Somalia should protect trade unions and their leaders, ILO recommends.

7D094363-EF68-49FA-AEE2-2BF74450C873Somalia should protect trade unions and their leaders, ILO recommends.
“Moment Union”
Saturday November 11, 2017

MOGADISHU (MomenrUnion) – The International Labour organization released a number of recommendations urging the Somali National government to do more to protect trade unions and trade leaders in the country.

The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) together with the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), filed complaints against the Somali Government accusing it of serious threats, acts of intimidation and reprisals against members and leaders of the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) and the lack of adequate responses by the Federal Government of Somalia to the recommendations approved earlier by the International Labour Organisation (ILO) in favour of Somalia´s independent trade union movement against the national government. Continue reading

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

SOMALIA: UN RIGHTS EXPERTS RAISE ALARM AT GROWING PERSECUTION AGAINST TRADE UNIONISTS

Wider Image: Inside The United Nations HeadquartersSOMALIA: UN RIGHTS EXPERTS RAISE ALARM AT GROWING PERSECUTION AGAINST TRADE UNIONISTS

GENEVA – A group of four United Nations human rights experts* today urged the Government of Somalia to halt the continuous acts of intimidation and reprisals against members and leaders of two Somali trade unions, and to stop interfering in the unions’ internal affairs and activities.

“States have the obligation to respect and fully protect the rights of all individuals, including trade unionists, to associate and express themselves freely,” the experts stressed. “It is crucial that these individuals can exercise their rights without fear of violence, threats or acts of intimidation, smear campaign or harassment of any sort.”

Since 2011, members and leaders of the Federation of Somali Trade Unions (FESTU) and the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) have been threatened and intimidated by both anonymous persons and by State officials. Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Xisbiga Xuriyadda oo daaha ka rogay dhibaatooyinka shaqaalaha Dowladda

imageXisbiga Xuriyadda oo daaha ka rogay dhibaatooyinka shaqaalaha Dowladda 

Ku: dhammaan Saxaafadda gudaha iyo dibadda

Ujeeddo: Warsaxaafadeed Xisbiga Xuriyadda (The People of Freedom), dabaal degga maalinta Shaqaalaha Caalamiga darteed wuxuu hambalyo u dirayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan–Hambalyo- waxaana Xisbiga Xuriyadda uu u rajeynayaa horumar iyo mustaqbal fiican.

The People of Freedom wuxuu aad uga xun yahay duruufaha ay munaasabaddani kusoo beegantay oo ah duruufo adag iyadoo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda aanay qaadan mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen muddo dhowr bilood maamul xumida dalka ka jirta awgeed iyo ku takrifal lagu sameynayo dhaqaalaha dalka taasoo ay ka dambeyso dano shaqsiyaad gaar ah.

Sidaa darteed Xisbiga Xuriyadda wuxuu ugu baaqayaa madaxda sare ee dowladda iyo cid kasto oo ay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed inay wanaajiyaan niyadda qofka shaqaalaha ah islamarkaana bixiyaan wax alla wixii xuquuq ah ee uu shaqaaluhu mutaystay. Munaasabadan darteed waa in loo istaago badbaadinta dhalinyarada soomaaliyeed ee iyaga oo nolol raadis ah badaha ku dhamaanaya loona sameeyo shaqo abuur si looga hortago dhibaatooyinka mar walba lasoo darsa xooggii uu dalkan ku tiirsanaa.

Waxaa Xisbiga Xuriyadda uu soo jeedinayaa in la saxo khaladaadka ka jira siyaabaha loo qoro shaqaalaha dowladda oo aan waafaqsaneyn hannaanka shaqo qorista caalamka, iyadoo lagu qoro Shaqaalaha dowladda hab musuq maasuq ah oo la xiriirto nin jeclaysi iyo kooxeysi taasoo ah arrin niyad jab ku beereysaysa Shaqaalaha soomaaliyeed islamarkaana iska horkeeneysa umadda soomaaliyeed ee duruufaha adag ee colaadaha iyo abaaruhu ay saameeyeen.

Hay’adaha caalamiga ee dalka ka howlgala waxaan usoo jeedinaynaa inay u hoggaansamaan hannaanka shaqo qorista caalamiga oo ay iska daayaan inay shaqaaleeyaan dad ajanabi ah inta uu jiro qof soomaaliyeed oo qaban kara shaqada ay bixinayaan, waana inay xoogga saaraan shaqo siinta dadka soomaaliyeed ee gudaha wadanka ku nool si faqriga iyo shaqo la’aanta wax looga qabto.

Ugu dambeyn Xisbiga Xuriyadda wuxuu umadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay dalkooda maalgashadaan lana hormariyo waxsoosaarka dalka si shaqo abuur badan loo helo loogana baxo gaajada iyo faqriga haysta in badan oo ka mid ah dadka soomaaliyeed. Guul waxaynu ku gaari karnaa inaga oo muruqeena maalno.

Wabilaahi Towfiiq

Xisbiga Xuriyadda ( THE PEOPLE OF FREEDOM )

Categories: Truth to Power | Leave a comment

1-da May: Maalinta Shaqaale-weynaha Caalamka+(Faallo)..

image1-da May: Maalinta Shaqaale-weynaha Caalamka+(Faallo)..

1-da May Waxaa maanta Caalamka looga dabaal-degayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, iyadoo lagu weynaynayo Awoodda Xoogsatada ku dhex leeyihiin doorkooda Mujtamaca. Dalkeenna, xilligii Dowladdii Kacaanka ayaa waxaa si heer sare ah loogu dabaal-degi jirey Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaana la dhigi jirey Ixtifaallo iyo Isku-soo-baxyo lagu muujinayo cududa Shaqaalaha.

Xiriirkii Guud ee Shaqaalaha Somalia ayaana inta badan isku soo duwi jirey Jadwalka Munaasabadda 1-da May, waxayna Shaqaaluhu dhoolatus ku soo mari jireen Waddooyinka waa weyn ee Muqdisho, iyadoo Madaxdii Qaranka kala qeyb geli jireen Dabaaldegaasi.

Ururka Shaqada Adduunka ee ILO ayaa inta badan dejisay Sharuucda lagu maamulayo Xoogsatada, waxaana la dejiyey Nidaam lagu muujinayo Xuquuqda Shaqaalaha iyo Shaqada, waxaana la jideeyey inay shaqaalaha shaqeyn karaan maalintii 8-saacadood oo keliya.

Wixii ka baxsan xilligaasi, waxay shaqaaluhu xaq u leeyihiin Mushaarka saacadaha dheeraadka ee ay sii shaqeeyaan.

Qofka Shaqaalaha waxa uu Toddobaadkiiba leeyahay hal maalin oo Fasax ah, iyadoo sannadkiina helayo bil fasax ah, iyadoo uu qofka shaqaalaha leeyahay Caymis dhinaca shaqada iyo inuu helo Daawooyin lacag la’aan. Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Xarigga loo geestay Maamulka Sare ee TV-ga Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo la Canbaareeyay

imageMoment Union SomaliDiaspora Agency ayaa cambaareeyay xarigga qaar ka mid ah maamulka sare ee Universal, iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla markaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo

Cawil Daahir Salad oo ah daadiyaha barnaamijka Doodwadaag iyo Cabdullahi Xersi oo ah agaasimaha Barge Africa ee Telefishinka ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir, su’aalana halkaa lagu weydiinayay. Waxaana xalay xafiiska Universal ee Muqdisho Moment Union SomaliDiaspora Agency u xaqiijiyeen in ay xiran yihiin.

Sida ay xafiiska Universal ee Muqdisho u xaqiijiyay Moment Union SomaliDiaspora Agency, Cawil Dahir iyo Cabdullahi Xersi waxaa u wacay hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana goor fiidkii xalay ah la demiyay taleefoonadooda gacanta, iyadoo xaqiijiyay xarigga masuuliyiintaas.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo MaamulkaI Universal xafiiska Muqdisho ayaa Moment Union SomaliDiaspora Agency u sheegay in sababta loo xiray ay uga shaki qabaan inay la xiriirto barnaamij ka baxay telefshinka, gaar ahaan barnaamijka Doodwadaag oo uu Cawil Dahir daadihiye ka yahay.

Abdiasis Ibrahim Axmed, tifaftiraha Telefishinka Universal ee Xafiiska Muqdisho ayaa Moment Union SomaliDiaspora Agency u sheegay in ciidamada Nabadsugidda ay ku bixiyeen amar in xarunta aanay wax shaqo ah qaban Karin ilaa amar dambe, kuna amray waardiyayaasha in ay demiyaan nalalka banaanka.

Moment Union SomaliDiaspora Agency xarigga weriyayaasha iyo shaqo ka joojinta lagu sameyay xafiiska Telefishinka, waxa uu ku baaqayaa in laga joojiyo su’aalo weydiinta lagu hayo Agaasimaha Universal iyo weriye Cawil Dahir, isla markaana xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

“Waxaan codsaneynaa in saaxiibadeen xorriyadooda loo soo celiyo, loona ogolaado in xafiiska telefsihinka shaqadiisa dib u bilaabo, iyadoo la ixtiraamayo xoriyadda Saxaafadda” sidaasi waxaa yiri Moment Union SomaliDiaspora Agency,  isagoona intaasi ku daray in xorriyadda saxaafaddu ay aas-aas u tahay horumarka bulsho walba oo horumarta.

Freedom For Righ

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Gudoonka Baarlamaanka oo Go’aan kasoo saaray Mooshinkii laga Gudbiyay Madaxweyne Xasan

imageMomentUnion – Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay aqbaleen Mooshin ay xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kasoo gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa si rasmi u caddeeyay in mooshinka uu qabtay 12-kii bishan, ayna soo saxiixnaayeen Xildhibaano gaaraya 93 Mudane, waxa uuna Gudoonku cadeeyay inuu u meel marin doono mooshinkan si waafaqsan dastuurka. Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

MOOSHIN XIL KA QAADIS MADAXWEYNAHA JFS EE KU SALEYSAN FALAL IYO XADGUDUBYO CULUS

image

Waa tallaabo xaq

Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Muqdisho
Ujeeddo: Mooshin Xil Ka Qaadis Madaxweynaha JFS ee ku Saleysan Falal iyo Xadgudubyo Culus oo Lid ku ah Qarannimda, Shuruucda Dalka iyo Dastuurka.

Mudane Guddoomiye,

Soomaaliya AstaanAnnagoo ah Xildhibaannada ay magacyadooda iyo saxiixooda ku lifaaqanyihiin Mooshinkan, waxaan si xushmad iyo qaddarin ku dheehan tahay kuugu soo gudbineynaa mooshinka kor ku xusan oo ujeeddadiisu tahay XIL KA QAADIS Madaxweyne si waafaqsan Qodobka 92aad faqradihiisa 1aad iyo 2aad.

1. Markaan aragnay Qodobka 87aad farqadihiisa 1aad iyo 2 aad oo qeexaysa in uu Madaxweynaha Federaalka Soomaalyia uu yahay astaantii midnimada ee waddanka, ilaaliyaha iyo hore-u-mariyaha Dastuurka waddanka, islamrakaasna lagu amraayo isla qodobkaas inuu waajibaadkiisa dowladnimo u gutto si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka; Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Saaxiibada Somalia oo ka hadlay habka doorasho ee dalka ka dhacaysa sanada 2016-ka

imageWorldwide Friend’s of Somalia –    Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxay soo wada dhoweynayaan ballanqaadyadii lagu sameeyay shirki Madasha Wadatashiga Heerka Saree ee ka dhacday Muqdisho

Soddon iyo Laba wufuud ayaa ka qayb gashay shirkaas taariikhiga ahaa, kaas oo ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee caalamiga ahaa oo ka dhaca Soomaaliya muddo tobaneeyo sano ah. “Waxaan ugu hambalyaynaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed shirkaan guusha ku dhamaaday.

Waxaan bogaadinaynaa ballan qaadyadii lagu sameeyay Madashii Wadatashiga ee Heerkeedu Sarreeyay, (ballanqaadyadaas oo ahaa) in la helo hanaan doorasho oo hufan loona wada dhanyahay sanadka 2016, (sidoo kalena) la xoojiyo arimaha amniga, lana dardar geliyo sidii natiijo waxtar leh oo la taaban karo lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed. Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

Ergayga gaarka ah ee QM u Qaabilsan arrimaha Somaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya Soomaaliya, iyadoo uu xiligaasi u waraamaayay Warbaahinta gudaha.

“2016-ka waxaa dalkaan ka qabsoomi doonta doorasho ay Xildhibaanada ku dooran doonaan Madaxweyne, waana macquulin Madaxweynaha Soomaaliya dib loo soo dorto” ayuu yiri Nicholas Kay.

Nicholas Kay mar la weydiiyay inay ogalanayaan muddo korarsi ay sameyso dowlada ayuu sheegay in marnaba aysan raali Ka noqon doonin, mudoo korsigaas, wuxuna yiri “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono”

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in doorasho of iyo cod ah aysan ka dhici karin Soomaaliya sababo jira aawdood.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

DAAWO: Shirkii Hiigsiga oo si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho iyo war murtiyeed laga soo saaray

image30 JUL 2015: Shirka heerka wasiir ee caalamiga ah oo 29 kii bishaan ka furmay magaalada muqdisho ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho, iyadoona ay shirkii maanta ka qeybgaleen Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Gudoomiyeyaasha gobolada Banaadir, Hiiraan iyo kuwo kale, iyadoo gaba gabada shirka ay ka soo baxeen qodobo fara badan oo la ‘isku raacay inay gogol xaar u noqon doonaan hiigsiga sanadka 2016 ka iyo ka faa’iideysiga New Dealka.

Shirka ayaa waxyaabihii la isla af gartay inay lagama maarmaan u yihiin gaarista 2016 oo ka kooban ku dhawaad 40 qodob waxaa goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa kale oo ka mid ahaa guddiga doorashada arrimaha horyaala, dhameystirka federaalka, dardargelinta wasaaradaha dowlada howlaha ay u xilsaaranyihiin, Kabista iyo horumarinta waxyaabaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka, Continue reading

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Qaabka ugu sahlan oo ay Dowladu ku qaban karto doorasho xor ah oo lasoo bandhigay

image

Moment Union SomaliDiaspora Agency Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed

Moment Union – Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ka gaabineyso howlihii ay ballanqaaday inay kusoo biirin doonto Siyaasada dalka iyo Horu socodka.

Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in goortii uu maqlay in Somalia ay ka dhici doonto doorasho nin iyo codkiisa ay filan’waa la noqotay, balse iminka Dowlada Somalia kaliya ay u furan tahay hal wado oo ah inay latashiyo la sameyso qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed inuu aad uga xun yahay in Somalia ay kusii raagto wadadii dhalisay burburka, waxa uuna tibaaxay in Madaxda Qaranka ay hortaal ka tashiga qancinta Shacabka ay xilka u hayaan iyaga oo tixgalinaayo kaalinta Bulshada ay ku leeyihiin taabagalinta Horumarka lagu taamaayo in dalka laga dhaqangaliyo.

‘’Tallo ahaan waxaan qabaa in doorashada Somalia ay ku dhici karto laba qaab xisbiyeed inta loo sameeyo doorasho isku miisaaman waa la sameyn karaa, waxaa kale oo la yeeli karaa, dalka hadda dowlad gobaleed uu kala yeeshay, dowlad gobaleed kasta inta soo tashato inay la timaado golaheeda baarlamaanka iyo inta la sameeyo hab la raacayo lana yiraahdo hala soo xulo qof tayo oo maanta marxaladda dalka wax ka bedali kara”

Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed wuxuu sheegay hadii ee doorasho qof iyo codkiisae ah ee dalka ka dhaceyn waa in  markaas dalka loo keeno shaqsi karti leh oo maanta dadka wax u qabta.

Dhanka kale,   Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed waxa uu codsaday in Madaxda dalka aysan ka jiifan fulinta ballanqaadyadii ay horay u sameeyen, waxa uuna shaki galiyay in Horusocodka dalka uu yahay mid xiligaani ka imaankara dhanka Dowlada, waa hadii aan la helin Shacab u hogaansan dhismaha dalkooda.

Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Dalladda SOSCENSA oo qabtey Kulan Wadatashi ah oo looga Hadley Dib u eegista Dastuurka.

imageDalladda SOSCENSA oo qabtey Kulan Wadatashi ah oo looga Hadley Dib u eegista Dastuurka.

Moment Union SomaliDiaspora Agency
Ururka Shaqaalaha QurbeJoog Soomaaliyeed – Waxaa Magaalada Muqdishu lagu qabtay kulan Wadatashi ah oo ay ka soo qayb galeen Ururada Bulshada Rayidka oo ay wehliyaan Madaxda Jaamacadaha Muqdisho iyo Maamulka Gobolaka Banaadir, waxaa kulankaasi wada tashiga ah looga hadlay arimo dhowr ah oo dhamaantood quseeya dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Dalka u yaala, waxaana laga dooday Qodobada:- Federaalisamka, Muwaadinimada, Doorashooyinka iyo sida loo Wadaagayo Khayraadka Dalka .

Ka qaybgalyasha ayaa isla meel dhigay in xiligan la joogo aanay soomaaliya xamili Karin nidamka Federaalka taas bedelkeedana waxay door bideen in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah oo ka timaada bulshada oo loo heshiiyo degmo degmo, markaa ka dibna la sameeyo maamul goboleed ay hal dani ka dhexayso Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Bulshda Rayidka oo mar kale ka Dabatey Hanti Dhowka iyo Xeer ilaaliyaha inay soo Bandhigaan Haya’daha Dowlada ee Musuqu Hareey

Bulshda Rayidka oo mar kale ka Dabatey Hanti Dhowka iyo Xeer ilaaliyaha inay  soo Bandhigaan Haya’daha Dowlada ee Musuqu Hareey

Bulshda Rayidka oo mar kale ka Dabatey Hanti Dhowka iyo Xeer ilaaliyaha inay soo Bandhigaan Haya’daha Dowlada ee Musuqu Hareey

Muqdisho waxaa ka dhacay kulan wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka,waxaana kulankaan soo qaban qaabiyey Dallada SOSCENSA oo uu Cinwaankiisu ahaa LA XISAABTANKA DADWAYNAHA.

Waxaana ugu horeyntii halkaa WarbIxin ka soo jeediyey Diini Maxamed Diini oo ah Xoghayaha u Qareemida ee Dallada SOSCENSA, waxaana uu sheegey in ujeedka loo qabtey Kulanka ay tahay sidii Bulshada Rayidka uga soo dhalaali lahayd Doorkeeda ku aadan la dagaalanka Musuqmaasuqa .

Waxaa kale oo halkaa ka Hadley Prof Cabdi Jaamac Geedi oo isna ku dheeraadey sida loo xalin karo ama looga hortagi karo Musuqmaasuqa , waxaana uu sheegey in Musuqmaasuqu uu yahay mid Caqabad ku noqon Kara Deeqaha la siinayo Soomaaliya , wxuuna u soo jeediyey Bulshada in ay Dariiq kasta u maraan sidii dalka looga baabi’an lahaa Musuqmaasuqa Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

No Direct 2016 Political Election in Somalia

imageFebruay 9, 2015  – Moment Union – I strongly believe that the prospect of holding political election, to some extent, complies with the concepts, norms, and processes of a democratic electoral process in Somalia in 2016 is not only doubtful or impossible but also unwise under current government and condition. That is why many Somali intellectuals are now suggesting different approaches to the choice of the next members of the federal parliament and new modalities for the election of the next president. Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Beesha Shiikhaal oo kalsoonida kala laabatay DF Somalia, soona dhoweysay iscasilaada wasiir ku-xigeenka Difaaca

imageBeesha Shiikhaal oo kalsoonida kala laabatay DF Somalia, soona dhoweysay iscasilaada wasiir ku-xigeenka Difaaca

imageBeesha Shiikhaal oo kalsoonida kala laabatay DF Somalia, soona dhoweysay iscasilaada wasiir ku-xigeenka Difaaca Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.