Shariif Xasan, Dibindaabyada Mahiga Iyo Isku Duubnida Faroole Iyo Gaas.!!

Waxaan marka hore ku Alle ka baryaa in umada Soomaaliyeed ay helaan Dowlada caadil ah oo ka saarta dhibka iyo jahwareerka mudada 21-sana ah ay ku soo jireen, run ahaanti waxa jira wayaabo badan oo dadka Soomaaliyeed ay fahmi weynsan yihiin, jahwareer badana uu ka taagan yahay.

Waxaana jahwareerkaas uu sabab ah qilaafka joogtada ah ee ka dhax taagan markato mas’uuliinta Dowlada, hadeey ahaan lahaayeen kuwa ugu sareera amaba haatan midka taagan oo maaro loo weysan yahay ilaa iyo hada ee u dhaxeeya sadax ugu sareeysa iyo 300 ee xildhibaan. Waxaa jira sir dahsoon oo aan doonaayo in aan diirka ka qaado oo dibada soo dhigo, anoo doonaayo in dadkeyga iyo dalkeyga dibandaabyada lala damacsan yahay kana diir naxaayo, danta ayaa dad isku keenta dadna kala fogeysa dalkaana wuxuu gacanta u galay ragg danley ah oo doonaayo inay darajo ku gaaraan damac siyaasadeedna uu dowgoodu yahay, dowlada hada jirta waa dowlad tii ugu qilaafka iyo isaqabqabsiga badneyd ee soo marta mudooyinki ugu danbeeyay, waxaana lawada ogyahay inta jeer oo ay is qilaafeen oo qoorta isku galeen madaxda sar sare ee hogaanka heysa haataan si xalkooda loo helana ay uun noqoneysay in lagu xaliyo in midkood dariishada ka baxo.

Inta badan waa lawada ogyahay waxyaabihii soo maray dowladan iyo sidey ugu danbeynti xalkoodi lagu gaari jirey marka ay isqabtaan xarfaanta ugu sareysa dowlada, waxaana markasto oo qilaafkooda adkaado marjic u ahaa dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iyo kuwa dariska nala ah amaba QM iyo sidoo kale International Communty -ga oo iyaga ah isha kaliya ee ay dowlada biyaha ka cabto.  Hadii aan hal mdi ka soo qaato oo kii ugu danbeeyay eekia dhaxdhacay R/wasaare Farmaajo iyo Gudoomiye Shariif Xasan oo gaaray heer ugu xumaa ilaa marki danbe ay tagtay in lagu xaliyo in lagu kala tago ma in farmaayo uu booska baneeyo oo isaga ay tahay oo kaliya in uu iska tago, waxaana meeshaan lagu gaaray heshiis loogu magac daray Kambala Accord kaasoo ahaa mid qodobo dhowr ah oo lagu xadidaayo ragaan qilaafka badan loogana wareejiyay awoodooda isla markaana ahaa mid umada Soomaaliyeed lagu shirqoolay,

Heshiiska Kambala ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid mar kale god ku sii riday qaranimada iyo xurnimadi ay Soomaali ay laheed waxaana ay dad badan qabaan in uu ahaa heshiiskaas mid shirqool ah, sida la ogyahay heshiiska ayaa waxaa wada saxiixay laba shariif iyo farmaajo iyo mahiga mosefeni waxaana heshiiskaas uu dan u ahaa oo kaliya shariif xasan oo kurisigiisa iyo danahiisa oo kaliya ka fiirsanaayay, halka madaxweyne Shariif uu isna uu heshiiska u galay oo kaliya bal hal sano sii fadhi kursigaan lkn danta shariif xasan taas waa ka weyneed. Shariif Xasan ayaa waxa lagu sheegaa in uu yahay nin qayaano badan oo hadana isgadgadis badan isla markaana dal iyo dad aan dan ka laheyn oo danahiisa kaliya ayuu eegtaa, hadaba aan soo daadagee danta Shariif Xasan maxay aheyd ee Kambala Accord ?

Habka cusub ee Road map-ka ee haatan la damacsan yahay in dalka xal looga dhigo laguna wado in loog gudbo KMG-nimada in mudo ahba lagu soo jiray, habka tubta qariirada loo baxshay ayaa waxaa wado oo dabada ka riixaayo ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Agostina Mahiga oo doonaayo in uu dalka ku kala jarjaro oo qeyb qeyb u kala qeybiyo, inta badan ee wax garadka ah shaki weyn ayay k muujiyeen qorshahaan cusub ee uu wato Mahiga.

 In la fahmo ujeedada ka danbeysa qorshahaan Road Map-ka ayaa dad badan ku adkaatay waxaana taas ay ku tuseysaa in wax ku dhax qarsoon yihiin qorshahaan cusub lana rabo in aan la fahmin wixii ka danbeeyo ee uu yeelan karo qaabkaan cusub, qorshahaan ayaa waxaa qandaraas kuwada galay Mahiga iyo Shariif Xasan oo waxay soo qaateen lacago fara badan oo malaayiin doolar ah, Shariif xasan waxaa la sheegay in uu mahiga la galay kontarakti ah in uu isaga wadaayo shaqadaan oo uun socodsiinaayo waxkasto ay ku qaadato.

 Waxaa kaloo jira in heshiiska socodsiinta ay ku soo biireen madaxweyne Faroole iyo R/wasaare Gaas oo ayagana dhankooda qandaraaska wax ka qaatay iskuna baheystay sidey u socodsiin laheeyeen,qorshan aanan wali si fiican loo faahfaahin ayaa waxaa kaloo gadaal ka soo galay Madaxweyne Shariif oo isaga kaligiis meesha ku ah oo aan cidna xulufo la aheyn marka la fiiriyo laba dhinac ee is garabsanaayo oo kala ah Mahiga iyo Shariif Xasan iyo Faroole iyo Gaas. Isbahaysigaan cusub ayaa waxaa horboodaayo Mahiga waxaana jira heshiis hoose oo ku aadan sidii loo kala qeybsan lahaa dowlada cusub ee soo socota marka uu dhamaado waqtiga dowladaan, waxaana jira balanqaadyo hoose oo lala galay madaxda hada meesha joogta oo mid kasto laga balanqaaday in uu qeyb ka heli doono dowlada cusub ee aan kumeel gaarka aheyn,hadaba kooxdaan ku heshiisay in ayaga oo kaliya looga danbeeyo doono dowlada cusub ee soo socota ayaa waxaana la ogeyn sidi ay wax noqon doonaan marka la gaaro xiliga kama danbeysta ah, iyadoo ay taas jirto ayaa Mahiga oo isaga ah kaaba u soo tafaxeytay dalkaan beylahda ah siduu rabo in uu ka yeesho ayaa haataan waxaa soo wajahday dhibaato hor leh.

 Mahiga oo ku tashanaayay in uu waxkasto oo uu rabo uu socodsiin karo Shariif Xasan ayaa hada arin ku foorartaa kadib markii xildhibaano ku soo baxeen oo ayna sheegeen in ay xilka ka qaaden Sharif Xasan oo ayna wacad ku mareen in uusan dib danbe gudoomiye u noqon doonin, arintaan ayaa naxdin ku abuurtay oday Mahiga oo isaga islahaa waa kuu qabsoomeen waxaad rabtay balse hada ayay arini ka qasantay waxana uu hada xusul duub ugu jiraa sidii uu dib ugu soo nooleyn lahaa Shariif Xasan oo howsha halkeedi ugu sii socon laheyd. Dhinaca kale shirkii Garoowe ayaa waxaa isna arinta ciid ku shubi rabay balse marki danbe waxa si hoose u dhameeyay R/wasaaraha oo si tabriib ah wax u fahamsiiyay Faroole una sheegay in meesha howl ka socoto dhinaciis uu wax ka qaato oo uu sidi wax loo rabo uu u fuliyo, waxaana kaloo jira in loo balan qaaday booska uu hada joogo boos ka sareeya oo dowlada soo socoto ka noqon doono Madaxweyne Soomaliyeed halka uu hada ka yahay madaxweyne maamul goboleed.

Madaxweyne Shariif isaga maxaa u balansan siduusa kaga qeyb qaadan karaa qorshahaan maldahan ee la wado, waxaa jira qiyaano jooko ah oo soo socoto balse aan la ogeyn cida ay saameyn doonto inkastoo loo badinaayo in la rabo in sheekha booska lagala boodo oo meel cidla ah lagu soo rido sababtoo ah waxa meesha ka muuqda isxigaaleysi iyo isku duubnaan oo laba laba leyskula socdo leyskuna xiran seef laba afleey ahna hoosta kuwataan halka uu shariif axmed kaligiis meesha ku jiro,

 Ugu danbeynti waxa socda hada waxaa ka daran waxa soo socda ee aan la saadaalin karin waloow ay hada sheekada waji kale yeelatay kadib markii ay soo baxeen xildhibaano dhaarsan oo seeftooda galka ka siiban tahay isla markaana bilaabay inay meesha ka saareen Gudoominimadi Shariif Xasan uu mudada yakaha ku heystay, waxaana jira culeys ay leeyihiin xubnahaan ka tirsan baarlamaanka ee hada uun hurdada ka soo kacay, isku soo duub arinta waxay mareysaa nin walboow naftaa iyo kursigaaga iyo sidee laga yeeli doonaa xildhibaanadaan hada soo baraarugay ee awood qaadista bilaabay, koley iyo koley Soomaali cid u maqan ma leh oo waxay wax ka sugayaan waa kuwaan sidaan dhaqankooda yahay ee Soomaaliyeey waxaan idin leeyahay nin walboow madaxaaga meyrax ku duubo.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: