Heshiis Madaxweyne Shariif la galay Faroole iyo Gaas ! Qiyaano.

20 March 2012  –  Madaxweynaha xilkiisa muranka galay ee Shariif Sheekh Ahmed ayaa markii ugu horeeysay taageerayaashiisa uga waramay sababaha kaliftay inuu ka aamuso tagrifalka iyo xadgudubyada uu ku dhiiraday Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole

Shariif Sheekh Ahmed wuxuu tibaaxay inuu jiro heshiis uu la galay Ra’isulwasare Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland kadib markii uu xaqiiqsaday inuu qasab ku yahay Road Map-ka oo siyaasad ahaan ka dhigan hindise ka soo maaxday Siyaasiyiinta Beesha Puntland.

Shariif Ahmed wuxuu Gaas iyo Faroole kula heshiiyay inuu aqbalayo wax walba oo ay doonayaan hasse yeeshee uu ka rabo inay ku taageeraan sidii uu kursiga Madaxweynenimada Somalia dib ugu guuleeysan lahaa 4-ta sano ee soo socota. Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Raxmaan Faroole ayaa u sheegay Madaxweyne Shariif inaan lagu heysan doorashada una codeeyn doonaan.

Madaxweyne Shariif oo rajo ka qabo inuu fulo heshiiska uu la galay Faroole iyo Gaas ayaa laga saxiixday arrimo ay ka mid yihiin ,Baaritaanka shidaalka ee laga wado Puntland inuu ka hadlin, Lacagta Dawladu samaysanayso in la geeyo Puntland oo halkaa hirgelinta iyo socodsiinta lacagta laga bilaabo.

In Dhamaan xulida Mudanayaasha Baarlamaanka uga qeybgalaya beesha Daarood looga danbeeyo Madaxweynaha Puntlad Mr Faroole.

Shariifka Madaxtooyada wuxuu taageerayaashiisa u sheegay inaan la maqlin doonin Puntland dambe hadii uu doorashada ku guuleeysto laakiin Faroole iyo Gaas wuxuu qorshahoodu yahay inay xilliga doorashada soo xushaan Musharax reer Puntland hasse yeeshee ka hor ay Madaxweyne Shariif ka saxiixdaan dhamaan danahooda gaarkaa.

Shirkii lagu qabtay Xalane oo lagu sameeyay roadmabka ayaa sheekh shariif uusan wax badan kala socon, kadib markii shirku qabsoomay lana saxiixay Roadmabka ayaa madaxweyne shariif saxaafada mar ka sheegay in uusan wax badan ka ogeyn Roadmab-ka.

Inkastoo garabka Baarlamaanka ee Madoobe Nuunow hogaamiye sheegeen inay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweyne Shariif Sheekh si ay doorashada Madaxtooyada loo qabto bisha APRIL hadana Shariifka ayaa u muuqda nin beesha Caalamka dhabarka xejisay wixii ka dambeeyay shirkii London.

Beesha Caalamka ayaa Shirkii London kadib u muuqato inay muhiimada siinayso Raisul wasaare Cabdi weli.

Dawladaha Yurub ee daneeya arimaha Somalia sida Norway, Sweden, Talyaaniga dhamaan waxay dalalkoodu ku casuumeen Raisul wasaare Cabdiweli, iyagoo u qaabilay Raisulwasaare ah head of state, sida Ra’isul wasaaraha Itoobiya.

Calaamadaha muujinaya in Beesha Caalamka Muraayadaha ka dalacdeen Madaxweyne Shariif lana xoojinayo Ra’isulwasaare waxaa ka mida, hadalkii ku talagalka ahaa oo ambaasadoor Mahiga uu ku tuuray Madaxweyne Shariif, kaasoo micnahiisu ahaa bulshada caalamka kuma doonayso Shariifoow, danihii lagaa lahaayna waa lagaa gaaray, ee waxba waqtiga ha isaga luminin in dib laguu doorto.

Mida kale ee muujinaysa in Raisul wasaare Cabdi weli uu yahay Maanta ninka ugu awooda badan Dawladda Somalia waxaa ka mid ah Safarkii Wakiilka Midawga Yurub ku tegay Muqdisho shalay oo lagu beegay xiligii uu baxayay Madaxweyne Shariif, Wakiilka Midowga Yurub oo socdaalkiisa la xaqiijiyay inuu ahaa mid laga sii shaqeeyay wuxuu Muqdisho ku qaabilay Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas.

Cabdi Wali Gaas oo Wasaaradda Maaliyada amar ku siiyay inaysan lacag ku bixin karin Warqadaha Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale Labada Shariif u diray Warqado uu ku waydiistay inay shaqadooda ku ekaadaan oo faraha kala baxaan shaqada Xukumadda. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ka baaqsaday safar uu hore ugu tegi lahaa Baydhabo kadib markii Ra’isulwasare Gaas diiday inuu bixiyo dhaqaalaha safarkiisa.

Gaas wuxuu Shariif Xasan ku yiri “ Wafti Xukumadda ka socda ayaa loo dirayaa Baydhabo sidaas darteed waxaan ku waydiisanayaa inaad faraha kala baxdid” Gudoomiye Shariif Xasan oo laga soo xigtay inuu ka shakiyay Caafimaad Maskaxeedka Ra’isulwasare Gaas ayaa shalay Baydhabo ku tegay laba diyaaradood oo jeebkiisa uu ka kireeystay,ayna leedahay Shirkadda SKA.

Shariif Hassan ayaa doonaya in aan Goboladda Bay iyo Bakool laga dhisin wax Maamul Goboleed ah inta laga Gaarayo August 2012, xiligaas oo uu quud daraynayo Dawladda la dhisi doono in uu ka helo ugu yaraan Gudoomiye Baarlamaan ama jago muhiima balse hadii uu taas waayo wuxuu damaciisu yahay inuu Bay iyo Bakool ka dhisto maamul goboleed isugu Madaxweyne ka yahay .

Diblomaasiyiin ka hoowlgala Geeska Afrika ayaa ku xog waramay in Beesha Caalamka kula talisay Cabdi Wali Gaas inuu ka fogaado labada Shariif si aysan ugu soo laaban saaxada siyaasadda.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: