Xarigga loo geestay Maamulka Sare ee TV-ga Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo la Canbaareeyay

imageMoment Union SomaliDiaspora Agency ayaa cambaareeyay xarigga qaar ka mid ah maamulka sare ee Universal, iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla markaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo

Cawil Daahir Salad oo ah daadiyaha barnaamijka Doodwadaag iyo Cabdullahi Xersi oo ah agaasimaha Barge Africa ee Telefishinka ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir, su’aalana halkaa lagu weydiinayay. Waxaana xalay xafiiska Universal ee Muqdisho Moment Union SomaliDiaspora Agency u xaqiijiyeen in ay xiran yihiin.

Sida ay xafiiska Universal ee Muqdisho u xaqiijiyay Moment Union SomaliDiaspora Agency, Cawil Dahir iyo Cabdullahi Xersi waxaa u wacay hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana goor fiidkii xalay ah la demiyay taleefoonadooda gacanta, iyadoo xaqiijiyay xarigga masuuliyiintaas.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo MaamulkaI Universal xafiiska Muqdisho ayaa Moment Union SomaliDiaspora Agency u sheegay in sababta loo xiray ay uga shaki qabaan inay la xiriirto barnaamij ka baxay telefshinka, gaar ahaan barnaamijka Doodwadaag oo uu Cawil Dahir daadihiye ka yahay.

Abdiasis Ibrahim Axmed, tifaftiraha Telefishinka Universal ee Xafiiska Muqdisho ayaa Moment Union SomaliDiaspora Agency u sheegay in ciidamada Nabadsugidda ay ku bixiyeen amar in xarunta aanay wax shaqo ah qaban Karin ilaa amar dambe, kuna amray waardiyayaasha in ay demiyaan nalalka banaanka.

Moment Union SomaliDiaspora Agency xarigga weriyayaasha iyo shaqo ka joojinta lagu sameyay xafiiska Telefishinka, waxa uu ku baaqayaa in laga joojiyo su’aalo weydiinta lagu hayo Agaasimaha Universal iyo weriye Cawil Dahir, isla markaana xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

“Waxaan codsaneynaa in saaxiibadeen xorriyadooda loo soo celiyo, loona ogolaado in xafiiska telefsihinka shaqadiisa dib u bilaabo, iyadoo la ixtiraamayo xoriyadda Saxaafadda” sidaasi waxaa yiri Moment Union SomaliDiaspora Agency,  isagoona intaasi ku daray in xorriyadda saxaafaddu ay aas-aas u tahay horumarka bulsho walba oo horumarta.

Freedom For Righ

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: