Wararkii ugu dambeeyey ee Garowe iyo shirkii wada tashiga Soomaalida oo madaxa kula jira xaalad is mari waa ah(WARBIXIN XASAASI AH)

Shirka Wadatashiga Somaallida oo ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Garowe ayaa waxa qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo shalay oo ay bishu aheyd 23 balse suurtagal ma noqon arrintaasi, waxana socday muddo ka badan 9 saacadood doodo iyo kulamo ay lahaayeen madaxda dowladda KMG Soomaalia, Puntland, Galmudug , Ahlu Sunna iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo sida la sheegay isku mari-waayey qodobo xasaasi ah.

Sidoo kale waxaa doodaha qayb ka ahaa ergadii loo xilsaaray inay ka soo shaqeeyaan ajandaha shirka oo doraad ilaa shalay kulamo albaabadu u xiranyihiin lahaa, waxaana ujeedku ahaa sidii aragti mideysan looga gaari lahaa qodobada kama dambeysta ah ee lagu soo saarayo war saxaafadeedka shirka dhamaadkiisa.

Qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsan oo doodu ka taagan tahay, iyadoo ay jireen aragtiyo kala duwan oo laga qabay arintaasi, iyadoo mas’uuliyiinta Puntland u ololeynayeen in tirada Xildhibaanada Baarlamaanka KMG si aad ah loo yareeyo, inkastoo xildhibaanada ay arrinkaasi si weyn uga soo horjeesteen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo shirka ka qayb gashey ayaa warbaahinta u xaqiijisey in Puntland soo jeedisey soo xulida mudanayaasha Baarlamaanka Somalia in lagu soo doorto qaab gobol ah ama degmo isla markaasna uu maamulwalba isago soo xusho xildhibaanadiisa waana arinta dooda badan shalay dhalisey. Halka Madaxda dowladda KMG ah,maamulka galmudug iyo ahlu sunna ay iyana qabeen in xidhibaanada cusub ee bedelaya kuwa hadda jira lagu soo doorto nidaamka 4.5 isla markaasna ay soo doortaan odayaasha dhaqanka beelaha.

Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee UNPOS oo lahaa xiriirinta iyo dhaqaalaha ku baxaya shirka ayaa waxaa la sheegay inuu soo gudbiyey aragtiyo dhowr ah oo dhex-dhexaad ay u arkeen, kuwaas oo ka mid tahay in 4-sano si kumeel gaar ah uu u sii shaqeeyo nidaamka 4.5 oo Dastuurkana lagu qoro, hase ahaatee, ma noqon in dhinacyadii isla ogaaladaan oo waxaa diiday Puntland, waxaana shirka lagu daray maalin dheeri ah iyadoo xalay oo dhan ay jireen shir ay dhinacaydu si gaar agar ah u lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa jira qodobo dhowr ah oo lagu heshiiyey mabda ahaan, inkastoo aan weli la saxiixin kuwaas oo ay kamid yihiin in inta ka sokeysa bisha juun sanadka 2012ka la dhameystiro dastuurka qabyada ah isla markaasna in dastuurka cusub ay u codeeyaan ergooyin gaaraya illa 1000-ruux.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay Guddiga Ergooyinka soo xulaya. halka tirada baarlamaanka la isku afgartay in laga dhigo 225 Xubnood, maanta ayaana lagu wadaa in la soo gabagebeeyo shirka waxaana xalay oo dhan socday kulamo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo aragtiyada kala fog ee u dhaxeysa xubaha shirka ka qeybgelaya gaar ahaan qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka cusub.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland Waxay sheegayaan in xubnihii xildhibaanada ahaa ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya u matalayey shirka Garoowe ay shirka isaga baxeen ka dib markii la isku mari waayey qodobo ay soo kala jeediyeen maamulka Puntland iyo mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.

Sida warku sheegayo xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa shirka isaga baxay ka dib markii Madaxweynaha maamulka Puntland uu soo jeediyey in tirada Baarlamaanka KMG si aad ah loo yareeyo, isla markaasna isaga loo daayo inuu soo xulo xildhibaanada beeshiisa uga mid noqon doona Xildhibaanada cusub, ka dib marka la kala diro kuwa haatan talada haya, hadalkaas oo ay xildhibaanada Baarlamaanka si weyn uga caroodeen, ka dibna dhalisay inay gebi ahaanba shirka iaga baxaan.

“Waan ka baxnay shirka ka dib markii aan aragnay in Madaxweynaha Puntland uu ka sameysanayo shirka sidii uu isagu doono, kuwa magaca Soomaaliya shirka ku joogay ee madaxda sare ee dowladda KMG wax war ah kama aysan dhihin gardarada cad ee uu Madaxweynaha Puntland ka dhexwado dowladda KMG, ma ogolin waxa uu ku hadlay Faroole, arrinkaasina si aad ah ayan uga soo horjeednaa” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya kana mid ahaa xildhibaanadii ka baxay shirka oo wareysi kooban bixiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ay socdaan kulamadii ugu dambeeyey ee lagu doonayo in lagu soo saaro qoraal kama dambeys ah inkastoo isku maan dhaafsan yahay qodobada qaar oo ilaa haad qaabka loo qorayo aan xal kama dambeys ah laga gaarin.

Categories: Truth to Power | 2 Comments

Post navigation

2 thoughts on “Wararkii ugu dambeeyey ee Garowe iyo shirkii wada tashiga Soomaalida oo madaxa kula jira xaalad is mari waa ah(WARBIXIN XASAASI AH)

  1. sctu

    Shariif Oo Shacabka Ugu Yeeray Dastuurka

    Garoowe – GMN – Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa ugu yeeray shacabka Soomaaliyeed in ay fikradahooda ka dhiibtaan Dastuurka cusub ee loo sameyo Soomaaliya, xilli khilaaf ba’an uu hareeyey shirka Garoowe uga soconaya ergada Soomaalida..
    Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay dastuurka mid dhaxal gal u ah Umadda Soomaaliyeed, isla markaana xalin doono khilaafaadka aloosan, sida uu yiri.
    “Dastuurka siduu u noqon lahaa mid dhaxal gal ah oo xaliyo dhamaan dhibaatada dalka, waxaan hubaa in dadka ay fikradahooda ka wada dhiiban karaan, dadka aan fursada u helin waxaan rajeynayaa in ay helaan fursad ay kusoo gudbin karaan talooyinkooda, gudiga tastuurka way mahadsanyihiin.” ayuu yiri Madaxweynaha.
    Waxa uu ugu baaqay umada Soomaaliyeed in aysan markan dhihin looma dhama oo ay ka gudbaan dhaliisha wax qabad kasta oo Soomaaliya loogu tala galay.
    Dastuurka Soomaaliya loo sameynayo ayaa la filayaa in kaligiis loo qabto shir iyo in ay ka wada qeybgalaan fikradihiisa umada Soomaaliyeed.

  2. sctu

    Aan dastuurka cusub qaadano waa aan cadaalada ka sii fogaano

    Dalka Soomaliya ayaa waxaa wali lagu maamulaa Dastuurkii hore ee xiligii 60-meeyadii kaasoo la isku dayay in wax laga badalo dhowr jeer ay socon weysay waxaana ugu danbeeya midka ay inoo soo diyaariyeen haya’da UNDB-da ee hoostimaada Qaramada midoobay.

    Dastuurka cusub ee hadda uu muranka ka jiro ayaa waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday hay’ada UNDB iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo aan daacad ka aheyd in si daacad ah wax loo qeybsado.

    Qodabada uu muranka xoogan ka jiro ayaa waxaa kamid sida loo dhisan karo Maamul Goboleedyo,waxuuna dastuurkaan cusub leeyahay waa in labadii Gobol ee is rabtaaba ay Maamul sameystaan iyadoo lagu saleynayo 18kii Gobol ee dawladdii kacaanka ay si cadaalada ka fog u sameysay,waana halka uu muranka xoogan uu ka jiro.

    1990kii markii dhibaatadii iyo qabyaaladii dalka ka jirtay sii badatay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho oo dhamayd ay noqotay nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii xoolihii yaalay dad gaar ah jeebka ku shubteen,sicir barakiinaa gaaray boqolkiiba boqol, waatii markii danbana dadkii hubka wada qaateen oo Maxamed Siyaad Madaxtooyadii loogu dhacay Qarankii Soomaaliyana saa ku burburay.

    Hadda iyo talo maxaa looga gudbi karaa ismaaan dhaafka iyo muranka ka jira sidii soomaaliya mar kale dib ugu soo laaban la’heyd Qaranimadii iyo karaamadii ka burburtay:-
    •1. In awood qaybsi dhab ah oo cadaalad kusalaysan laga hirgaliyo Soomaaliya min tuulo,degmo iyo gobal.

    •2.In dalka loo dhiso dowladd dhaxe oo tayo leh, cadaalad ku dhisan sharcigana ilaalisa,isuna soo dhaweysa shacabka Soomaaliyeed oo ay colaada kala fogeysay.

    Qaar kamid ah bulshada soomaaliyeed ayaa 21-sano kadib waxaad moodaa in aysan wali ka quusanin qabalayaadii foosha xumeyd ee burburka iyo dhibaatada u horseeday dalka Soomaaliya,inta uu fikirkaas qaldana uu jiro way adag ahay in laga gudbo dhibaayadii ku habsatay dalkeena iyo dadkeena.

Leave a comment

Blog at WordPress.com.