DAAWO: Shirkii Hiigsiga oo si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho iyo war murtiyeed laga soo saaray

image30 JUL 2015: Shirka heerka wasiir ee caalamiga ah oo 29 kii bishaan ka furmay magaalada muqdisho ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho, iyadoona ay shirkii maanta ka qeybgaleen Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Gudoomiyeyaasha gobolada Banaadir, Hiiraan iyo kuwo kale, iyadoo gaba gabada shirka ay ka soo baxeen qodobo fara badan oo la ‘isku raacay inay gogol xaar u noqon doonaan hiigsiga sanadka 2016 ka iyo ka faa’iideysiga New Dealka.

Shirka ayaa waxyaabihii la isla af gartay inay lagama maarmaan u yihiin gaarista 2016 oo ka kooban ku dhawaad 40 qodob waxaa goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa kale oo ka mid ahaa guddiga doorashada arrimaha horyaala, dhameystirka federaalka, dardargelinta wasaaradaha dowlada howlaha ay u xilsaaranyihiin, Kabista iyo horumarinta waxyaabaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka,

Waxaa aad loo amaanay dagaalka ka dhanka argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo amisom iyadoo la dardar gelin doono qorshaha wada jirka ah ee lagu ciribtirayo cadowga iyadoo la rajeynayo howlgaladaasi ay wehliyaan gargaar bani’aadanimo,dhowrista xuquuqda aadanaha,iyo ilaalinta sharciga,

Waxaa la isla gartay inay talaabo muhiim ah tahay dardar gelinta dhaqaalaha iyo kaalmada caalamiga ah iyadoo la marsiinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya,lana tixraacayo sharciga 1989kii,kabista dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo maamul baahinta,

Qorshaha dib u eegsita, waxayaabihii qabsoomay ayaa la isla gartay inay ka soo hoydeen guulo wax ku ool ah iyadoo la garwaaqsaday in la sii horumariyo,Waxaa la isla gartay in ahmiyad gaar ah lagu eego qaxootiga Soomaaliyeed ee Yeman kasoo qaxay taasi oo ah inay helaan dib u dejin iyo hooy dadka imaanaya,

imageWaxaa la isla gartay in Somalia aysan ka dhici Karin Doorasho ah 1 qof iyo hal cod, bedelkeedana ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka balaaran tii hore u soo martay wadanka.

Madaxweynaha dalka mudanae Xasan shiiiq Maxamuud, Ra’isul wasaaraha Somalia Mudane Omar Abdirashiid Ali wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay ayaa si wada jir ah jir jiraa’id u wada qabtay, iyagoo bogaadiyay qodobadi ka soo baxay shirka, waxaana si isku mid ah ay u sheegeen in dalka Doorasho hal cod iyo hal qof aysan ka dhici Karin laakiin taasi badalkeeda ay dhici doonto mid ka balaaran tii 2012-ki ka dhacday Muqdisho, waxaana mas’uuliyiinta ay bogaadiyeen horumarka Dowladda Ay Ku Tilaabsata – DAAWO:

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “DAAWO: Shirkii Hiigsiga oo si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho iyo war murtiyeed laga soo saaray

  1. Puntland oo qaadacday Siyaasada Xukuumada Federaalka kuna dhawaaqday Shirweyne Qaran [Warsaxafadeed

    Published on July 31, 2015 MomentUnion ·
    Garoowe ( MomentUnion)-Puntland ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay shirka ka socda Muqdisho ee looga hadlayo Hiigsiga 2016 ku sheegtay in Puntland aysan wax kalsooni ah ku qabin dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqeyso Ummada Soomaaliyeed inay shirweyne wadatashi isugu yimaadaan.

    Puntland ayaa dhinaca kale ka digtay in wax wakhti koror si ah lagu sameeyo xilka kasii dhamaanaya dowlada Federaalka ee xiligan joogta.

    Warsaxaafadeedkan ayaa marka hore lagu faah faahiyey sababta Puntland uga qeyb geli weyday shirka wadatashiga Hiigsiga 2016 ee maalinimadi shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

    Dowlada Puntland ayaa u mahadnaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wanaaga doonaya iyo waliba Beesha Caalamka ee taageerada la garab taagan sidii dalka Soomaaliya uga soo kaban lahaa Qaran-jabka ku dhacay, ayaa hadana Puntland sheegtay inay ka xuntahay in dowlada Federaalka ee xiligan joogta rajadii Soomaalida burburisay kadib markii ay ku tumatay Dastuurkii dalka u yiilay.

    Waxay Puntland sidoo kale ku eedaysa xukuumada hada joogta inay si gaar ah u dooneyso inay musuq maasuq wakhtiga ku kororsato iyadoo u mareyso Guddiga Doorashada oo la magacaabay isagoo aan lagala tashay Maamulada dalka ka jira, isla markaana lagu doonayo in xukunka lagu boobo.

    Qoraalka kasoo baxay maanta Puntland ayaa lagu xusay sadex qodob oo ay Puntland xiligan wax kalsooni ah ugu qabin dowlada Federaalka kuwaasi oo kala ah:

    1- Jabinta iyo Bedalida Qodobada Dastuurka KMG ee Federaalka Soomaaliya

    2- Hirgelin la’aanta heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Federaalka

    3- Ololaha hogaanka Federaalka ugu jiro burburinta Nidaamka Federaalka iyo dhismo xukuumad looga taliyo MUQDISHO oo kaliya.

    Dowlada Puntland oo ah xubinta kaliya ee Federaalka oo aan Kumeel Gaarka ahayn ayaa sheegtay in la jabiyey qodobo badan oo Dastuurka kamid ah oo ay tusaale usoo qaadatay qodobada;

    a) Burburintii Golaha Sare ee Federaalka Soomaaliya (Qod. 72 Farqadiisa)
    b) Maqaamka Caasimada Federaalka Soomaaliya (Qod. 9)
    c) Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
    d) Sharuucda iyo xeerka wax ka bedalista iyo dib ugu noqoshada Dastuurka (Qod.199 farqadiisa 3 iyo 5)
    e) Sharciga dhulka, hantida iyo bey’ada ee Dastuurka (Qod.44 farqadiisa 6)
    f) Baahinta Awoodaha dowlada (Qod. 55)
    Puntland ayaa sidoo kale sii faah faahisay qodobada la jabiyey iyo qaabka loo jabiyey iyo waliba fulin la’aanta heshiisyadii hore u dhexmaray Puntland iyo Federaalka oo ay fulin weysay xukuumada Federaalka, arrintaasi oo Puntland ku go’aansatay inaysan wax kalsooni ah ku qabin xukuumada hada xilka heysa.

    Waxayna dowlada Puntland ku baaqday in Shirweyne Soomaaliyeed la isugu yimaado si looga tashado habkii doorasho dalka uga dhici lahayd marka la gaaro 2016 iyadoo ay Puntland ka digtay in wax wakhti kororsi ku dhawaaqaan golayaasha Dowlada Federaalka ee wakhtiga ka dhamaanayo 2016.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: