Madaxda dowlada KMG Somalia oo ka soo horjeestay, shakina ka muujiyey xilka qaadistii xildhibaanada qaarkood ku sameeyeen Shariif Xasan

 

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay in madaxda dowlada KMG ah go’aan ka qaateen xilka qaadistii dhowaan xildhibaanada Baarlamanka qaarkood ku sameeyeen gudoomiyahoodii Shariif Xasan Shiikh Aadan iyagoo ku baaqay in baarlamanku uu sii wato howlihiisa waxaana war saxaafadeedkaas lagu sheegay in qaabkii loo maray xilka qaadistaas iyo xildhibaanadii ka qeyb galay intaba ay shaki badan abuureen waxaana uu qornaa war saxaafadeedka oo lagu faafiyey warbaahinta dowlada sidan:- 

War Saxaafadeed

Madaxda Dowladda Soomaaliyeed ayagoo tixgelinaya marxaladda dalku marayo, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Waxay wadatashi la sameeyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka iyo Beesha caalamka ayagoo tixgelinaya;

  • a) Axdi KMG ah ee Soomaliyeed oo saldhig u ah shuruucda dalka
  • b) Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo
  • c) Taabagelinta Roadmap-ka

Ka dib, markii shaki laga muujiyey:

1. Qaabkii loo maray kulminta Baarlamanka iyo Tirada u codaysay motion-kii xilkii looga qaaday gudoomiyaha baarlamanka

Sidaas awgeed, Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayagoo ixtiraamaya madaxbanaanida Baarlamanka waxay soo jeedinayaan:

  • a) In Baarlamanku Shaqeeyo bilaabana kulamdiisa joogtda ahaa si ay u gutaan waajibaadkooda        Dastuuriga ah.
  • b) In la tixgeliyo Marxaladda xasaasiga ah Dalku marayo
  • c) In la raaco sharuucda Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada
  • d) In la dhowro heshiiskii Kampala (Kampala Accord)
  • e) In la dhowro Axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed 

War saxaafadeedka oo loo isticmaalay ereyo degan oo khilaafka lagu dejinayo ayaan lagu sheegin kuwa ay yhiin madaxda, waxaana uu ku soo beegmayaa xili Xildhibaanadii xilka qaadista ku sameeyay gudoonkii hore ee Baarlamaanka ay sheegeen ka dib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho in ay bilaabi doonaan labada maalin ee fooda inagu soo heysa diyaarinta gudi soo qaban qaabiya doorashada gudoon cusub uu baarlamaanka yeesho.

Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo shir gudoon ku meel ay u doorteen mudanayaasha baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan Sh. Aadan oo kulankaas ka hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aysan ogolaan doonin wax wadahadal in laga dhex furo iyaga iyo gudoomiyihii hore ee xilka laga qaaday waxaana uu xusay in muddo bil gudahooda ay soo dooran doonaan gudoomiye cusub oo hogaamiya baarlamaanka KMG Soomaaliya sida uu qorayo xeer hoosaadka Baarlamanka.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.