Isu tagga urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ka carooday Khudbad uu jeediyay R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh

imageMoment Union – Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu soo dhaweynayaa heshiis kasta oo lagu hormarinaayo shaqaalaha soomaaliyeed oo ay wada galaan Dawladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) ee hoos taga Qaramada Midoobay, loona yaqaano International Labour Organisation taas oo ah kor u qaadida shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha iyadoo heshiiskan uu Soomaaliya u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, halka Ururka Caalamiga ah ee ILO uu u saxiixay Mudane Aeneas Chapinga Chuma oo ah madaxa Ururka ee qaaradda Afrika

Waxaa wax laga xumaada ah in Ra’iisul wasaarihii dalka isaga oo aan ka war qabin xalada shaqaalaha iyo cida shaqaalaha Soomaaliyeed matasha uu qudbadiisa ku sheego urur aanan matalin shaqaalaha soomaaliyeed indhahana ka qarsado Isu Tagga Urur Weynaha shaqaalaha soomaaliyeed oo ah ururka kaliya ee matala shaqaalaha Soomaaliyeed kana shaqeeya danaha iyo hormarka shaqaalaha soomaaliyeed ahna Ururkii kaliya ee ka qeybgalay kanashaqeeyay

 Dastuurkii dalka iyo xuquuqda shaqaalaha u leeyihiin in ay helaan urur udooda xuquuqdooda

 ITUSS Waa urukii ka shaqeeyay in golaha shacabka lagu soo daro gudiyadiisa gudi hoosaad kashaqeeya danaha shaqaalaha

 ITUSS Waxaa aqoonsaday hay’adaha kala ah ILO, EATUC, ITUC, ITF, SOLIDARITY CENTER AMERICA, oo wafdi heer caalami ah u soo diray soomaaliya soona saaray warbixin ay ku sheegeen in uu ITUSS yahay ururka kaliya ee matala shaqaalaha soomaaliyeed.

 Waxaan ugu baaqeynaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

1. In uu latashado Isu Tagga Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, Gudi hoosaadka arimaha shaqaalaha ee Baarlamaanka, wasaarada shaqaalaha iyo Gudoonka Baarlamaanka

2. In uu kalaabto waxa uu ugu yeeray urur Shaqaale oo aanan matalin kana warqabin danta, dalka iyo danaha shaqaalaha soomaaliyeed

3. In uu wax kamajiraan ku tilmaamo iyo qalad aanan lagu talagalin kuna sheegay qudbadiisa urur aanan matalin shaqaalaha soomaaliyeed ahna shaqsi qowleysato ah.

Sida aan lasocono Shaqaaluhu waa muruqa iyo maskaxda ummadeed ee lagu meel mari karo isla markaasna waa lafdhabarta dhaqan dhaqaale iyo furaha horumarinta daleed, kaasoo saldhig u ah horu kaca iyo hagaagga mustawe mustaqbaleedka wadan kasta ku horumari karo, sidaa awgeed Isu Tagga urur weynaha shaqaalaha soomaliyeed waxay lagama maarman u aragtaa in shaqaalaha ahmiyad qaramedka ay mudan yihiin la siiyo.

Isu Tagga Urur Waynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed (ITUSS)
Mogadishu _ Somalia
Email: info@ituss.org.so
http://www.ituss.org.so

 

 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: