Shirkii Garoowe oo lagu qarash gareeyey 6 Malyan oo doolar iyo qaramada miidoaby xafiiska siyaasada ee Soomaliya oo ay buuq ka dhalisay bixinta lacagtaasi

Shirkii Garoowe oo socday dhowr cisho ayaa la sheegay in ay ku baxday qarash dhan 6 Malyan oo doolar sidan ka soo xiganay rag sar sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada oo ka careysan qarashkaas badan oo ku baxay shirkaas muda yar socday

Qilaafka 6 Malyan ee ku baxay shirkaas ayaa waxaa ka hor yimid ku xigeenka xafiiska siyaasada Soomaalida ee Qaramada midoobay isagoona ku tilmaamay in aysan macquul aheen in ay baxdo qarash intaa la eg in ay ku baxdo muda gaaban isagoona sheegay in meesha dadka joogay ay koobnayeen waxii qarash ku baxana ay aad u yareed aysan dhaneen qarshka lagu sheegay

Qilaafka miisaniyadaas iyo qilaafyada kale oo jiray ayaa waxay keentay in ku xigeenka Mahiiga xilka si degd eg ah looga qaado si aysan u fashilmin arima badan oo la qarinaayey

Xafiiska siyaadada ee laga hago Soomaaliya oo ku yaalo magaalada Nairobi ayaa waxaa xiligaan hareeyey qilaafyo kale oo badan oo keeni karto in Mahiiga oo ah maxada siyaasada Soomaaliya laga qaado xilikaas sidaan ka soo xiganay dad ka ag dhow xafiiska kuwa aoo diiday in aan adeegsano magacyadooda

Si kastaba Ha ahatee qarashkaas muda yare e ku baxday shirka Garoowe ee garaayo 6 Maylan oo doolar ayaa keeni karo I fashil ku yimaad wada xaajoodka lagu marsanay lacagata badan iyadoona horayna shaliya badan ay ku jireen qodobadii ka soo baxday shirkaas ooh al dhinac u xaglineysay 

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Shirkii Garoowe oo lagu qarash gareeyey 6 Malyan oo doolar iyo qaramada miidoaby xafiiska siyaasada ee Soomaliya oo ay buuq ka dhalisay bixinta lacagtaasi

  1. War deg deg ah Wakiil kii labaad ee qaramada Midoobay u qaabilsanaa arimaha Siyaasada ee Soomaaliya oo shaqadii laga fadhiisiyey iyo Qilaafkii ugu xumaa oo xafiiska kadhex jira (Maxaa kala socotaa sababta looga fadhisiyey Shaqada )

    Wakiiliii labaad ee u qabaabilsanaa arimaha siyaasada ee Soomaaliya ee qaramada Midoobay ( UNPOS) magaciisana lagu magacaabo Christan R Manahl ayaa shaqada looga ceeriyey arimo ah in uu ka shaqeeyo xalka dhabta ah ee Soomaaliya isagoona ka hor yimid shirka shir qoolka umada Soomaliyeed uu garwadeenka ka yahay Mahiga taana waxay keentay in shaqada uu isaga tago kadib markii ay weerar ku qadeen Mahiiga iyo Gacanyarahisa
    Christan R Manahl oo ah wakiilka labaad ee arimaha siyaasad ee qaramada midoobay ( UNPOS) ayaa soo jeediyey in Soomaaliya loo dhiso nidaam cusub si dalka loogu helo xal dhab ah halka Mahiiga uu qabay in madaxweyne laga dhigo Sheikh Shariif wasiirka koowadna laga dhigo Cabdiraxmaan Faroole halka gudoomiyaha barlmaankana uu noqonaayo Shariif Xasan taana waxaa mooda in xiligaan Soomaaliya ku bad baadeynin madaama ragaas ku fashilmeen howlahoodii shaqo ay haheen 3 sano ee la soo dhaafay
    Christan R Manahl oo isago ku guuleystay xataa in masuul yiin sar sare ee Alshabaab ogoleysiiyo wadahadal sida aan ku helnay xogta isagoona diyaarinaayey goobta shirka oo ka dhaci doono taana waxay keentay masuulka ka sareeyo ee Mahiiga u cuntami weydo madaama Mahiiga uu doonaayo in uu raali gareeyo Saxiibadiis labada Shariif iyo Faroole waxaana jira wadahalka lala galaayey Alshabaab in uu ka hor yimid xataa Madaxweyne Sheikh Shariif oo isagu u qaatay in uu booska baneynaayo mar hadii Alshababa ay awood qeybsi ogoladaan .

    Qilaafka labadaan masuul ee xafiiska siyaasad Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa soo jiitamaayey mudooyinkaan iyadoona xataa dhor mar isku dhacyo yimadaana dacwadoodana gaartay xafiiska weynee Qaramada midoobay taana waxay keentay markii danbe in shaqada laga fadhiisiyo Christan R Manahl waxaana dadka Soomaaliyeed isweydiinayan xafiiskii xalka Soomaaliya looga gaari lahaa hadii uu qilaaf ka jira side dal 21sano dagaal ku jiray xal ugu keenayaan

Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.