Fashilkii Faroole & Foolxumadii Shariif

 

Hagardaamada Puntland ee ku wajahan qorshaha siyaasadeed ee Roadmapka ayaa ahaa in wax lagu qeeybsado goboleeysi ayaga oo qorashahooda yahay in gobol walbaa uu wax ka helo Maandeeq Raqdeeda, iyada oo la ogyahay in Puntland aay sariftayGoboladii la dhihi jiray G. Bari iyo G. Nugaal halka G.Galkacayo uu yahay mid kala qeeybsan,gobolada Sanaag iyo Sool shacuubtii degeneeyd waxaa aay noqdeen kuwa fahma silsilada siyaasada foosha xun ee  Faroole, Cade Musse iyo C/aahi Yusuf, waxeey go’ansadeen in aay mudan tahay in  danaha dhulbahante iyo warsangeli in aay ku jirto ka mid ahaan shaha Somaliland oo uu cowska iyo ceelka ka dhaxeeyo xidid iyo xigaalna isku ah,Puntland waxaa aay qorsheeysay in tuulo walba laga dhigo degmo halka degmooyin qaar laga  dhigay Gobolo waa arin guracan oo la og yahay  in Somalida aay  ku tahay sadbuursi iyo cadaalo daro ujdeedada ugu danbeeysana aay tahay  Raqda  Maandeeq in aay ka helaan Gobolo magac u yaal ah oo aay ayaga abuureen,waxaa aay abuureen 8 Gobol oo anan jirin sida hoos ka muuqata.

1.     G.Nugaal (Garowe)

2.     G.Sool (Laascaanood )

3.     G.Bari (Bossaso )

4.     G.Karkaar (Qardho)

5.     G.Mudug (Kalgacayo)

6.     G.Ayan (Buuhoodle)

7.     G.Haylaan (Dhahar).

8.     Sanaag (Baran)

Akhristow intee gobolo dhab ah ?? bal addna dharandhiri howsha murugada badan ee la rabo in lagu qaldo Somali.

Waa wax Somalida oo dhani aay ogtahay siyaasada guracan ee Faroole iyo C/weli oo aay ku fikireen iyada oo la ogyahay in Somali aayn ogolaankarin gobolo gacan ku rimis ah,xaqiiqdii haddii loo kaco dastuurka ku meelgaarka ahi Puntland ma noqon karto dowlad goboleed dhameeystiran sabbabta oo ah maamulka Puntland ma gaarsiisna laba gobol ,gobolka Nugaal iyo gobolka Bari ayeey sheegtaan xukunkooda in uu gaarsiisan yahay balse waa wax kama jiraan sow ma maqal Karkaar state iyo Rascaseer State.

G.Sool iyo Sanaag waxaa aay u dareereen doorashada madaxweeynaha Somaliland reer Buuhoodle iyo SSC waxaa aay qaateen heshiiskii Siilaanyo, Faroole xagee yuuse xukumaa ?? sow lama dhihi karo Garowe ayuu xukumaa,waxaa sharaf dhac iyo siyaaso xumi ah in Shariif uu heshiis uu Garowe kula gaaro Faroole iyada oo la ogyahay in Faroole uu yahay nin meel-cidla ah joogo. Waxaa iyana foolxuma ah in goanka ah in Faroole awood loo siiyo in uu soo xusho xildhibaanka dowlada dhaxe ugu mid noqon lahaa, halka Shariif uu noqon doono nin kala tashada beelaha Somali sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanka u matali doona dowlada dhexe, waxaas oo dhan waxaa sabbab u ah aqoon xumi iyo waayo aragtimo laan xoogan oo aay haysato Shariff Sh. Axmed iyo inta ku hareersan.

Shirka Garowe ee lagu goamiyay in baarlamaanka la yareeyo dibna loo dhameeystiro dastuurka qabyada ah ma mudneeyn in Faroole lagala tashado sabbabta oo ah waxaa xubin baarlamaan ah nin Garowe ka yimid ku reer ah Faroole waa  Xassan Abshir, haddii Faroole damac siyaasadeed ka hayo dowlada dhexe waxaa mudneeyd in uu qaato xubin nimadii Xassan Abshir oo ah ina adeerkiis halkaasna uu ka bilaabo loolanka uu hada ku jiro, Shariif weli ma garan in Xassan Abshir iyo Faroole in aay mudneeyd in leeysku bedelo si damaca Faroole u yaraado. Alow sahal umuuraha.

Degmada Balcad dadka degani waxaa aay ka badan yihiin gobolada Punland ee la abuuray sida oo kale degmada Walaweeyn dadka degani waxaa aay ka badan yihiin gobolada Puntland ee la abuuray, Soomaali waxaa quman in tiro koob lagu sameeyo dhamaan gobolada, waxana lagu qeeybsado nin iyo codkiis xildhibaanka waxaa quman in uu haysto codka shacabka ugu yaraan 50,000 cod ah si uu xildhibaan qaran u noqdo, gobolo aanan la degeneeyn oo cidlo ah in wax lagu raadiyaa waa qalad.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: