Somalia iyo Fashil Siyaasadeed

Somalia iyo fashil  Siyaasadeed

Soomaaliya ayaa waxay soo martay xaalado siyaasadeed oo aad u adag marka laga soo bilaabo sanadkii 1991kii markii uu bilowday dagaalkii sokeeye waxaanna mar waliba jiray xaalado siyaasadeed oo qalafsan oo shacabka soomaaliyeed ku abuuray walwal iyo walaac, dagaalo aan dhammaad lahayn siyaasad ay ka muuqato gulufyo colaadeed qabqablayaal iyo ciidamo beeleedyo hadba dhinac isu cayrsanaya abuurayna burbur, barakac, qax qaxooti, tahriib, tarxiil iyo xasuuq aan joogsi lahayn oo ilaa iyo maanta socda wuxuuna mar walba isu bedelayaa xaalladda markaa taagan ama DFKMG ha ahaato ama kuwa markaa dowladda ka soo horjeeda ee la dagaalamaya ha ahaadeen.

  

HESHIISKA ka soo baxay shirka wakiilada Dawladda Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Kampala bisha Juun 9dii 2011 ayaa waxaa ka muuqanaysa qaab la moodo in dadka Soomaalida maamulka talada dalka lala qabanyo. Xilka maamul wixii hadda ka dambeeya ay qayb weyn ka ahaan doonan wadamada Soomaaliya ay xubnaha ka wada yihiin qaar ka mid ah ururrada sida Midowga Afrika , urur goboleedka IGAD , Qaramada Midoobay iyo weliba ururka urur dhaqaalaha Bariga Afrika. Mudada hawshaasu soconeyso kuma cada heshiiska Kampala.

Hawsha ugu weyn ee la wada qabanayo waxaa ugu muhiimsan sidii ay xukuumada, barlamaanka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay isaga kaashan lahayeen in dhibaatooyinka dalka loo helo xal waara isla markaana aaney sidii hore oo kale u dhicin oo aheyd inay fuli waayaan wixii lagu heshiiyay taasoo sida badan salka ku heysay isqabqabsi muran badan dhaliya oo hakiyay habsami u socodka hawsha mugga leh ee shacabka Soomaalida loo qabanayay ayadoo ay inaba suuroobi weyday in qalqalka dhashay lagu xalliyo Cahdiga KMG.

Isqabqabsiga iyo muranka siyaasadda oo joojiyay horumarka dalka iyo dadkaba la gaarsiin lahaa wuxuu salka ku hayay karti darro iyo aqoon la’aan ku aadan daadihinta maamul wanaagsan ee dalka lagu hoggaamiyo iyo hunguri xumo lagu boobayo dhaqaalaha yabooha ku soo galay dalka dhibaateysan.

Sidaa darteed waxaa markaan yimid waqti loo baahan yahay sidii Soomaalida loola ogaan lahaa maamulka dalka oo aan iyaga keligood lagu halleyn karin laguna aamini karin si loo wada arko beesha caalamkana marag uga noqoto waxa sababa isqabqabsiga ragaadiyay madaxda Soomaalida iyo cida sida goonida ah uga dambeysa oo kolkan la filayo in talaabo laga qaado sida uu qorayo Heshiiska Kampala.

HESHIISKA noocan ah wuxuu soo baxay markii in ka badan 20 sano ay ummadda Soomaalida ka tashan weyday horumarinta danaha dalka iyo dadka iyadoo dalka uu lugaha la galay dagaal lagu hoobtay oo dad iyo duunyaba ku ba’een. Geesta kale waxaa jira Soomaali badan oo ka carartay dagaalada sokeeya oo dibedaha qax ku jooga iyadaoo kuwo kalena ay dalka gudihiisa ku barakaceen oo dibedda iyo dalka gudaha ku qabo dhibaatooyin aan xisaab laheyn.

Dadka iyo dalka waxaa soo maray xanuunka iyo basaaska nolosha kii ugu darnaa taasoo keentay rajo beel in dalka mar kale uu cagahiisa isku taago ayadoo kuwa sheegta hoggaaminta Soomaalida ay garan weyeen sidii dhibtaas dalka looga saari lahaa.

Waxa beesha caalamka u cadaatay baahida loo qabo in Soomaaliya laga saaro qatarta dalka iyo dadka halakeysay qatartaasoo ay suuragal tahay lagana cabsi qabo inay ku fido dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka deriska, qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale guud ahaan. Waxaaba dhacday in qatartaas ayba hadda gaartay meelo ka mid ah qaaradaha kala duwan min Afrika, Yurub ilaa Mareykan.

Muranka u dhexeeya maamulka hadda dhisan ee la leeyahay waa inuu is casilo iyo barlamaanka ma ahin wax saa u sii buuran laakinse waxaa jira kooxo dawladda ku jira oo u heysata in iyaga laga soomiyay jagooyin ay hadda ka hor hunguri uga barteen.

Intaan qoraalkeyga u guda gelin waxaa rabaa oo istaahil ah inaan halkan ku xuso shuruudaha dawladnimada aasaaska u ah laakinse Soomaaliya xitaa mid laga waayay.

Hawsha aasaasiga ah ee dawladnimada waxaa ka mid ah awooda iyo kartida dawladda waxaana, sidan badan, lagu miisaama

  •  (a) in dawladdu ay dalka iyo dadkaba u keento nabadgelyo buuxda
  • (b) inay jiraan hay’ado karti leh oo hore u dhaqaajin kara maamul dawladda
  • (c) in Dawladdu ay dadkeeda gaarsiiso baraare iyo horumar
  • (d) inta sano ay dawladdu jirto
  • (e) taariikhda dhaw ee xasiloonida dalka ku soo naalooday
  • (f) nabadgelyada ay heystaan dadweynaha
  • (g) heerka musuqmaasaqa
  • (h) mugga dhaqaalaha aan la diiwaan gelin oo ah waxaa loo yaqaan (grey economy)
  • (i) qawaaniinta oo la isku xakumo (the rule of law)
  • (j) tayada hawl xafiiskeeda (the quality of its bureaucracy)
  • (k) inay dawladu gacanta ku wada heyso dalka oo dhan
  • (l) heerka nufuudka shisheeyuhu ku leeyahay dalka iyo
  • (m) Heerka kala qaybsanaanta qabaa’ilka (The degree of ethnic fragmentation),
  • (n) Iskaashiga bulshada (Social cohesion)
  • (o) aaminka lagu qabi karo hay’adaha dawladda.

Daraaso uu dhowaan sammeeyay wargeys ka mid ah kuwa ugu caansan ee caalamka wuxuu kala saaray heerarka xagga awoodaha maamulka ay kala joogaan wadamada ku yaal dunida inkastoo ay jireen dhibaatooyin dhaqaalaha ee saameynta nusqaanka u keenay badi wadamada dunida ka yaal.

Wadamo ay tiradoodu gaarayso ilaa 163 dal oo wargeysku soo tira koobay awooda ay u leeyihiin inay si habsami ah u maamuli karaan dalalkooda waxaa lagu ogaaday in 34 dal oo keli ah inay u leeyihiin awood aad u sarreysa ee xagga maamulka iyo mareynta dalalkooda. Dawladaha lagu tilmaamay inay yihiin meel dhexe waxaa lagu tilmaamay ilaa 38 dal. Wadamada kale badankood waxay lagu tilmaamay 33 dal inay liitaan halka 48 kale ayba ka sii liitaan.

Dalkeena Soomaliya lagumaba soo qaadin qiimeynta daraasada waxaana qariidada Soomaaliya ka muuqata calaamo cad oo macnaheedu yahay ma tirsana sababtoo ah maba laha tilmaamaha dawlad lagu noqon karo sidaan kor ku soo sheegay oo Soomaaliya kama jirin xitaa midkooda ilaa iyo markii la riday maamulkii Askarta 1991 waxaase ka jiray wax tilmamahaas caksigooda ah oo hoog iyo halaag dadka u horseeday.

Dhaqanka noocan ah wuxuu dalka u nugleyay in ay shisheeyaha caadawaha Soomaliya ay soo farageliyaan oo ay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin dalka iyo dadkaba gaarsiiyeen waxaana taa sabab u ahaa ayadoo dalka uusan ka jirin hoggaan mideysan, biseyl la’aan iyo aqoon darro sidii horumar loo gaarsiin lahaa dalka oo dhanka kalena loola tacaamuli lahaa danaha is hertiyaya ee ka dhexeeya shisheeyaha marka laga fiiriyo xaaladda Soomaliya. Waxaa kaloo taa dheer beesha caalamka oo aqoon la’aan darteed weysay cid gudaha dalka si cilmi ah ugu hagta sidii xal wacan lagu gaari lahaa.

Ilaa hadda ma jiro hab (policy) cad oo ku saabsan sidii xukuumadaha soo maray Soomaaliya – shalay ama maanta – ay ula tacaamuli lahayeen dalalka deriska oo cuqad muddo dheer soo jiray ay Soomaaliya kala dhexeeyso waana tan xudunta u ah sidii Soomaaliya ay mar kale dawlad hanaqaada uga aloosmi lahayd. Waxaa hadda jira iskaashi ay wadamada deriska la ah Soomaaliya ay iska kaashanayaan iska caabinta iyo la dagaalanka waxa lagu tilmaamo argagixisda kaasoo laga yaabo inuusan lahayn qaab sharciyeysan oo lagu kalsoon karo.

Jahawareerka iyo qalqalka siyaasadda waxaa keenay shacabka Soomaalida oo ilaa hadda aan muujin karti iyo awood ay uga dhiidhinayaan dhibta dadka iyo dalka ku habsatay mudada dheer wuxuuna shacabku si indho la’aan qabiyaalad ku oggolaaday inay iyagu u taliyaan siyaasiyiin-ku-sheeg aan qaan gaar ah aheyn.

Markii in ka badan 20 sano dhiiga micno la’aan ku daatay dalka. Markii aanba dib loo eegin cahdiga KMG si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed dalku ku soo jiray. Markii la dhagaysan waayay dadka aqoonta iyo caqliga toosan leh. Markii qarannimada iyo madaxbannida ay qatar gashay. Markii tarjamo xun la bixiyay ku dhaqanka diinta Islaamka. Markii waayeelka iyo culimada diinta yaqaan la maqli waayay. Markii la gees maray Kitaabka Kariimka iyo Sunnada Nabi Maxamed (SWCW). Markii ay Soomaalidu ka faa’ideysan waysay juhdigii maadiga iyo macnawiba lahaa ee beesha caalamku ku bixisay dalka. Markii gacal iyo nacab uu adduunku la yaabay Soomaaliya oo la waayay cid garato waxaan Soomaalidu isku heyso . Markii………Markii….. Markii… ayaa waxaa laga fursan waayay in Heshiiska Kampala la gaaro.

Heshiiska Kampala wuxuu soo baxay marka la ogaaday in mashaqada Soomaaliya taala aaney Soomaalidu kaligood xalli karin oo weliba ay muuqatay in waajibaadka waqtiga kala guurka ”Transitional Tasks” aaney xitaa Soomaalidu kaligood fulin karin balse loo baahan yahay in beesha caalamka ay arrinta Soomaaliya faraha la soo gasho si dalka iyo dadkaba dhibta looga saaro loona abaabulo hindise waqtiyo taariikheysan oo tilmaaman leh oo hawshaas lagu qabto laguna kormeero si aan dib looga dib dhicin waqtiga loo asteeyay sidii maamulka dalka looga saari xaaladdda KMG taasoo laga yaabo inay ka duwanto tii hore madaxda Soomaalida looga bartay oo ay aheyd inay heshiis gaaraan haddana meel marintiisa ay gees maraan.

Mowqifka beesha caalamka ee ku aadan Soomaaliya waxaa dhowaan daboolka ka qaaday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dawladda Mareykan Mrs Hillary Clinton markii dhowaan ay ka qayb gashay shirka Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa ayadoo halkaa ka caddeysay Mareykanka oo raba inuu xiriir wax wada qabsi iyo iskaashig la yeesho Qaaradan Afrika.

Waxay sheegtay in waanwaan, wadahadallo iyo dib-u-heshisiini dhex marto siyaasiyiinta Soomaalida madaama aan dagaal waxba lagu keeni karin. Mrs. Clinton waxay talo ku soo jeedisay in hawshaas xallinta khilaafka Soomaaliya uu hormuud ka noqdo Midowga Afrika.

Waxaa jira dad badan oo Soomaali ah inay heshiiskaas u tarjamaan in Soomaalida laga qaaday qaranimada iyo madaxbannaanida ayadoo magaalada Muqdisho iyo meelo kale ee dibedaha ah la dhigay mudaharaadyo lagu diidan yahay Heshiiska Kampala.

Ma ahin tallaabo uu qof kastoo Soomaali ah oo waxgarad ah uu liqi karo inkastoo Soomaalida aan la qaadin qaranimada iyo madaxbannanida laakinse ilaa heer Soomaalida lala wadaagay maamulka dalka waqtiga kala guurka ayadoo kormeerka iyo dabagal ay dusha ka wadayaan wadamada IGAD, Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyo Midowga Afrika. Go’aankan waxaa wax ka saxiixay Madaxweynaha ciidankiisu joogaan Soomaaliya oo ay maalin walba isla dhimayanaan kuwa Soomaalida dagaalka kula jira mucaaradka hubeysan ee Al-Shabaab. Musaveni wuxuu heshiiska ku saxiixay marag ahaan.

Meel marinta Heshiiska Kampala waxaa suuragal ah inay ka horyimaadaan caqabado mustaqbalka ee xaaladda cusub la socota sidaa darteedna loo baahan yahay in la sii diyaariyo cidii la tacaamuli karta beesha caalamka isla markaana ay dadka Soomaaliyeedna la yimaadaan biseyl siyaasadeed iyo ilbaxnmo dheeri la iskana ilaaliyo is qabqabsi dambe ee macno la’aan.

Heshiiska wuxuu ka kooban yahay ilaa 10 qodob ayadoo qodobka 4aad uu u kala qaybsan yahay qodob-hoosyaado u dhexeeya min A ilaa R.

Marka laga tago hordhaca haddii aan si gooni ah u soo soco qodobada hadalka laga keeni karo waxaa ka mid ah:

Qodobka © oo sheegaya in Ra’isal Wasaraha iska casilo jagada muddo 30 beri gudahood isla markaana uu Madaxweynuhu soo magacaabo Ra’isal Wasaare cusub

Qodobka (J) wuxuu codsanaya in barlamaanku uu ka shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa jawi iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn inuu dhex maro dawladda iyo barlamaanka isla markaana la iska ilaaliyo is-eedeyn la isu adeegsado warbaahinta, tahdiid lagu maxkamdeynyo madaxweynaha, afhayeenka Barlamaanka iyo ku-xigeenadiisa iyo in la kala diro Barlamaanka.

Qodobka (K) wuxuu codsanaya in xukuumada aan laga keeni karin mooshin oo aan ka aheyn mid qiil leh oo caddeymo iyo markhaati cad leh taasoo ah mid lagu xadgudbayo TFC.

Qodobka (M). Barlamaankan iyo xukuumada labada waa inay si wadajir ah ula shaqeeyaan beesha caalamka si loo dhiso qariidada jiheysan (roadmap) oo wadata bartilmaameedyo, waqti iyo qaabka u hoggaansanaanta hirgelinta waajibkaadka mudnaanta leh. (Tafaasiil ku saabsan qaababkaas waxaa laga heshiin doona wixii ku siman 20 August 2011).

Qodobka (N). Madaxda xukuumadaha Gobolka (IGAD iyo Ururka dhaqalaha Bariga Afrika) waxay noqon doonaan Xafiiska Siyaasadda waxana xafiiska qayb ka ahaan doona Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (UNOPS) iyo Midowga Afrika taasoo la mid ah Heshiiskii Nabadda ee gobolka Burundi . Xafiiska wuxuu kormeeri doona isla markaana uu ilaaleyn doona (monitoring) sida ay Hay’adaha KMG ee Federalku ugu hoggaansameen tusmooyinka la calaamadsaday iyo waqtiyada la rabo in lagu fuliyo waajibaadka waqtiga kala guurka isla markaana hore loo dhigo geedi socodka nabadda.

Waxaa ku qoran war murtiyeedka shirka 23aad ee Madaxweynayaasha wadamada harooyinka waayen ee gobolku ka saaray nabadeynta Burundi. Communiqué of the 23rd summit of the Great Lakes regional peace initiative in Burundi).

http://www.dfa.gov.za/docs/2004/buru1020.htm

Qodobka (O) Jaallayaasha caalamka (International Partners) iyo xafiisyo goboleedyadu waxay xaq u leeyihiin inay soo jeedin karaan tallaabooyin ku haboon ee xukun ah si loo xaqiijiyo in loo hoggaansamay bartilmaamedyada iyo waqtiyada la calaameystay ee Hay’adaha Federaalka ee KMG taasoo ay ka mid noqon doonto talaabo sharci ah ee habboon in laga qaado kuwa ku xadgudbka go’aanka.

Isagoo dhan Heshiiska Kampala oo Afka Ingiriiska ku qoran waa sidan hoos ku qoran. Fadlan riix bartan:

 http://somalitalkradio.com/2011/jun/kampala_accord.pdf


Weli waxaa jira fursado badan oo dalka lagu badbaadin karo. Eebe ayaa wax badbaadiya. Haddiise markan ay Soomaalidu la imaan weydo caqliyad wax qabad ku saleysan waxaa dhici doonta go’aano kale oo midka ka sii liita in Soomaaliya beesha caalamka ka gaarto taasoo aanan dan u aheyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed balse sii horseedi doonta dhibaato intii hore ka sii murugsan kana baaxa weyn.

Waxaa dalkeena ka jira sifooyin badan oo Soomaaliya loogu marmarsiyoon karo oo sabab cad looga dhigi karo in go’aan kan culus laga gaaro ayadoo tan ugu horreysa ay noqon karto qaran jabka ”failed State” gaaray Soomaaliya muddo dheer, kasoo kabasho la’aanta, burcad badeedka caalamku ka qayliyay, argagixisada iyo arrimo badan oo intaan sheegay ku hoos jiri kara. Cadaawaha Soomaaliya marmarsiinyo uma weynayo lagu waxyeelleeyo dalka iyo dadka.

Digniin hore ee arrintan ku saabsan waxaan ugu qoray horrantii sannadkan WARAAQ FURAN oo mustaqbalka Soomaaliya ku saabsanayd oo aan ummadda Soomaalida uga digayay inay heshiiyaan iskana ilaaliyaan shirqoolka cadaawuhu u maleegayo haddii kale uu dalku gacanteena ka baxayo.

Halkaan ka Akhri  kampala accord 

Categories: Truth to Power | 5 Comments

Post navigation

5 thoughts on “Somalia iyo Fashil Siyaasadeed

  1. sctu

    LOOLAN SIYAASADEED IYO LEELIN SHACAB

    Tan iyo markii ay dhacday dowladii qaranka soomaaliyeed 1991 waxa soo foodsaaray dalka, dagaalo sukeeye,qax,gaajo, iyo xaalad amni xumo taas ay masuuliyadeeda xambaarayaan siyaasiin dana hooda u shaqystayaal ah aan u aabayeeleyn mushkilada soo waajahaaysa dalka iyo silica iyorafaadka ku imanaya shacabka.
    Sidoo kale waxaan iyana ka marnayn loolaanka feregelin ajnabi oo ka imanaysa dowlado iyadu maslaxado gaara ka leh soomaaliya had iyo jeerna ka shqeeya siday udaciifin laahaayeen waxna u yeeli lahaayeen shacabka soomaaliyeed ugana dhigilahaayeen ugaar uu ugaarsdo gumaysta walba Loolanka siyaasadeed oo wax badan oo dhibaato ah ku keenay umada soomaaaliyeed dalkana ka dhigay midaan ka bixin dagaal iyo foodo joogta ah.
    Marar badan waxa dalka debediisa lagu soo dhisay xukuumado badan kuwaas oo aan suurta gelin lana kulmay mucaarad mid hubaysa iyo mai afakaba ah markay yimaadeen dalka sababtuna ay tahay fara gelin dowlado shisheeye ay ka shaqeeyeen seyna doladi uga dhalan lahyn cariga soomaaliyeed loogana dhaadhicyo shacabka inaysan dowladi ka hirgaleen soomaaliya abidkeedna ay ku jirayso dagaal, qax,gaajo. Taas oo ku keentayb shacabka soomaaliyeed moral jab kana dishay rajaduu kalahaa ina dib dowladi ka istaagto dalkiisa.
    Waxaana hubaala hadii ay soomaaliya soo noqoto iyadoo ka midaysan hal cirif inay usoo noqon doonto dhamaan awoodeedii ayna soo ceshen doonto kaalintay kula hayd mandaqata.
    7dii janawari 2009kii waxa loo doortay sheikh shariif sheikh axmed madax waynaha soomaliy, ka dib markuu u dhowaaday inuu ku xukumo dalka qabsasho malateri markii ay maxaakiibtu ka gacan sareeyeen hogaameedyo kooxeedyadii
    Lakiinse go’aankii shirqool ee maraynkaku wa kan xiligaa ku khasbay ciidamadii itoobiya inay qabsadaan soomaaliya halkaasoo ay dalka la soo galeen fasaad una sababeen khraab iyo burbur ayna dad gaaraya labaatankun ugeesteen dil iyo dhaawac, halka ay boqolaal kunoo kalena ka qaxiyeen guryahoodii.
    Hada ay oo ay taagantahy xaaladu markii ugu kululayd dalkuna uu ku jiro xaalad amni xumo oo aad u liidata iyo is afgaranwaa siyaasadeed sidoo kalena uu jiro damac ajnabi dhiigii shacbka sooomaaliyeed u qulqulayo six ad dhaaf ah soo celinta degenanta soomaaliya iyo camirida dalka iyo ka shaqynta

  2. sctu

    Kenya oo mar kale ku celisay in weerar ay ku tahay Shabeelada Hoose

    Nairobi Dec 17, 2011 – Milatriga Kenya ayaa mar kale ku dhawaaqay inay duulaan ku yihiin Magaalooyinka ka mid ah gobolka Sh.hoose, iyagoo dhinaca kale baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

    Xilli maalmihii u dambeeyay ay soo kordhaysay hanjabaadaha kasoo yeeray dowladda Kenya oo ku aadan inay beegsanayso Al Shabaab ayaa hadana Sarkaal ka tirsan dowladda Kenya waxaa uu sheegay inay duulaan ku yihiin meelo badan ka mid ah gobolka Sh.hoose.
    Cyrus Oguna oo ah Sarkaalka ugu sareeya qeybta xogta iyo howlgallada Ciidamada Milatariga ee dowladda Kenya ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ay la dhici doonaan Saldhigyada Al Shabaab ay ku leeyihiin Magaalooyinka Afgooye, Marka iyo Xeebta Baraawe sida uu hadalka u dhigay.

    Sarkaalkaani ayaa waxaa uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in duqeymahaasi ay wax yeelo kasoo gaari karto.

    Ciidamada Milatariga Kenya ayaa iyagoo si aad ah u habaysan waxa ay ku sugan yihiin gobolada Jubbooyinka iyagoo deegaano badan ka qabsay Ururka AL Shabaab, waxaana ay wacad ku mareen inay duulaan ku yihiin meel waliba oo ay joogaan Ururkaasi si nabad loogu helo gobolka geeska Afrika.

  3. sctu

    Faroole oo wacad ku maray in ay Puntland ay ka tashan doonto DKMG Somalia
    Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ku hanjabay in Puntland ay ka tashan doonto Dowladda Soomaaliya, hadii shirka wada tashiga maalinimada Talaadada uu ka dhici waayo magaalada Garowe.
    Faroole ayaa ku eedeeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka inay ka dambeeyeen dib u dhacii ku yimid shirkii lagu balansanaa 15-kii bishan.
    “Xubnihii baarlamaanka ee 13-kii xamar rabshada ka sameeyay waxay caqabad ku noqdeen shirka dhici lahaa, waa kuwo aanay dooneyn in shirka dhaco, laakiin hadii Talaadada uu dhici waayo shirka, Puntland iskeed ayay u tashan doontaa”ayuu yiri Faroole
    Waxaa uu ugu baaqay qaramada midoobey inay si gaar ah isha ugu heyso waxa socda, isagoo cadeeyay in madaxda dowladda aanay eedeynta laheyn, balse xildhibaanada qaar ku tilmaamay kuwo dagaal oogayaashii hore ahaa.
    Sidoo kale Faroole ayaa sheegay in aanay dooneyn in Kmg laga baxo, isla markaana xildhibaanada ay baqanayaan in dadka ay dib u dooran waayaan sida uu hadalka u dhigay.
    Shalay ayay aheyd markii wafdi ka socda qaramada midoobey ay booqasho ku tageen magaalada Garowe, si ay u dar dar geliyaan shirka wada tashiga ee wajigiisa labaad dhacaya, waxaase wali taagan shakiga laga qabo inuu qabsoomi waayo shirkaas.
    Baarlamaanka soomaaliya oo soo kala dhex galay muran siyaasadeed ayaa sabab u noqday inuu baaqdo shirkaas oo lagu waday inuu dhaco 15-kii bishan

  4. sctu

    Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka oo kulamo la yeeshay Madaxda dalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

    Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa la tilmaamay in xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan looga hadlayo shirka wadatashiga ee la filayo inuu ka dhaco Garoowe waxa ay kula leeyihiin ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Christian Manhal iyo saraakiil ka socoto IGAD iyo Midowga Afrika.

    Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin, ayaa wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo ku dhaw dhaw xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada waxay sheegayaan in wafdiga Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika ka socda ay madaxda dowladda kala hadleen ajandayaasha looga hadli doono kulanka Garoowe iyo waqtiga ku haboon ee uu qabsoomi karo, maamaada waqtigii loogu talagalay shirka uu dib u dhac ku yimid.

    Warar hoose ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono khilaafka soo cusboonaaday ee baarlamaanka u dhexeeya, si xal looga gaaro arrinta muranka dhalisay.

    Christian Manhal iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan xasaasi ah kula yeeshay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) kaasoo looga hadlay qabsoomidda shirka wadatashiga ah.

    Dhanka kale shirka wadatashiga ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee markii hore lagu waday 9-ka bishaan ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo sidoo kale lagu waday in uu qabsoomo 15-ka bishaan taasi oo keentay in markale uu dib u dhac ku yimaado.

  5. sctu

    Midowga Yurub iyo Mareykanka oo goonigooni uga hadlay Khilaafka Baarlamaanka iyo hogaanka sare ee dowladda KMG

    Midowga Yurub ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadist lagu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo gacan ka hadalkii ka dhacay Golaha Baarlamaanka oo gacanta iskula tagay ka dib markii ay la isku qabtay xil ka qaadista Shariif Xasan.

    War qoraal ah oo ay soo saareen Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu raadinayo xaqiiqda dhab ee ku saabsan sida ay wax u jiraan, si taas loo gaarana waxaa qoraalka lagu sheegay in Midowga Yurub uu ka wardhowrayo Guddi isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo IGAD oo Muqdisho dhawaan safar ku tagaya.

    “Midowga yurub waxaa uu dareensanyahay horumarka Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo Xilka qaadisti afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan ee ay dhawaan ku dhawaaqeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomalaiya, waxaanu dooneynaa inaanu helno qiimeyn dheeraad ah oo la xariirta xaaladda iyo sida ay wax u dhaceen” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Midowga Yurub.
    Sidoo kale warka ayaa waxaa lagu yiri “Midowga yurub waxay ka walaacsanyihiin hirgalinta waqtiyaysan ee Road map-ka iyo sida ay u fuliyaan saxiixayaasha qorshaha Roadmapka , Daganaanshiyo la aanta siyaasadeed ee sii adkayn karta xaalada taagan iyagoo ka digay in khilaaf siyaasadeed oo ka soo dhex cusboonaado hay adaha federaalka KMG ah uu wax yeelayn karo heshiiski Kampala accord ee ay si buuxda u ansixiyeen dhamaan hay adaha dawlada Federaalka Soomaaliya.

    Midowga yurub waxaa ay ka filayaan Hay adaha iyo hogaanka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii wadaan midawga iyo hirgalinta Roadmapka iyo Heshiiskii Kampala accord iyagoo intaasi ku daray in aan loo dulqaadan Karin khilaaf cusub oo siyaasadeed oo dib uga soo cusboonaada Madaxda iyo dhamaan laamaha ay ka koobantahay dowladda KMG Soomaaliya.

    Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa iyana war qoraal ah oo ka soo saartay xil ka qaadistii Shariif Xasan iyo gacan ka hadalka Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga fiirsaneyso arrinka ka soo dhex cusboonaaday Baarlamaanka, isla markaasna ay mardhow go’aan kama dambeys ah ka soo saari doonto, waxayna ugu baaqday Madaxda sarsare ee dowladda KMG inay wada shaqeeyaan, lana ilaaliya heshiiskii Kampala.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: