga xun yahay in Somalia ay kusii raagto wadadii dhalisay burburka, waxa uuna tibaaxay in Madaxda Qaranka ay hortaal ka tashiga qancinta Shacabka ay xilka u hayaan iyaga oo tixgalinaayo kaalinta Bulshada ay ku leeyihiin taabagalinta Horumarka lagu taamaayo in dalka laga dhaqangaliyo.

‘’Tallo ahaan waxaan qabaa in doorashada Somalia ay ku dhici karto laba qaab xisbiyeed inta loo sameeyo doorasho isku miisaaman waa la sameyn karaa, waxaa kale oo la yeeli karaa, dalka hadda dowlad gobaleed uu kala yeeshay, dowlad gobaleed kasta inta soo tashato inay la timaado golaheeda baarlamaanka iyo inta la sameeyo hab la raacayo lana yiraahdo hala soo xulo qof tayo oo maanta marxaladda dalka wax ka bedali kara”

Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed wuxuu sheegay hadii ee doorasho qof iyo codkiisae ah ee dalka ka dhaceyn waa in  markaas dalka loo keeno shaqsi karti leh oo maanta dadka wax u qabta.

Dhanka kale,   Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed waxa uu codsaday in Madaxda dalka aysan ka jiifan fulinta ballanqaadyadii ay horay u sameeyen, waxa uuna shaki galiyay in Horusocodka dalka uu yahay mid xiligaani ka imaankara dhanka Dowlada, waa hadii aan la helin Shacab u hogaansan dhismaha dalkooda.

Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: