Wakiilka u qaabilsan arimaha siyaasada Soomaaliya ee Qaramada midoobay oo bari subax kuwajahan magaalada Muqdisho

Wakiilka u qaabilsan arimaha Siyasada Soomaaliya Dr Mahiiga ayaa maalinta bari ah kuwajahan magaalada Muqdisho xili kursigiisa muran xoogan uu ka jira xafiiiska siyaasad ee Qaramada Midoobay ee Soomaliya loog arimiya uu buuq xoogan ka jiro taana ay qasab ku noqotay isaga iyo xogeentiisa qaaska ah ay degdeg u aadan maagalaad Muqdisho iyagoo taageero xoogan ka raadinayo Madaxweyne Soomaaliya iyo gudoomiyaha Barlamaanka xilkiisa lagu mursan yahay.

Waxaa si hoose u helnay in Mahiiga laga qaadi rabo booska uu haayo laguna badali rabay dhowr shaqsi kuwaa oo diiday in xiligaan adag e e Soomaaliya qabtaan halka mahiiga uu xoog u doonayo in uu xilkaan sii haayo madaama ay ka soo gasho dhaqaalo badan oo lagula xisabtamin siyaasada Soomaliya ee jahwareerka ah uu sidoow doono ka yeelo.

Safarka Mahiiga ee maagalada Muqdisho ayaa xiligaan ah mid adag oo ku soo aaday xili siyaasada Soomaaliya ay qasanta Barlamaanka Soomaaliya doortay gudoomyey cusub shirkii Garoowana lagu lunsaday lacag badan oo beesha caalamka ka qeylisiisay

Waxaa kale oo jira tuhun laga qabo wakiilka u qaabilsan xafiiska siyaasada Soomaaliya Dr mahiiga in uu doonayo Soomaliland la aqoonsado sida uu qudbad horey ugu jeediyey mar uu joogay Hargyesa usagoona u xaglinta Soomaliland in ay gooni isku taagto ku qal qalisay xoogeenta qaska ah oo iyadu ka soo jeedo deegaanka Soomaaliland sidaan ka soo xigan xildhibaan ka tirsan Dowlada Soomaliya

Si kastaba ahaatee Mahiiga ayaa xiligaan siweyn looga soo her jeedaa isagoona xil weyn iska saarin arimaha siyaasada Soomaaliya ee dhanka dib u heshiinta dadgaar ahna la doonaayo in ay talada dalka heystaan.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Wakiilka u qaabilsan arimaha siyaasada Soomaaliya ee Qaramada midoobay oo bari subax kuwajahan magaalada Muqdisho

  1. Xisbiga MJ Somaaliyed oo QM ka codsaday in danjire Mahiga la mariyo wadadii uu maray ku-xigeenkiisii Cristan manhal

    War saxaafadeed

    War Murtiyeed Ka Soo Baxay Xafiiska Ku Simaha Xisbiga MJS Md.C/Nur Darman ahna G/ku xigen xisbiga midnimada jamhuurga soomaaliyed mudane Cali Max’ed Nuux Tima jilic ayaa si weyn loogu soo dhaweyey badalaada ku xigeenka uqeybsamaha soomaalia ee UN~ka Mudane cristian manhal oo dhawaan laga qaaday xilka kuxigeenimada wakiilka xog hayaha guud ee QM Mr,bankiyamun iyadoo sidoo kale codsaday in talaabadaas oo kale laga qaado wakiilka u qaabilsan soomaalia xog’hayaha guud ee QM Mr,Mahiiga.
    Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed wuxuu cadeynayaa in burbur kala qeybsanaan iyo dagaansho la’anta siyaasadeed ee ka taagan dalka soomaaliya ay qeyb weyn ku leeyihin Mahiga ku xigeenadisa iyo shaqaalaha UN,ka ee hoostaga isaga waa Mahige waxa ay jecelyihiin in ay maskaxdooda ku maamulaan dalka soomaliya ayna ka yeelaan sidey rabaan iyagoo anan wax talo ah weydinin dadka soomaaliyeed.
    Waxay marwalbo abaabulaan shirar iyo mashaariic aan wax faa’ido ah u laheyn dalka iyo dadka soomaalia si ay dhaqaale uga helaan wadamada deeqaha bixiya mana rabaan in ay istaagto soomaaliya madaxbanaan waxay in badan ku guleysten in ay iska hor keenaan hey’adaha dastuuriga ah ee hogaaminta dalka sida madaxtoyada xukumada iyo baarlamaanka, ugu dambeyntiina waxay manta ku guuleysteen in ay iska hor keenaan xubnaha baarlamaanka.

    Sidaasi owgeed waxaan xog’hayaha guud ee QM Beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha soomaalia ka codsaneynaa in Mr,mahiga iyo raga ka hoos shaqeeya aan lagu fiirsan dalka soomaalia sidoo kale waxan codsaneynaa in soomaaliya laga bixiyo faragalinta militery siyaasadeed oo ay ku hayaan wadamada dariska la ah soomaalia taasoo aysan ku jirin xalka daganaanshaha soomaaliya Baa lagu soo gabangabeeyey War murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa kusimaha M/weyne Darman Ahna G/ku xigeenka XMJS Cali Max’ed Nuux Tima Jilic.

Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.