R/W Gaas Oo Ku Sugan Belgium + Sawiro

Brussels – GMN – Ra’iisal-Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uga bilaabaneysaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub (EU). Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gas ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxda Midowga Yurub oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Roadmap-ka iyo shirarkii Garowe oo dhammaan ku dhammaaday guul, horseedna u noqday in Soomaalidu ay dhexdooda ka heshiin karaan, iskuna afgaran karaan arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ku jiro Madaxweynaha Midowga Yurub Barosso iyo madax kale. Sidoo kale Ra’iisal-Wasaarahu waxuu kulamo la qaadan doonaa Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub iyo Madaxda dalka Belgium.

Sidoo kale Ra’iisul-Wasaare Abdiweli Mohamed Ali waxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium si uu ugala hadlo horumarka ballaaran ee dowladdu ka sameysey dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo shirka London ka dhici doono 23-ka bishan ayn ku jirno ee February.

Daawo Sawiradda

  
  
 
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: