Xiliga, ajendaha iyo halka lagu qaban doono wejiga 3aad ee shirka wada tashiga Soomaalida oo si rasmi ah loo shaaciyey

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee ayaa sheegaya in wejiga 3aad ee shirka wada tashiga soomaalida oo ah mid xasaasi ah lagu qabanayo magaaladaasi bartamaha bisha Janaayo ee soo socota, kaas oo looga hadlayo hanaanka federaalka ah ee ay Soomaaliya qaadaneyso, waxaana shirkaasi ka qeybgalaya Guddiga dastuurka madaxbanaan iyo xubno ka socda Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socda Guddi dhawaan loo magacaabay dhameystirka dastuurka.

Sida warku sheegayo shirka waxaa looga doodayaa qaabka iyo nooca uu noqonayo hanaanka federaalka ah ee ay Soomaaliya qaadaneyso iyo awoodda ay yeelanayaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaaas oo ay ka qeybgalayaan qubaro kala duwan oo ka kala socda maamul goboleeyada iyo dowladda KMG Soomaaliya.

“Shirka lagu balasanyahay in magaalada Garoowe uu ka furmo bisha soo socota 22-keeda waxaa looga hadli doonaa nidaamka federaalka ah ee ay Soomaaliya qaadaneyso, awoodda gobolada, dowladda dhexe, Kheyraadka dalka iyo sida loo qeybsanayo” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas soo ka hadlayey shirka lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ka culeys badnaan doona kan hadda ku soo gabagaboobay Garoowe ayaan la ogeyn sida ay xubnaha ka qeybgalaya isugu waafaqayaan hanaanka federal ee ay Soomaaliya qaadaneyso, maadaama aysan jirin maamulo xoogan oo ka jira Soomaaliya, marka laga reebo Puntland oo iyadu dooneysa in maamul goboleedyada ay awood yeeshaan dowladda dhexena ay noqoto mid isku heysa oo keliya gobolada dalka.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlayaa dhameystirka dastuurka qabyada ah, kaas la sheegay inay ansixinayaan 1000-ruux oo laga soo kala xulay qeybaha bulshada, kuna imaanaya hanaanka 4.5-ka loo yaqaano, iyadoo dadka ka qeybgalaya shirka ay ka mid noqonayaan Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: