Walaacii laga qabay xawaladaha Minnesota oo sii kordhay

Minneapolis – Bilaawgi Bishii aanu ka soo gudubnay ee November ayeey aheed markii war ka soo baxay Franklin Bank oo ahaa Bangiga kaliya ee calaqaadka kala dhaxeeyay xawaladaha Somaalida ee ka howgala Wadankan Mareykanka Gar ahaan kuwa reer Minneasota uu sheegay in uu damacsanyahay in uu xaro ilaaqadka kala dhaxeeya xawaladaha Somaalida 14 December oo anu hada ka soo gudubnay.

Arintan oo xiligas ay laama furteen dad badan oo Somaali ah, oo runtii garan waysanaa waxa xiligaan ku soo beegay in uu Franklin Bank uu xiriirka u jaro Xawaladaha Somaalida, ayaa durba bilabay wax iska weydiinta halka ay ku danbeen donto xaalada uu xiligas u muuqatay mid sii cakirmeeso.

Gudi loogu Magac daray iskutaga Xawaladaha Somaalida ayaa durba bilaabay in uu wadahadal la furo Franklin Bank, si wax looga ogaado waxyaabaha kalifay in uu Bangigani xariirka u jaro iyo sidii wax loga badali lahaa mowqifkooda ku aadan howshaan.

Balse Bangiga ayaa ku dooday in uu cadaadis kaga imanayo xaga dowlada oo sheegesa in Bangigaan laga gudbiyay lacago la sheegay in lagu tageeray Kooxda Al-shabaab, sidaa darteena anu mowqofkoada waxba iska badali karin xiligaan.

Wadahadalada oo xiligaas u muuqday in la isku mari la’yahay ayaa sida muuqatay waxaa soo fara galiyay Maamulka Gobolka Minnesota oo sida muuqatay isku dayayay in ay dhaxdhaxadin iyo isfahan ka dhaliyaan wadahadalada ayaa waxba ka soo naso cadan wayeen, balse Franklin Bank ayaa ka dhawaajiyay in uu Labo isbuuc ku darayo mudadii uu horay u qabtay oo aheed sidan kor ku soo xusnayba 14 December oo uu garsinayo 30 December oo labo maalmood oo qura ka dhiman yihiin.

Sida aan ka soo xiganay qaar kamid ah Dadka ka shaqeeya xawaladaha, ayaa sheegaya in Qoraal uu soo gudbiyay cidii Kirismiska ka hor Franklin Bank ku qeexay in uu go’aankoodii yahay sidii hore, eysan wax iska badalin mudadii uu u qabtay in Xawaladaha Somaalida ay kala qataan waxii iskugu dhimanaa, mudadaasna markii la garo la soo afjari dono cilaqadkoodii mudada soo socday.

Arintan ayaa markii ay soo ifbaxday oo durba saasaanteeda laga dareemayay Magaalooyinka matanaha ah oo sida la sheegay ay ku nolyihiin Dad lagu qiyaasay 70 kun oo Somaali ah, bil walbanah siyaabo kala duwan wax uga dirsada Xawaladaha Somaalida, una dira ehladooda ku nol dafaha aduunyada siiba gudaha Somaaliya, oo ay xiligan ka jirto xalad aad u adag.

Maantay oo mudadii loo qabtay xawaladaha Somaalida ay ka harsantahay labo maalmood oo qura, ayaa waxaa tagan cariiri aad u badan iyo bisi xaga lacag dirashada ah oo qof walba isku dayayo in uu wax la gaaro eheladiisa uu wax u diri jiray, halka qqar kale ay isku dayayaan in ay labo jibaaraan bilashii ay diri jireen si aan wax uga kala goin eheladooda inta xalku wax iska badalayo.

Midkamid ah Dadkii wax dirsanayay oo ay Keydmedia.net wax ka weediisay fikirkiisa ku aadan arintaan ayaa yiri:

“Runtii Maantay xaalada sidii hore waa ka duwantahay sidaa u jeedid intaan oo Qof waxeey isku dayayaan in Qof walba wax diro bishaan, balse Qof walba waxa uu ku rajoweyn yahay in wax is badali donaan insha alaah,waayo ayaga wax beey qorsheeyeen ilahayna midiisii mesha kama maqna” Sidaas waxaa yiri Saciid Ciise oo markas aan la kulmeenay Saf ugu jiray sidii uu eheladiisa ku nol Kenya wax ugu diri lahaa.

Dhanka kale Qaar kamid Hey’adaha u dooda Xuquuqda adanaha ayaa ka codsaday in Dowlada Mareykanka fara galiso arintan cusub oo soo kordhay & sidoo kale ayagoo ka digay in arintan lagu joojinaayo xawaladaha Somaalida ay keeni karto xaalad aan ka soo waqsasho laheen oo ku timaada dadka ku noql gudaha Wadanka Somaaliya oo ay sheegeen in inta badan ay dadkas ku tiirsan yihiin bilasha ay ka helan eheladooda joga USA siiba dadka Minnesota.

Ugu danbeentii arintaan ayaa la ogeen halka ay saldhigan donto, balse wixii ku soo kordha mudadaas loo qabtay Xawaladaha kala soco Xogta Wararka Xaqiiqada  .

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: