Warar dheeraad ah oo ka soo baxay kulan Xalay ku dhexmaray xarunta madaxtooyada labada Shariif

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan albaabada u xirnaayeen oo xalay ku dhexmaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la sheegay in kulankaasi looga hadlay khilaafka ka dhex oogmay Baarlamaanka iyo xil ka qaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

Sida warku sheegayo kulanka oo la sheegay inuu qaatay saacado badan ayaa la in looga hadalay xil ka qaadist Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo sidii xildhibaanada qaba in Guddoomiyaha xilka laga qaaday looga dhaadhicin lahaa inay ka joogaan arrinkaasi iyo in Guddoomiyaha lagu qanciyo haddii xildhibaanada ay go’aankoodu ku adkeystaan Shariif Xasan uu ogolaado xil ka qaadistaasi, isla markaasna loo heshiisiin lahaa xildhibaanada oo ku kala qeybsamay xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in labada Shariif ay isku mari layihiin in Shariif Xasan uu ogolaado xil ka qaadista lagu sameeyay, marka uu ogolaado ka dibna Golaha wasiirada la isku shaandheeyo, isla markaasna laga siiyo wasiir qaali ah, wasiirkaasi oo aan la shaacin magaciisa kan uu noqon doono, inkastoo loo maleeyay wasiirka maaliayadda oo uu horay u soo noqday.

Madaxweynaha oo maalin ka dib xil ka qaadistii Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku sameeyeen qaar kamid Xildhibaanada baarlamaanka KMG soosaaray warsaxaafeed ayaa sheegay inay baaris socoto, iyadoo aan wali faah faahin ka soo bixin baaritaankii iyo kulamada uu maalmahan waday ,halka guddoomiyaha baaralamaanku uu ku adkeysanayo inuu isagu yahay guddmiyaha sharciga ee baarlamaanka iyadoo dhinaca kale xildhiibaandii sheegay inay xilka guddoomiyenida baarlaamka ka qadeen shariif xasan ay iyana ku adkeysanayaan in shariif xasan aysan u aqoonsaneyn guddomiye baarlamaan islamarkaasna aysan ka laabaneynin go,aankii ay xilka uga qaadeen guddoomiyaha Baarlamaanka.

Si kasta oo ay ahaataba kulanka Labada Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli maalinta berri la filayo inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo isugu jira Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD kuwaas oo u kuurgelaya xaqiiqda muranka ka dhex aloosan gudoomiyaha baaralamanka iyo qaar kamid xildhibaanada baaralamaka KMG.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Warar dheeraad ah oo ka soo baxay kulan Xalay ku dhexmaray xarunta madaxtooyada labada Shariif

  1. sctu

    Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka oo kulamo la yeeshay Madaxda dalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

    Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa la tilmaamay in xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan looga hadlayo shirka wadatashiga ee la filayo inuu ka dhaco Garoowe waxa ay kula leeyihiin ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Christian Manhal iyo saraakiil ka socoto IGAD iyo Midowga Afrika.

    Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin, ayaa wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo ku dhaw dhaw xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada waxay sheegayaan in wafdiga Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika ka socda ay madaxda dowladda kala hadleen ajandayaasha looga hadli doono kulanka Garoowe iyo waqtiga ku haboon ee uu qabsoomi karo, maamaada waqtigii loogu talagalay shirka uu dib u dhac ku yimid.

    Warar hoose ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono khilaafka soo cusboonaaday ee baarlamaanka u dhexeeya, si xal looga gaaro arrinta muranka dhalisay.

    Christian Manhal iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan xasaasi ah kula yeeshay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) kaasoo looga hadlay qabsoomidda shirka wadatashiga ah.

    Dhanka kale shirka wadatashiga ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee markii hore lagu waday 9-ka bishaan ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo sidoo kale lagu waday in uu qabsoomo 15-ka bishaan taasi oo keentay in markale uu dib u dhac ku yimaado.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: