Beesha Shiikhaal oo kalsoonida kala laabatay DF Somalia, soona dhoweysay iscasilaada wasiir ku-xigeenka Difaaca

imageBeesha Shiikhaal oo kalsoonida kala laabatay DF Somalia, soona dhoweysay iscasilaada wasiir ku-xigeenka Difaaca

imageBeesha Shiikhaal oo kalsoonida kala laabatay DF Somalia, soona dhoweysay iscasilaada wasiir ku-xigeenka Difaaca

WAR KASOO BAXAY BEESHA SHEEKHAAL- MUQDISHO, SOMALIA:
Ku: Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Ku: Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka AU ee Soomaliya
Ku: Wakiilka IGAD ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka USA ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka UK ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka OIC ee Soomaaliya

UJEEDDO: WAR-MURTIYEED KU SAABSAN KALSOONI KALA NOQOSHO DAWLADA UU HOGAAMIYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Maanta oo ay taariikhdu tahay 7/02/2015 waxaa shir isugu yimid xildhibaannada, Salaadiinta, aqoonyahannada, siyaasiinta iyo qeybaha kala duwan ee beesha Sheekhaal magaalada Muqdisho. Wax garadka beeshu waxaa ay ka doodeen xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan dhismaha xukuumadda, iyo maamulladii ugu dambeeyey ee laga dhisay gobollada dalka. Falanqeyn dheer ka dib beesha waxaa u caddaatey in lagu sameeyey gaboodfal iyo xaqiraad laga xaqirey xuquuqda ka qeybgalka maamulka iyo talada dalka ee ay beesha xaqa u laheyd, masuuliyadda arrintaasna uu leeyahay Madaxweynaha Jmahuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, asiga oo dhegeha ka furaystay talooyin iyo wax u sheeg badan oo ay beeshu ugu tagtey xafiiskiisa marar badan.

Madaxweynuhu wuxuu beesha sheekhaal ka hor joogsadey una diidey iney xaqii ay ku lahaayeen ka helaan maamullada kala duwan ee dalka kuwaasoo dhawaan la soo dhisay sida:
1. Golaha wasiirrada ee dowladda federaalka: Madaxweynuhu wuxuu ku qorey beesha sheekhaal cad quureed oo aan u qalmin, asiga oo jufada hoose ee uu ka dhashayna ka siiyey golaha wasiirrada laba xubnood.

2. Maamulka gobolka Banaadir oo ay beeshu ka mid tahay beelaha asal ahaan degan , wuxuu u diidey in lagu daro maamulka gobolka banaadir.

3. Maamulka dhawaantaan laga dhisey gobolada koofur galbeed Soomaaliya, kaasoo aan laga qeyb gelinin beesha Sheekhaal , taladaasna uu lahaa madaxweyne Xasan Sheekh

4. Gudiga maamul u diyaarinta goblada dhexe, iyadoo beesha ay tahay beesha labaad ee degan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, wuxuu madaxweynaha ka hor joogsadey beesha ineey ka helaan gudiga qeybtii ay xaqa u laahyeen, taasoo keentey in beesha isaga baxaan goobtii shirka taasoo uu isaga gudoominayey.

5. Wuxuu madaxweynuhu diidey in maamulka dekedda iyo Airboorka Muqdisho wax laga siiyo beesha Sheekhaal, oo ka mid ah beelaha ku leh ganacsiga ugu badan magaalada kana mid ah canshuur bixiyeyaasha ugu horeeya.

Hadaba Beesha Sheekhaal iyada oo ka duuleysa qodobbada kor ku xusan iyo xad gudubkaa foosha xun ee uu kula dhaqmay Xasan Sheekh Maxamuud,, waxaa ay soo saartey war-murtiyeedkaan:
1- Beeshu waxeey kalsoonidii kala noqotey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 07/02/2015

2- Beeshu waxaa ay si buuxda u ayideysaa is casilaadda xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xirsi uu iska casilay wasiir ku xigeenka labaad ee wasaaradda Gaashaandhigga.

3- Beeshu waxay is ticmaali doontaa dariiq kasta oo ay xaqeeda ku heleyso.

BAAQ

1-Beesha Sheekhaal waxay u adkaysatay ilaa iyo maanta caddaalad darrada joogtada ah ee uu kula dhaqmay Xasan Sheekh, sababaha ay dulqaadkaas u muujisayna waxay ahayd in ummadda Soomaaliyeed dhibka ka baxdo, heshana dowlad, laakin dowlada Xasan Sheekh, ummadda Soomaaliyeed ma samata bixin, cadaaladna uma keenin dowladnimada Soomaaliyeedna hoos ayuu u dhigay, sidaa darteed uma qalmo Xasan Sheekh in uu hoggaanka waddanka sii hayo mana gaarsiin karo hiigsiga 2016, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa in uu xilka madaxweynenimo iska casilo, haddii uu is casili waayana waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka Federaalka in uu kalsoonida kala laabtaan.
2-Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee dulmiga diiddan in ay nala diidaan dulmiga iyo caddaalad darrada uu wadanka ku wado Xasan Sheekh Maxamuud una istaagaan sidii waddanka looga samata bixin lahaa dhibaatada uu keenay Xasan Sheekh.

Ugu danbeyn waxaan u sheegeynaa hay’adaha iyo madaxda ay ku socoto war-murtiyeedkan in ay gacan ka geystaan sidii ummadda Soomaaliyeed looga saari lahaa xaaladdan adag oo ay ku jirto.

Mahadsanidiin..
Xildhibaan Khaliif Mohamed Haji Hassan
Afhayeenka Xildhibaanada Beesha
Tel: +252 616 321 585
E-mail : Khalhagi2@hotmail.com

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: