Galmudug oo diiday in ay ka qeyb gasho Shirka Garoowe

 

Maamulka Galmudug ayaa qaadacay dhamaan in uu ka qeyb galo shirka Roadmap ee dhawan la doonayey in uu ka dhaco magalada xarunta Garoowe iyagoona ku macneyneyey diidmadaan cabsi ay ka qabaan in lagu wax yeeleeyo madaxooda mar haday maamulka Puntland ku dhawaqeen dagaal ka dhan ah maamulkooda/

Diidmadaan Galmudug ee shira Garoowe lagu qaban lahaa ayaa u muuqda mid fashil u keeni karo maxaa yeelay waa mamaulka kaliya ee ka dhisan koonfurta Soomaaliya oo shirkaas ka qeyb galaayey.

Shirkaan ayaa horey waxaa u diiday dhamaan shacabka Soomaaliyee doo u arko shirkaan mid shir qool ku ah shacabka Soomaaliyeed muda 20sano ku jiray jahwareer siyaasadeed.

Categories: Truth to Power | 4 Comments

Post navigation

4 thoughts on “Galmudug oo diiday in ay ka qeyb gasho Shirka Garoowe

  1. sctu

    Masuul ka tirsan Puntland oo shacabka ku dhaqan W/Gaalkacyo ugu baaqay iney u diyaar garobaan dagaal ka dhan ah Galmudug

    Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka waqooyi ee maamulka Puntland ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay dagaal culus ugu qaadi lahaayeen koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee uu ka arrimiyo maamul goboleedka Galmudug State.
    Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay dagaal ka dhan ah Galmudug ay dhawaan qaadi doonaan, wuxuuna ku dooday in xasilooni darrida ka jirta dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ay ka dambeeyaan sida uu yiri mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, sidaas darteed ay ka hortagayaan inay dhibaato kale abuuraan, wuxuuna xusay inay dagaal kala hortagi doonaan Galmudug iyo cid kasta oo isku dayda ayuu yiri qalqalgelinta deegaanada Puntland.
    Guddoomiye Maxamed Yuusuf Jaamac waxaa sidoo kale uu ka hadlay duqeyn shalay loo geystay garoonka diyaradaha magaalada Gaalkacyo iyo afduub loo geystay wiil yar oo 9-sano jir ah, dhacdooyinkaasi oo uu ku sheegay inay ka dambeeyaan sida uu yiri maamulka Galmudug, wuxuuna intaasi ku daray in dilalka qorsheysan ee lala beegsado waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka Mudug in laga soo qorsheeyo dhanka maamulka Galmudug.

    “Qaraxyada iyo dilalka waxay ka dhacaan oo kaliya woqooyiga Gaalkakacyo, kama dhacaan koonfurta, taasna waxay cadeyn u tahay in laga soo abaabulo dhinacooda, Shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa inay ka damqadaan dhibaatada lagu hayo, isla markaasna ay is difaacaan iyagoo ilaalinaya amnigooda iyo jiritaankooda intaba, waana inay si wadajir ah ula dagaalamaan kuwa amnigoo qalqalgelinaya ee kula sugan magaalada Gaalkacyo” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

    Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntlabd ayaa sheegay in Puntland ay diyaarisay ciiidamo fara badan oo ilaalin doona amniga gobolka, gaar ahaan degmada Gaalkacyo, waxaana shacabka uu ugu yeeray dagaal uu ku tilmaamay difaacidda gobolka Mudug, isagoo ku baaqay dagaal uu sheegay inay ku qadayaan maamulka Galmudug inay u diyaar-garoobaan.

  2. sctu

    Dib u Dhac Ku Yimi Shirkii Wadatashiga Ee Maanta Ka Furmi Lahaa Garoowe

    Garoowe – SP – Xilli maanta la fillaayay in uu qabsoomo Shirka Wada-tashiga ee Soomaalida wejigiisii labaad, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac baahsan, iyadoo aanu la shaacin xilliga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono.

    Shirka Wada-tashiga wejigiisii koowaad ayaa waxaa lagu qabtay bishii September magaalada Muqdisho, iyadoo wejigiisii labaadna la fillaayay in uu qabsoomi doono maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka December.

    Shirkaan oo ay qabsoomidiisu masuul ka ahayd Maamul Goboleedka Puntland, ayaan weli ka hadal sababaha rasmiga ah ee uu maanta u qabsoomi waayay, laakiin waxaa jira warar madax banaan oo sheegaaya sababaha uu u baaqday.

    Sababaha uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo magaalada Garoowe aysan weli soo gaarin xubnihii ka qeyb gelli lahaa oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ah, islamarkaana lama oga waxa tani xigi doona.

    Madaxda Dowladda Somalia oo iyana lagu waday inay maanta ka qeyb galaan shirkaan, ayaa waxay weli ku kala sugan yihiin dalka iyo dibadda, taasina waxay qeyb tahay dib u dhicida Shirka Wada-tashiga.

    Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobe, ayaan weli ka hadlin sababaha uu u baaqday, bacdamaa 12 cisho kahor ay sheegen in uu qabsooni doono 15-ka December oo maanta ku beegan

  3. sctu

    Wiil laga afduubtay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo saamayn ku yeeshay xaaladda maamulada Puntland iyo Galmudug.

    Wiil sagaal jir ah oo dhiganayay dugsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo laguna magacaabo Daarul Birri ayaa khilaaf hor leh ka dhex dhaliyay maamulada Puntland iyo Galmudug, kaddib markii Guddoomiyaha Mudug Maxamed Yuusuf uu ku dhawaaqay in dadka Puntland iminka noloshoodu khatar ku jirto.

    Wiilkaan la afduubtay oo lagu magacaabo C/llaahi ayaa isagu laga afduubtay waqooyiga magaalada gaalkacyo, iyadoo ilaa iyo iminka aan la garan halka lagu heysto, inkasta oo wararka soo baxaya ay sheegayaan in lagu heysto degaano ka tirsan maamulka Puntland, halka wararka qaarkood ay sheegayaan in lagu heysto degaano ka tirsan maamulka Galmudug.

    Ma jiraan ilaa iyo iminka warar madax bannaan oo xaqiijinaya halka lagu heysto wiilkaasi ardayga ah ee dhiganayay dugsiga Hoose dhexe, wuxuuna sheegay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland in dhibaatooyinka lagu hayo maamulkiisa ay ka dambeeyaan maamulka Galmudug.

    “Dadka degan Puntland waxaan ugu baaqayaa in qof waliba qorigiisa cabbeysto iskana celiyo kuwa u diidan nolosha, masaajidii baa la inagu weeraray, suuqyadii baa la inagu soo weeraray, guryihiina waa nalooga daba yimid” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

    Waxa uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Mudug in shacabka iyo maamulka Puntland oo isku duuban ay si wadajir ah isaga qabtaan kuwa dhibaatooyinka ka wada degaanadooda, isagoona tilmaamay in kooxaha dhibaatada ku haya dhulkooda shaati kasta oo ay soo gashtaan aanay uga hari doonin isla markaana ay iska difaaci doonaan.

  4. sctu

    Wafdi ka socday Qaramda midoway iyo midowga afrika oo maanta soo garay Garowe

    Wafdigaan oo ay ka mid ahayeen ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee qaramada midoway ee Somaliya Christain Manhal,

    wakiilka midowga Afrika ee Somaliya Amb Borbaer Diara, Wakiilka Igad ee Somaliya Kirtuto Arab kiwra, iyo Safiirka Somaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameriko oo saaka ka soo dagay garoonka diyarahada ee Magaalada garowe kuwaas oo wada hadal la qaatay mudo sacado ah Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan maxamed Maxamuud Faroore isla markaasna kor meer ay ku sameyeen Goobaha shirka lagu wado in uu Garowe ka dhaco bishaan gudaheeda oo ay ka soo qaybgalayan qaybaha Somaliya iyo Xubno ma talaya beesha caalamka.

    Marka kulankoodu uu soo dhamaday ayaa waxaa Si wada jira u qabtay Shir jaraa’id oo ay ku fahfahinayaan wada hadalada ay qaateen labada dhinac madaxwaynaha puntland C/raxmaan maxamed Maxamud Farole iyo Christal Manhal oo ah ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee somaliya
    Madaxwayne Faroole oo ku hor maray hadalka ayaa kawaramay wada hadaladii ay qateen wafidgaan maanta soo garay garowe iyo waxaa ay ay isla meel dhigeen.
    Faroole waaa kale uu ka hadlay in ay dib u dhaca shirka loo balan saanaa in uu ka dhaco Garowe oo ay ku lug leeyihiin waxa uu ku tilmamay khilafaadka soo kala dhex galay barlamaanka Somaliya
    Ku xigeenka wakillka Gaarka ah ee qaramada midoway e Somaliya Chiristan Manhal oo isna dhinciisa hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomida qariidada qorshaha kala guurka ee somaliya isagoo xusay in uu kala hadli doono Madaxda DFS .
    Waxaana isla wafdigaani maanta u duuleen magaalada Muqdisho halkaas oo ay wada hadalo kula leeyihiin madaxda Somaliya oo ay kawada hadli doonaan khilafadka soo kala dhexgalay barlamanka Somaliya iyo sidii loo xalin lahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: