Daawo Shir ay isugu yimaadeen Ururada Saxaafada ee Soomaalida iyo guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Nariobi}Sawiro}.

Munaasabada balaadhan oo Ay Kasoo Qayb galeen  dhamaan wariyaasha Soomaaliyeed ee  ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, madax ka socotey Safaarada Soomaalida ee dalka Kenya,  Masuuliyiin ka socotey Ganacsatada iyo Culmada Soomaaliyeed ayaa lagu Qabtay Hotel madiina Mall.

Waxayna  aheyd mid ay iska kaashadeen Agaasinkeeda Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed eee NUSOJ iyo Xarunta nabada iyo Saxaafada ee Cepjo ee Fadhigoodu yahay Magaalada  Nairobi.

Kulankan ayaa waxaa loo qabtey  laba arimood oo kala ah:

1- Sidii Wariyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi looga hadli lahaa Amarkii Dowlada Kenya kasoo baxay oo ahaa raafka lagu hayo Soomaalida ee Qoxootiga looga gacan xaatiyey dhanka Xeriyaha.

2-  lacag loo aruuriyey qaar ka mid ah wariyaashii sanadkii tagey la diley oo goobta laga shaacinayay si eheladooda loo gaarsiiyo.

Ugu horeyntii ayaa waxaa kasoo qeyb galayaashii munaasabada la HadleyMaxamed Gaarane Aadan oo ah Madaxda Tababarada Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ,waxaana uu sheegay in muhiimada kulanka uu yahay Laba arimood,mida koowaad ka hadalkii sidii Wariyaasha Nairobi aysan u sameyn laheyn Amarkii Kenya ay soo rugt ey iyo lacag la siinayo Ehelada4 wariye oo ka mid ahaa Wariyaashii sanadkii hore Muqdisho lagu diley.

Gaarane ayaa waxaa uu tilmaamay in Wariyaasha la diley ee Eheladooda lacagta ay uga tala galeen ay yihiin Afar wariye oo kala ah”

1:C/sataar Daahir Sabriye. 2:Liibaan Cali Nuur oo labadooda ka tirsanaa TV-ga qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ku dhintey Qaraxii sanadkii hore ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, Maxmed Yaasiin oo ahaa Agaasimihii Idaacada VOD oo isna qaraxaasi ku dhintey iyoAbsuge oo isna Kooxo hubeysan toogteen.

Gaarane Ayaa waxaa uu goobta ka shaaciyey lacagta ay iska soo aruuriyeen qaar ka mid ah wariyaasha Magaalada Nairobi ee loogu talagaley Ehelada Afarta wariye ee aan kor kusoo sheegney, isagoona cadada lacagta ku sheegay iney gaareyso3500$,waxaana uu sheegay in si deg deh ah lacagtaasi u gaarsiinayaan ehelada Wariyaasha dhintey.

Dhankooda Culimada Soomaaliyeed ee Kulankan ka Qayb gashay Ayaa Bayaamiyey Sababaha Loo beegsanayo Wariyaasha, taas oo Lagu Sheegay Inay Ugu Horayso dadka Khaayimiinta  ah ee Ay Kashifayaan.

Maaxiye Cabdinuur Yuusuf iyo Maxamed Xaji Xasan Abuukar oo ka mid ah madaxda sar sare ee Ururka CEPJO,waxaana ay u sheegeen wariyaashii iyo madaxdii kale ee kasoo qeyb gasheyba iney dadaal dheer u galeen sidii Wariyaasha Soomaaliyeed aysan u saameyn lahayn Amarkii Dowlada Kenya,waxaana ay tilamaameen iney wali ay wadaan sidii Wariyaasha iyo Booliiska u kala bad baadi lahaayeen.

Maxamed Cabdullahi oo ah madaxii hore ee BBC-da qeybta Soomaaliga Ayaa Dhankiisa Halkaasi Wuxuu ka Jeediyey Qudbad Dhinacyo Badan taabanaysa taas oo uu kaga Hadlay Doorka Saxaafada iyo waxyaabaha loo baahan yahay in laga Midoobo.

Gudoomiyaha Ganacsatada Xaalfada islii Mr Guutaale Ayaa Dhankiisa ka Hadalay Dhibaatada Xoogan ee Loo Gaysaynayo Wariyaasha Soomaaliyeed iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada u ah Horumuudka.

Xubno Kasocday Haayada Caalamiga ah & Wariyaasha Udhashay Dadlka KenyaAyaa Iyaguna Goobta ka hadlay, Siwayna Umuujiyey Sida ay uga Xunyihiin dhibaatooyinka loo gaysanayo Wariyaasha Soomaaliyeed.

Dhankooda Qaarkamida Abwaanada Suugaanta Wax ku Cabira Ayaa madasha kusoo bandhigay Doorka Wariyaasha & Dhibaatooyinka Lagu Hayo.

 Safiirka Dowlada Soomaaliya ee Kenya Ameeriko ayaa  sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan go’aanka lasoo rugey Wariyaasha Soomaaliya,iyadoona safiirka uu balan qaadey inuu la shaqeynayo Wariyaasha Soomaaliyeed.

Gabagabadii Munaasibada Ayaa Waxaa Halkaasi Lagu Gudoonsiiyey Lacagtii  Loogu Talagalay Wariyaasha  Geeriyooday, Wariye Maxamed Axmed Ilka Case oo Ah Agaasimaha Tvga Qaranka Xaruntiisa Magaalada Nairobi.

((Habada halkan Ka Daawo – Sawirada Munaasibada – oo dhan))

 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: