Q.3aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

 

Waqooyi iyo Koonfur
Figradda hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliland ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta SoomaaliyaDadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd laba gobol oo ay kala gumeysan jireen laba gumeyste. Markii ay iska xoreeyeen gumeysigana, labada gobol iskood ayay iskugu tageen. Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka billowday ku xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol midoobaan, ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka. Inkastoo aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani ku doodaysaa, ujeeddadu way iska caddayd. Haseyeeshee, reer Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna ku duudsiyey reer Waqooyi. “Guuxa keenay dagaalkaba wuxuu salka ku hayaa nidaamka federaalka oo lagu xadgudbay,” ayey dadkani qabaan. “Marka haddii Soomaaliya ay isku soo noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo oo loo gorgortamo Waqooyi iyo Koonfur” ayey dabadhigaan. 

Dhanka kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka) waxay u arkaan inaysan macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale, waxaa iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door bidayaan in nidaamka lagu saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii militariga ee ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka kale, waxaa jira figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi dib ula noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar kale Koonfur kala hadasho midnimo. Marka la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis, waana lagu heshiin karaa wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in sidaas la isku oggol yahay. Haddiiba la qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta awoodda dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab ka dhigeysa in gobolladu ay yaraadaan. Tan kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku ay kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan lagu daro muhimadda ay leedahay in midnimada Soomaalida la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon tahay in tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo Koonfur. Marka dhinacaas laga soo fiiriyo waxaa la dhihi karaa waa arrin suurtagal ah in federaal laba gobol ka kooban la sameeyo.

Haseyeeshee, arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka uu wato nidaamka federaalka ah ee aan kor ku soo sheegay. Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii la imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha ka maqnayn in wax kasta oo nidaamka federaalka lagu samayn karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira sida waxa afka qalaad lagu yiraado Decentralized Unitary State (dowlad dhexe oo haddana gobollada iyo degmooyinka siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar ay is-weydiiyaan faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u dhexeeya faraq weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo mar kale.

Gobolladii Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-kasanoahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey?
Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.” 

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiiloo ahaa halabuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, “waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.” Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaaninuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira. 

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan. 

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee dhawaan lagu qabtay Garowe, caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahdaisboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo horumarka

Gobolladii Gumeysigu ka Tegey
Gumeysigii dalka ka tegey wuxuu ka tagay lix gobol oo ah Koonfur iyo laba ah Waqooyi. Siddeedan gobol laftooda lama garanayo asal ahaan meel ay ka yimaaddeen iyo halbeeg la isticmaalay markii la samaynayey. Gumeysigu wuxuu u samaystay in habkiisa maamulka uu ku gaaro, wuxuuna u arkay in siddeedan gobol ay tahay sida ugu habboon ee uu u habayn karo maamulkiisa xaaladda la joogay. Inkastoo ay jiraan dad qaba in nidaamkan loo noqdo, haddana taas macnaheedu ma ahan inuu yahay nidaam caddaalad ah. Gobol walba waxa uu doonayaa nidaamka uu isleeyahay waxaad ku heleysaa wax badan.

Tan kale, marka awoodda dhaqaale iyo aqooneed laga fiiriyo, waxay figraddani yeelanaysaa cilladaha figradda 18-ka gobol. Dhaqaale ahaan lama awoodo. Xaaladda hadda jirta marka la fiiriyana way baaba‟een gobolladii hore maaddaama dalka iyo dadka uu ku dhacay is-baddel weyn xilligii Kacaanka iyo xilliyadii dagaallada sokeeye.

Gobollada ka Samaysmay Dagaallada Sokeeye

Colaadda ka dhalatay dagaallada sokeeyey waxay keentay in dadkii wada degganaa magaalooyinka iyo gobollada dalku ay dhibaatooyin badan isku geystaan. Taasina waxay sababtay in dadku uu kala qaxo oo uu qof walba meesha uu ku nabadgeli karo uu aado. Waxaa sidaa ku abuurmay gobollo iyo degmooyin u habaysan qaab qabiil. Xitaa magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa loo kala deggan yahay xaafadaha hab qabiil.

Sanadkii 2000, waxaan tagay Xamar iyo Hargeysa. Waxaan labadaba ku arkay in loo deggen yahay qaab beeleed. Magaalada Xamar oo aan hore ugu noolaan jiray, waxaa iska baddalay wax weyn dhinac deegaanka. Magaaladu uma qeybsanayn Waqooyi iyo Koonfur oo kaliya waagaas.

Waxaa jirta inay jireen illaa toddobo deegaan oo midba uu qabiil gooni ah deggen yahay. Nin dhallinyaro ah oo aan saaxiib nahay oo aan kula kulmay Xamar ayaa igu yiri, “Waxaan deggenahay xaafad mushakal ahoo uu markaas ula jeeday xaafad ay qabiillo kala duwan deggen yihihiin,” isagoo ku faanaya. Marka aan sii wareystay ayuu ii sheegey in mushakalnimada lafteedu aysan ahayn Soomaali oo dhan laakiin ay tahay beelaha dega Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Xamar dhibkan waxaa la qaba dhammaan magaalooyinka waaweyn iyo gobollada dalka. Sidan waxaa ku samaysmay illaa shan gobol oo ku salaysan beelo. Haddaba, waxaa jirta figrad ku doodaysa in federaalka Soomaalida lagu saleeyo shantan gobol. Dadka figraddan qaba waxay u arkaan in shanta gobol yihiin Somaliland (Isaaq/Dir), Puntland (Harti/Daarood), Gobollada Dhexe (Hawiye) Koonfur-Galbeed (Digil/Mirifle), Jubba Land (Daarood, Digil/Mirifle/Dir/Hawiye). Dadka qaba figraddani iskuma wada waafaqsana gobolladan iyo xuduudahooda, waxayse ku doodaan in doodda laga billaabo halkan oo figraddan lagu saleeyo nidaamkan federaalka.

Waxaa jira cillado fara badan oo weheliya inaan heshiis lagu ahayn nidaamkan. Tiradu way ka yar tahay 18 gobol iyo 8 gobol. Waxaana dhici karta inay wax badan ka jiraan inay ka tarjumayso xaqiiqada hadda ka jirta dalka. Laakiin, haddii qaabkan la qaato, weli way taagnaanayaan su‟aalihii la xiriiray qaadashada qaabka federaalku inuu xal u yahay Soomaaliya iyo in kale. Waxba ka baddeli meyso tirada gobolladu asalka doodda oo ah in nidaamka federaalku xal yahay iyo in kale.

Gobollada ka dhashay dagaallada sokeeye waxay wataan cillad dheeri ah. Marka xaqiiqo ahaan haddii la qaato shantan gobol waxa federaalka loo samaynayaa qabiillo ee ma ahan gobollo.

Haddii sidan la yeelayo looma baahna nidaam federal ah ee waxaa loo baahan yahay nidaam kale oo la yiraahdo “Consociational Model.” Nidaamkaasi wuxuu oggolaanayaa in qabaa‟ilka loo sameeyo hab ay awoodda ku qeybsadaan, ayna ku xeeriyaan danahooda hoose. Muhiim ma ahan in qabiil kasta uu gobol deggen yahay, walow ay sahlayso hawlaha. Markaas, waxaa la dhihi karaa, waxaa nidaamka lagu salaynayaa qaabka qabiilka. Tusaale, waxaa la qaadan karaa qabaa‟ilka waaweyn sida Daarood, Dir, Hawiye, Isaaq, Digil, Mirifle iyo Beelaha Wadajir (waa magaca uu Sheekh Cumar Faaruuq u bixiyeye). Haddii sidan la yeelayo, ma ahan in la isku wareeriyo xuduudaha gobollada iyo nidaam federal ah toona. Haddii si kale loo dhigo, nidaamka awoodda loogu qeybinayo beelaha (consociation) waa habka laga soo minguuriyey 4.5. Marka haddii la isla garto in qabiilka lagu saleeyo federal ma noqonayo waayo nidaamka federaalku asal ahaan waxa uu ku salaysan yahay dhul xuduuddiisa la yaqaan. Kan ku salaysan 4.5 ee hadda jira oo wax laga baddalo ayaa ku filnaan kara markaas.

Isku soo duuboo, dhammaan hababka aan kor ku soo sheegay waxaa laga fahmi karaa inaysan sahlanayn in laga hirgeliyo nidaam federal ah Soomaaliya. Cilladaha uu nidaamka federaaliga ahi asal ahaan wato ka sokow, waxaa jira caqabooyin badan oo ku tacalluqa duruufaha Soomaalida oo aan oggolaanayn nidaamkan. Shirkii Carta iyo kii Kenya ma aysan joogin gobollo is aqoonsan oo uu mid walba leeyahay nidaamkiisa oo doonaya inay samaystaan nidaam federaalli ah. Waxaa joogay dad badan oo ka socda bulshada rayadka ah iyo hoggaamiyeyaalka kooxaha. Haddaba, maaddaama aysan jirin gobollo la isku oggol yahay oo sameeya dowlad federaal ah, waxaa la dhihi karaa lagama samayn karo nidaamka federaalka Soomaaliya. Waase suurtagal in lagu qoro waraaqaha la saxiixayo.

Soomaaliya ma u Baahan Tahay Nidaam Federal ah?
Runtii, shaqsi ahaan, kama soo horjeedo mana diiddani nidaamka federaalka asal ahaan. Nidaamka federaalku wuxuu ka mid yahay hababka lagu maareeyo khilaafaadka siyaasiga ah. Waa nidaam hore loo soo tijaabiyey. Inkasta oo uu meelo farabadan oo ka mid ah meelihi laga isticmaalay nidaamkani uu ka shaqeeyey, haddana, inta badan waa uu shaqeyn waayey. Doodda aan ka qabo nidaamka federaalku waxay la xiriirtaa sida uu ugu habboon yahay Soomaaliya.

Waxaan rumeysanahaya inaan loo baahnayn nidaamkan marka la maareynayo mushkiladda Soomaaliya. Dooddayda waxaan ku salaynayaa qodobbada soo socda:

Kow, sida ay sheegaan culumada daraaseeya arrinkan, nidaamka federaalku wuxuu ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan aadka u waaweyn sida Canada, Ameerica, Ruushka iyo Australia.
Waxaa kale oo ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan kala qeybsan ee ay u dhexeeyaan buuro ama bad sida Malaysia iyo New Zealand. Soomaaliya dalkeeda sidaas uma weyna. Marka aan sidan leeyahay waxaan ula jeedaa dhulka Soomaalidu degto oo dhan. Haddaba, dal aad u ballaaran ma hayno. Xajmiga dalkeennu kama dhigayo lamahuraan inaan qaadanno nidaamkan federaalka. Mana jiraan buuro iyo bado qeybiya Soomaalida.
Labo, nidaamka federaalku wuxuu ku fiican yahay dalalka leh dad badan oo ku kala duwan diinta, dhaqanka iyo sinjiga sida India, Nigeria iyo Canada. Dadkeenna waxaa laqu qiyaasaatoban milyan marka la badiyo. Tirada ka sokow, Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ahaan dad si kasta isku mid u ah marka laga soo fiiriyo xagga diinta, dhaqanka iyo xagga luqaddaba.
Haddaba, ma jirto sabab lama huraan ka dhigeysa inaan qaadanno nidaamkan. Saddex, waxaa qaadan kara nidaamka federaalka dalalka leh dhaqaale xooggan oo awooda inay bixiyaan kharashka heerar-dowladeedyo kala duwan sida Canada, Germany, Ameerica, Australia iyo kuwo kale oo badan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida.
Dowladihii dalka soo maray waxay ku tiirsanaayeen kaalmada dibadda. Cilmi-baarisyada qaar waxay tilmaamayaan in 60-80% ay miisaaniyadda Soomaaliya ka iman jirtay kaalmo dibadeed. Runtii, qaab-goboleed kasta (18, 8, 5, 4 ama 2) oo la qaato, aad buu u yar yahay ama maba jiro gobol Soomaali ah oo is-bixin kara dhaqaale ahaan. Xitaa markaad fiiriso dhaqaalaha Somaliland iyo Puntland aad buu u yar yahay, mana awoodaan inay bulshada siiyaan adeegyada ay u baahan
yihiin dadku. Miisaaniyadda dowladda Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 40 milyan halka tan Puntland ay ahayd 20 milyan. Tan TFG iyadana waxaa lagu sheegay 115 milyan 00 80% laga sugayo deeqbixiyayaasha. Marka dhammaantood la isku daro waxaa cad inaan dal federaal ah lagu maamuli karin.
Dadka Soomaaliyeed oo ay isaga danbeeyeen dowlado aan u tureyn, abaaro dabadheeraaday iyo dagaallo sokeeye waxaa la dhihi karaa dhammaantood waa qaxooti. Kuwa dalka joogana waxay u badan yihiin dad ka soo bara-kacay meelihii ay deggenaan jireen, kuwa dibadda joogana waaba qaxootiga ugu roon. Haddaba, awoodaha uu nidaamka federaalku gobollada iyo dowladda dhexe u qeybinayo waxaa ugu muhiimsan awoodda canshuurista iyo awoodda xeerinta. Waxaan la 

yaabay caqliga keenay in la sameeyo dhowr dowladood oo canshuura ummad dhammaanteed qaxooti ah. Cajiib! Afar, nidaamka federaalku ma ahan nidaam, figrad ahaan, ka yimid dadka Soomaaliyeed. Ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo heysata kalsoonida dadweynaha oo inta baartay, dabadeed go‟aansatay in nidaamkani uu ku habboon yahay Soomaalida. Sidoo kale, weli ma arag qof mas‟uul ah oo aqoonyahan ah oo sameeyey cilmi-baaris, dabadeedna ku soo gunaanaday in nidaamkani uu u yahay xal mushkiladda Soomaalida. Weli ma arag afti dadweynaha laqa qaaday. Sidoo kale, doodda oranaysa dagaalka sokeeye wuxuu u dhacay nidaamka federaalka la‟aantiis waa daciif. Waxay figraddani ku baahday ku-tiri-ku-teen iyo wax aan aqoon ku dhisnayn. Kadibna, waxaa iska bartay carrabka dadka. Waxaad arki marka ay qabqablaha dagaalka xaajadu ku adag tahay ee waxa uu rabo uu waayo inuu iskala soo boodayo, „waxaan rabnaa nidaamka federaalka‟.
Shan, nidaamka federaalku ma daweeyo keli-telisnimada wallow uu ka mid yahay aaladaha la adeegsado. Marka aad si dhab ah u fiiriso sababta ku kallifeysa Soomaalida nidaamkan, waxaad dareemeysaa inay intooda badan u heystaan inuu xal u yahay keli-talisnimada. Xaqiiqatan, waxaa jirta dood oranaysa nidaamka federaalku wuxuu u sahlaa kooxaha mintidka ah iyo kelitaliyeyaasha inay xukun qabsadaan. Tusaale, waxaa ah dalka Jarmalka xilligii Hitler. Waxaa kale oo jira kooxaha loo yaqaan KKK (Ku Klux Klan) inay koontoroollaan magaalooyin iyo heerardowladeedyo hoose oo ka mid ah gobollada dalka Mareykanka. Keli-talisnimada waxaa xal u ah in nidaamka dowladda dalku uu noqdo mid u oggolaanaya qof kasta inuu ka qeyb qaato go‟aamada dalka – ama aan fududeeyo e inuu nidaamku noqdo dimoqraadi.
Waxaa kale oo la isticmaali karaa nidaamka labada aqal ee odoyaasha iyo kan wakiillada. Waxaa intan lagu sii lifaaqi karaa in dowladda dhexe ay siiso gobollada iyo degmooyinka awoodhoosaad ku salaysan xeer ay iyadu dejisay (Decentralized Unitary System). Sidoo kale, waxaa la xoojin karaa saxaafadda madaxa bannaan iyo ururrada bulshada rayadka ah, garsoorka iyo culumada. Intan oo iskaashatay way ku filan tahay inay dowladda ka ilaaliyaan inay ku tagrifasho awoodda. Haddii aan si kale u iraahdo ummaddu waxay u baahan tahay xukun furfuran oo demoqraadi ah ee uma baahna mid qeybsan oo aan xasilloonayn. Dal kasta oo federal ah ma ahan Dimoqraaddi. Bal e fiiri dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Indoenesia, Nijeeriya, Itoobiya, Malaysia iyo qaar kale oo soo maray xilli ay keli-talisyo ka talinayen. Sidaa darteed, waxaan qabaa inaan loo baahnayn nidaam federal ah oo aan awood dhaqaale iyo mid aqooneed toona aan
loo heyn.
Lix, dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamkan waxaa laga heli karaa nidaamyada kale ee dimoqraadiga. In ka badan 85% dalalka dunidu ma ahan federal. Waxaa federaal ah illaa 24 dowladood oo kaliya. Waxaa intaas dheer in qaar badan oo dalalkaan ka mid ah ay ka dhaqaale badan yihiin, kana dal ballaaran yihiin Soomaalida – wallow ay jiraan kuwa magicahaan federaal ah laakiin xaqiiqo ahaan aan ahayn sida Itoobiya, Nijeeriya iyo Koonfur Afrika.
Dhammaan waxtarka aan kor ku soo sheegey ma jirto mid ka mid ah oo aan laga heleyn nidaamyada kale. Waxaa intaas dheer, haddii la qaato nidaamyada kale (decentralized unitary state), waxaa laga hortagayaa waxyeellooyinka uu nidaamkani wato. Waxyeellada ugu weyn ee gaar ahaan Soomaalida quseysa waa xasillooni la‟aanta uu nidaamkani wato. Ma jiro qaab heshiis lagu yahay. Dadkii waxaa kala galay colaad oo wey kala qaxeen, waxayna kala tirsanayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jira hub fara badan oo weli ku jira gacanta dadweynaha. 

Intaasoo arrimood oo isbiirsaday, marka lagu sii daro nidaam federaal ah oo keenaya in arrin kasta ay abuuri karo xasaasiyad, ayna mar walba jiraan hoggaamiyeyaal dano kale wata, taas macnaheedu wuxuu noqonayaa Soomaalidu yeysan heshiin qarniyada soo socda. Waxaa la dhihi karaa, ujeeddadu waa inay Soomaalidu isku-mashquulsanaato waligeed.
Toddobo, ugu danbayntii, nidaamka federaalku wuxuu xoojinayaa qabyaaladda, wuxuuna wiiqayaa qarannimada Soomaalida. Gobol kasta waxaa isku aqoonsan qabiil gooni ah. Inuu iskuaqoonsan yahay oo kaliya ma ahan ee waxa imanaysa inuu inta kale uusan u aqoonsan inay xaq ku leeyihiin. Waxaa kale oo dhacaysa in adeegyada dowladda lagu dhibo ama loo diido dadka kale oo Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ku dhimanaya dantii guud ee qaranka iyo xuquuqdii uu qofka Soomaaliga ah ku muteystay Soomaalinimada. Dastuurkii 1960 iyo kuwii ka danbeeyey waxyaalaha wanaagsan ee ku qornaa waxaa ka mid ah in qof kasta oo Soomaali ah uu leeyahay xaqa qofka kale oo Soomaaliga uu leeyahay iyadoo aan loo eegin gobol iyo qabiil toona. Dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaali Galbeed, NFD iyo Djibouti wuxuu dastuurkaasi u oggolaa xaqa qofka Soomaaliga ah. Waxay ahayd arrin aad u wanaagsan. Sidaasna waxaa fursad ku helay oo wax ku bartay ama madax kaga noqday Soomaalidii xorta ahayd dad farabadan oo Soomaaliyeed oo ka yimid gobolladaas. Haddii shaarka nidaamka federaalka loo geliyo gobollada qabiilka ku dhisan ee Soomaalida, waxaa imanaysa in dad badan oo Soomaali ah xuquuqdooda la duudsiyo. Kuwo gobollada Soomaali-Galbeed iyo NFD iyo kuwa gobollada kale ku nool marka laga soo tago, waxaa dhacaysa in qaar ku dhashay gobolka lagu takooro qabyaalad.

Gunaanad

Waxaan soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey‟adaha caalamiga ah iyo waxay ay dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya, rabto. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha calaamadihii lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo. Waxaa jira waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku leeyihiin aayaha iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa intaas dheer in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay. Xitaa haddii ay dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan.
Waxaan rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna xallinayn mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay doonayaan inay xal u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah in dalalka deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida. Itoobiya iyo Kenya waa inaynaan ka filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida. Waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah u dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto. Guddiyada loo saaray inay ka soo taliyaan iyo ergada ansixisay waa dad ay inta badan Itoobiya soo xushay ama ay raalli ka noqotay. Haddaba, taas kaliya ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu waligeed qaran noqon.

Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo, waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.

 Halista Dastuurka Cusub ee Soomaaliya! Halkaan ka Akhri Full News 

Q.2aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Waxtarka Nidaamka Federaalka Nidaamka federaalka waxaa lagu soo dhaqmayey muddo dheer. Dalalka qaar, sida Switzerlandiyo Mareykanku waxay tirsanayaan boqollaal sano. Waa nidaam wax badan laga qoray oo siyaabo kala duwan loo daraaseeyey. Marka waxaan halkan ku soo koobi doonaa wixii qasaaro iyo faa‟iido laga soo dheegay intii lagu soo dhaqmayey.  Culumada siyaasadda ee wax ka qora nidaamkani … Continue reading »

Q.1aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

 Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida Qormadan waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa jira jamasho guud oo aan run ku qotomin oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan nidaamka federaalliga ah. Waxaa, inta badan, dadka Soomaaliyeed ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah u hayaan nidaamkan iyadoo aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal … Continue reading »

Hordhac – Soomaliya xiligani ma qaadan kartaa nidaam Federaali ah

Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida Nuxurka Doodda Warqaddan waxaan ku lafagurayaa nidaamka federaalka iyo sida uusan ugu habboonayn maaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira. Waxaan marka hore sharxayaa waxa looga jeedo federaal iyo calaamadaha lagu yaqaan dalalka noqda federaal oo ah tiro aad u yar.  Dabadeed, waxaan soo bandhigayaa waxtarka iyo waxyeellooyinka laga arkay … Continue reading »

Halista Dastuurka Cusub ee Soomaaliya!

Ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay galabtii soo gaaray caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa casho-sharaf loogu sameeyay magaalada Oslo. Dastuurka cusub ee la doonayo in laga ansixiyo shirka wadatashiga Soomaaliya marka si degan loo akhriyo wuxuu halis ku yahay wadajirka iyo Cadaalada beelaha Soomaaliyeed Arintaan Ra”iisal Wasaarihii hore ee … Continue reading »

Guddoomiyihii Baarlamaanku Xilka ka qaaday oo Itoobiya ugu baaqay inay markale ku soo duusho Soomaaliya

Shariif Xasan ayaa si degdeg ah booqasho ugu tegey magaalada Addis Ababa ka hor intii uusan ku soo laaban Muqdisho, arrintaas oo timid kaddib markii 280 xildhibaan ay xilka ka xayuubiyeen. Shariif Xasan oo markii xilka laga qaaday ku maqnaa dalka Talyaaniga ayaa si degdeg ah ugu duulay Addis Ababa, ka hor intii uusan tegin …Continue reading »

Categories: Truth to Power | 3 Comments

Post navigation

3 thoughts on “Q.3aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

  1. sctu

    Galmudug oo diiday in ay ka qeyb gasho Shirka Garoowe
    Maamulka Galmudug ayaa qaadacay dhamaan in uu ka qeyb galo shirka Roadmap ee dhawan la doonayey in uu ka dhaco magalada xarunta Garoowe iyagoona ku macneyneyey diidmadaan cabsi ay ka qabaan in lagu wax yeeleeyo madaxooda mar haday maamulka Puntland ku dhawaqeen dagaal ka dhan ah maamulkooda/

    Diidmadaan Galmudug ee shira Garoowe lagu qaban lahaa ayaa u muuqda mid fashil u keeni karo maxaa yeelay waa mamaulka kaliya ee ka dhisan koonfurta Soomaaliya oo shirkaas ka qeyb galaayey.

    Shirkaan ayaa horey waxaa u diiday dhamaan shacabka Soomaaliyee doo u arko shirkaan mid shir qool ku ah shacabka Soomaaliyeed muda 20sano ku jiray jahwareer siyaasadeed.

  2. sctu

    Muqdisho roadmap-ka Maxaa looga Qadiyay ??

    Cadaalada oo laga fogaadaa waxaa aay abuurtaa colaad joogta ah iyo faqri foolxumo iwm Sh.Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro aad iyo aad u xoog badan,caasimada Somali ee Muqdisho oo ah gogashii dowlada ku shaqeeyneeysay maxaa diiday in roadmapka ama masiirkii dalkaan meesha looga hadlayay aayayn marna ka muuqan ?? Muqdhsio waxaa laga galay danbi kiisa ugu weeyn akhristow milicso :arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha gobolka.

    Muqdisho oo ah caasimada dalka Somali ahna gobolada ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan ayaa waxaa laga qadiyay in aay ka qeeybgasho shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay aayna ka soo baxday waxa manta loo yaqaan roadmapka,heshiiska oo aay wada gaareen Puntland,Galmudug dowlada dhexe iyo Ala suna waljameeca ,hadaba Muqdishoo oo aheeyd hooyadii gogashii shirka miyeey mudneeyd in laga qadiyo meesha looga hadlayay masiirkii dalka ee berito ?? intaba waxaa aay tahay cadaalo daro xoog badan oo aanan marna loo dulqaadan karin,sow lama dhihi karo akristow Sheekh Shatriif cadaalo daro xoog badan ayeey ka tirsanayaan reer Muqdisho ka qadinta laga qadiyay ka qeeybgalka wada-tashiga masiirka dalka ee berito ?? lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso Garowe qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta,Muqdisho waxaa aay leedahay siyaasiyiin,aqoon yahayn,indheergarad cuqaal maxaa diiday in aay wax ku lahaadaan shirka wadatashiga ?
    Arimaha dhaqaalaha Muqdisho

    Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso,hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ?? r/waasaha heebta uu ka soo jeedo 1% ma siiyaan dowlada dhexe,Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,canshuuraha dhawaan laga bilaabayo Muqdisho waxaa mudan in lagu horomariyo Muqdisho,dowlada dhexe waxaa quman in aay gobolada dalka si siman aay ugu cadaalo fasho, Wasiirka Beeraha Puntland ayaa heshiis la sixiixday wasiirka dowlada dhexe ee Beeraha sow cadaalo daro iyo hagardaamo cusub maaha,dhulii beeraha lahaa ee labada webi dadkii degenaa maxaa diiday in loo muujiyo waxqabad laguna heshiiyo horumarka Beeraha goboladaa,Shariif umada Somali waa aay arkeeysaa waxa aad u horseeday fadlan soo celi cadaalada iyo sinaanta umada Somali,haddii kale aduunyo iyo aaqiro beel ayeey kuu tahay waxa aad ku dhex jirtid.

    Qarka waxaan ka taaganahay Xareed waana qadayaaye, Qarashaan saxiixaa anigoo qabihi weeydiine. Qunbaan waardiyeeyaa ninkale Qaadada u sito, Qabuuraha waxaan ugu duwanahay qolofka muuqaa. ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo ku dhawaad 30 sanno) Shraiifow Qunbaad waardiyeeysaa ninkale Qaadada u sito haddii aay tahay fadalan shacabka waa ku arkaa.

  3. sctu

    Maxaad kala socotaa Qorshaha (RoadMap-ka)iyo Kulankii Muqdisho???

    Qorshahan(Road-Map-ka)oo baryahan hadal hayntiisu dhagaheena ku batey waa mid fikrad ahaan markiihore ka yimid kooxaha lugooyada ee loo yaqaano Beesha caalanka,dawlada kumeelgaarka ahna iyadoon aad uga fakarin masuuliyiinteeda sare aad usiibuunbuuniyeen,bale golaha baarlamaanku arimahaas mar horaba shaki ka muujiyeytaasoo u ekayd in(xeebtoodii lagu soo kubaareeyey).

    Waxaa lagubalamay in la hirgaliyo qorshahan(Road Map-ka) loo yaqaan balse waxaad moodaahalkii ay filaysay dawlada kumaalgaarku ineey talo ahaan xoog ku yeelato hadakalsoonidaasi ay yaraatey ,markii xaafiiska siyaasada qaramada midoobey eesoomaaliya loona yaqaan(Unipos) ay si toosa hirgelinta barnaamijkaas (RoadMap-ka) ay ula wareegtay.

    Arimahaanshakiga galiyey DKS waxay soo shaac baxdey markii xaafiiska(Unipos)ee qaramadamidoobay ay sameeyeen xulashadii ku aadanayd xubnaha Bulshada rayidka ah oo ugutirada badan dadka hawshan fulinaya aanay ka talagelin DKS,taasoo xaafiiska(Unipos) uu xubnahaas usoo xushay qaabka (4.5)ka loo yaqaan,shaqsi kasta ookamid ah xubnahaasna uu xaafiiska Unipos u sahlay fasiilitigii ay uga qayb galilahaayeen shirarkaas looga hadlayo arimaha(Road Map-ka),waxayna ku casuumeenineey goob jooga yaal ka noqdaan dawlada Kumeelgaarka ah ee soomaaliya iyomaamulada kala ah(Puntland iyo Gal-mudug iyo Ahlusunna waljameeca),waxuugudigaas soo diyaariyo oo ku aadan qorshaha (Road-map-kana) waxaa saxiixa ugudanbeeya dhanka soomaalida yeelan doona 5 xubnood oo kala ah masuuliyiinta sareee DkS,puntaland,gal-mudug,Ahlusuna waljameeca,iwm.Markaas kadibna beeshacaalamka oo dusha ka maamulaysa ayaa go,aanka ugu danbeeya yeelan doona.

    Shirkii ugu danbeeyey ee Mugdisho ka dhacayiyo is fahan la,aan abuurantey.

    Shirkii ugu danbeeyey ee mudisho ka dhacayeek u saabsanaa Qorshaha (Road Map-ka) waxaa xaqiiqo ah iney jirtey is fahanla,aan ka dhex abuurantey dawlada kumeelgaarka ah iyo xaafiiska(Unipos)oo uuhor boodo Amb-mahiiga,kadib markii dawlada ku meelgaarka ah ogaatey inaanaywaxba gacan ugu jirin kuna baraarugeen inaanay xubnihii Bulshada rayidka kasocdey oo ugu tirade badan gudigan soo diyaarinaya(Road-Map-ka) aanay DKS waxtalo ah la wadaagin kana soo horjeedaan damaaciga ah in(in xukuumada waqtikordhin loo sameeyo,iwm),taasoo xiriir la,aanta xubnaha bulshada rayidka ah iyoDKS loo fasiri karo inaanay dawlada ku meelgaarka ahi sida lagu soo xulabaaanay ka warqabin intooda badana waxbana ka ogeyn.

    Dawladakumeelgaarka ahi waxaa waagu ku baryey markii lasoo hordhigay qodobadii ay iskuraaceen gudigii Road Map-ku)soo diyaarinayey oo noqday intiisa badan mid aanayaad ugu qancin masuuliyiinta sare ee DKS,Qodabada laga hadlayey waxaa ka midahaa( 1-Security,2-Constition,3-political,4-goodgovernance)

    Inkastoo uujirey bulaan iyo hadal hayn socotay intuu shirku socdey kaasoo ku aadanaa inqorshahan Road-map ka ay afduubteen eragayga qaramada midoobay,maamulgoboleedka puntlan,kan Gal-mudug oo isku dhinac ahi,waxeeyse tahay xaqiiqadajirtaahi inaanay taasi sal iyo raad lahayn oo ay tahay warar ku tiri kuteenah,waxaase la hilmaamay in xubnahan diyaarinaya barnaamijkan ay yahiin xubno kumiisaaman qaabka (4.5ka) oon loo kala badnayn,balse su,aasha meesha tala waxaytahay qaabka loosoo diyaariyey ma yahay qaab lagala tashadey masuuliyiintasoomaaliyeed dawlad iyo maamul goboleedba inkastoo ayagu ku leeyahiin xubno ugaqayb galaya soo diyaarinta qorshaha (Raod Map-kan).

    Si kastaba ha ahaatee shirkii ugudanbeeyey ee looga hadlayey qorshaha Road-map ka loo yaqaano waxaa xaqiiqa ahinuu dawlada ku meelgaarka ah waagu ku baryey,Madaxweyne shariifna intii aanusaxiixin qodobadii halkaas kazoo baxay waxuu codsadey in la balaariyo waxnalagu daro xubnaha barnaamijkan soo diyaarinaya laguna soo biiriyo sida (Xubiniyo xeeb oo kale) iyo in golaha baarlamaanka lagu soo kobo 275 xildhibaan,maadamamaamuladii puntland,Gal-mudug,ahlusuna waljameeca,iyo bulshada rayidka ah eegudigaas ka tirsanaa aanu aad ugu kalsoonayn,waxaase jawaab mahiiga uga dhigaygo,aankaas waxaa iska leh diidmo iyo yeelidba(xubnaha bulshada rayidka ah eehawshan wada).

    Madaxweyneshariif waxay dantu ku qasabtey inuu saxiixo qodabadii shirkii mugdisho kazoobaxay iyadoon jawaab qancisa laga siin codsigiisii uu dalbadey oo ahaa ingudiga xubno dheeraad ah ama maamul goboleedyo aanu markii hore u jeedin uucodsadey in lagu kordhiyo si uu u abuurto is bahaysi taageero uu kahelo ooxubnahaan ka tirsan u badan bulshada rayidka ah ee Road-map-kan soodiyaarinaya.

    Waxaanognahay in golaha baarlamaanka oo juhdi badan kusoo bixiyey shaqadooda,kudhintay kuna dhaawacmay,kampala Accord-na uu afka ka xirey iyo inaanay isuimaan hadana (xeebtoodii yareyd lasoo kubaareeyey) ayaa laga yaabaa hada indawladii saas usoo gashay isku dan ay noqdaan kadib markii iyagoo dhanba lagadul baxay.

    Afhayeenkabaarlamaanka mudane Shariif sh xassan waxaa jira warar sheegaya inuu xiriirgaara la leeyahay Amb-mahiiga si looga taqaluso dawlada hada jirta oo ay iskuaragti taas ka yahiin taasoo sababtey in laga ilaaliyo in golaha baarlamankainaan loo furin albaabada golaha baarlamaanka si aan kulan arimahan ku saabsanlooga hadlin,balse hada waxaad moodaa tuhunka galay dawlada ku meelgaarkaxubnaheeda u sareeya eek u aadan qorshaha(Road-map-ka mr Mahiiga hormuudka u yahay saaxiibkishariif xassana aad ula dhacsan yahay,inuu isu soo dhawaasho ka dhex abuurantoxubnaha golaha baarlamaanka ee kacdoonsan hada iyo masuuliyiinta dawlada kumeelgaarka ah oo hada waagu u baryey.

    Iskusoo wadaduuboo xaalada soomaaliya waxay mareysaa hada(intii dawlada iyo baarlamaanka ahaydoo iyagii la isku mashquuliyo,dariskii oo usoo xayd xaydanaya duulaan ay kuqabsadaan dhulka soomaaliya,kooxaha afka duuban oo sababaya gacan gelintagayiga soomaaliya,soomaalidii oo cudurkii xumaa ee qabiilka weli la,ildaran.iyobeesha caalamka oo nagu wada maaweelo cidla ah iyo (qawda maqashii oo waxba hau qaban)Turkiga iyo reer galbeedka oo aad moodo loolankooda ku aadan soomaaliyaaanu dan noogu jirin,iwm,balse tan alle lagama quusto weligaa ee faraj qayrqaba allaha noo furo,

    Xusuusin-Qoramadan waxaan ka diyaariyey kadib markaan xog baarid badansameeyey lana yeeshay,siyaasiin,aqoonyahano,masuuliyiin dawlada ah,masuuliyiinbaarlamaanka ah,xaafiiska unipos xubno ka tirsan,markaan isu geeyey warbixintoodiiayaan kusoo koobay qormadaas oo ah xaqiiqada dhabtaa oo jirta,waxaana xataaisoo gaarey nuqulkii qodabadii kazoo baxay shirkaas oo ay ku saxiixan yahiinmadaxweyne shariif iyo mr Mahiiga xubno ay ugu sareeyaan,Taasoona isla halkan soo dhagi Karin daruufojira awgeed hadii loo baahdana waan soo bandhigi karaa,,

    Anbal kawardhawro kulanka ka dhici doona magaalada Garoowe ee maamul goboleedkaPuntland bishan aan ku jiro sagaalkeeda-09/12/11 kaasoo lagu lafa garidoono(Constition-ka ama dastuurka maadama uu kamid ahaa 4-tii qodob ooliishaanka la saarey,garoowana looga doodi doono qodobkan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: