Shirka Garoowe: Xaaraan, Booli & Sadbuursi!

Somaalida midi weey duxeeysaa Calakiina loo taag, dhabanyacasta joogtana dhiigeey cabaayaan dhalaankeey siraayaan. ( Puntland ) midna waa Dabo ma leh dadka waa dareeraan doorasheey sameeysteen Tigreegeey dugsanayaan ( Somaliland ) adna ( Shariifow ) dhalaankaad ku habeeysay diintaa dacar kaaga daranoo ku rideeyay beri hore.

Nin-walbowba calankii, shariifow shirqoolkaa shabaabow shaleeydaa shaxda aad wadaan iyo shisheeyaha ku saacida, sheeydaan masáladii inta kuwa dhismaayaan kuwana dhiiga cabaayaan xagee dhaanka loo rari,maxaa leeygu dagayaa, duhur leeygu dilayaa dowladaan ahee garo !

Xilka ma waxaa loo haya in shacabka lagu gumaado mise in shacabka lagu badbaadiyo?? Soo celinta Nabada iyo difaaca qaranimada Somali ninkii tiirka u noqon lahaa haddii talada iyo masiirka dalka uusan ka muuqan miyeey nabadi  imaan-kartaa ???

Xaqiiqdii dowlada waxaay ka shaqeeysaa oo kaliya magaalda Muqdisho iyada oo la ogyahay in dowlada tiir-dhaxaadkeedii shacabkii siyaasiyiintii aqoon yahankii indheer-garadkii  iyo oday dhaqmeedkii reer Muqdisho aayan ka muuqan talada masiirka somalia  ee Roadmapka side nabdi u imaan-kartaa, yaase nabada horsed ka noqon kara oo ah dariiqa wadatashiga iyo cadaalada dowladnimada Somalia waxaad arkeeysaa in Roadmapka uu yahay mid ka muuqda sadbuursi iyo cadaalo daro bud-dhigna uu u yahay sharciyeeynta dastuurka qaran oo aaneey umada Somali u dhameeyn.

Baadida nin baa kula daydayi  daalna kaa badane ( Puntland ) oon doonahayn inaad hesho daa’in abidkaaye aduunkana moodayaan duul wada dhashoon wax u dahsooneyne.

Muqdisho nabdi ka dheer inta loo diidan yahay in aay qeeyb ka noqdaan soo celinta nabada iyo wadanoolaansha umada Somali, Al-shabab in aay reer Muqdisho iska dhiciyaan waxaa horjooga dowlada uu xilka ka hayo Shariif sabbabta oo ah talada iyo masiirka dowladnimo waxba kuma laha degmooyinka gobolka Banaadir shacabka ku dhaqan.

Sida Madiina iyo Dharkinleey oo ah degmooyinka ugu dadka badan ayaanan qeeyb ka  aheeyn talda masiirka dalka ee Roadmapka miyaadan ogeeyn in degmada Madiina iyo Dharkinleey aay degan yihiin in ka badan 1 milyan oo Somalia ah.

Maxaa diiday in gogashii shirkii Roadmapka ee Xalane aayan ka qeeybgelin iyada oo la ogyhay in degaanka Xalane uu hoos yimaado degmada Madiina,16 ka degmo ee Muqdisho haddii aay marti ka yihiin la dagaalanka Al-Shabab iyo soo celinta nabada Muqdisho maxaad u diideeysaa in Muqdisho aay noqoto hooyga gumaadka shacabka Somali ?

Ciidamada waxaa aay dhib xoog leh ku hayaan shacabka Muqdisho ayaga oo labisan dareeyskii ciidamada qaranka oo uu macnaheeda yahay in ciidamada aayan fahansaneeyn macnaha dareeyska qaranka oo la macno ah in aay dhawaac u geeysanayaan sharaftii,heybadii iyo calankii Somalia,sow lama dhihi karo waxaa aay la macno tahay xilka dowladnimo in lagu gumaadaayo shacabka.

Xilka waxaa loo haya kor u qaadida difaaca sharafta shacabka  balse ma mudna  in shacabka lagu gumaado,loo horseedo cadaalo daro iyo sadbuursi.Garowe waxa ka socdaa maaha mid umada Somali aay aqbali karto waa cadaalo daro iyo sadbuursi uu horsed ka yahay Shariif.

Muqdisho shacabka ku dhaqani ma mudneeyn in sidaa loola dhaqmo balse Tarzan oo ahaa ninka xilka u qaaday ( Gudoomiye/ Duqa ) ayaa noqday nin fahmi waayay xilka uu dadka u hayo balse waxuu u muuqday nin horsed  ka ah cadaalo daro iyo sadbuursiga wadadeeda Shariif uu hada u jeexay umada Somali ,waligeedna noqon doonto mid sharciga dastuurka dhameeystirkiisa lagu qori doono,sharciga dastuurka ee lagu dhameeystirayo Garowe ayaa noqon doona mid aayan Somalida la jaanqaadi karin balse ku saleeysan sadbuursi iyo cadaalo daro,ma xaqbaa in xaquuda shacabka gobolada Banaadir,Bay,Bakool,Buaale. Gedo,Kismaayo,sh/hoose,Sh/Dhexe,Hiiraan, Dhuusamareeb Mudug, Hargeeysa, Barbara,Boorama iyo Burco ,Sool iyo Sanaag  in Garowe lagu goáamiyo qeeyraadka goboladaa iyo ka talinta goboladaa cidii maamuli laheeyd.

Marba haddii shacabkii degenaa goboladaa aqoon yahaynkii odayadii goboladaa aayan joogin meesha hasha lagu qeeybsanaayay,Alow sahal umuuraha.

Shirka Garowe Xaaraan, Booli & Sadbuursi waa bilowgii cadaalo darada umada Soomaali.

Aragtida:

Categories: Truth to Power | 2 Comments

Post navigation

2 thoughts on “Shirka Garoowe: Xaaraan, Booli & Sadbuursi!

  1. sctu

    Muqdisho roadmap-ka Maxaa looga Qadiyay ??

    Cadaalada oo laga fogaadaa waxaa aay abuurtaa colaad joogta ah iyo faqri foolxumo iwm Sh.Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro aad iyo aad u xoog badan,caasimada Somali ee Muqdisho oo ah gogashii dowlada ku shaqeeyneeysay maxaa diiday in roadmapka ama masiirkii dalkaan meesha looga hadlayay aayayn marna ka muuqan ?? Muqdhsio waxaa laga galay danbi kiisa ugu weeyn akhristow milicso :arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha gobolka.

    Muqdisho oo ah caasimada dalka Somali ahna gobolada ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan ayaa waxaa laga qadiyay in aay ka qeeybgasho shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay aayna ka soo baxday waxa manta loo yaqaan roadmapka,heshiiska oo aay wada gaareen Puntland,Galmudug dowlada dhexe iyo Ala suna waljameeca ,hadaba Muqdishoo oo aheeyd hooyadii gogashii shirka miyeey mudneeyd in laga qadiyo meesha looga hadlayay masiirkii dalka ee berito ?? intaba waxaa aay tahay cadaalo daro xoog badan oo aanan marna loo dulqaadan karin,sow lama dhihi karo akristow Sheekh Shatriif cadaalo daro xoog badan ayeey ka tirsanayaan reer Muqdisho ka qadinta laga qadiyay ka qeeybgalka wada-tashiga masiirka dalka ee berito ?? lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso Garowe qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta,Muqdisho waxaa aay leedahay siyaasiyiin,aqoon yahayn,indheergarad cuqaal maxaa diiday in aay wax ku lahaadaan shirka wadatashiga?

    Arimaha dhaqaalaha Muqdisho

    Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso,hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ?? r/waasaha heebta uu ka soo jeedo 1% ma siiyaan dowlada dhexe,Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,canshuuraha dhawaan laga bilaabayo Muqdisho waxaa mudan in lagu horomariyo Muqdisho,dowlada dhexe waxaa quman in aay gobolada dalka si siman aay ugu cadaalo fasho, Wasiirka Beeraha Puntland ayaa heshiis la sixiixday wasiirka dowlada dhexe ee Beeraha sow cadaalo daro iyo hagardaamo cusub maaha,dhulii beeraha lahaa ee labada webi dadkii degenaa maxaa diiday in loo muujiyo waxqabad laguna heshiiyo horumarka Beeraha goboladaa,Shariif umada Somali waa aay arkeeysaa waxa aad u horseeday fadlan soo celi cadaalada iyo sinaanta umada Somali,haddii kale aduunyo iyo aaqiro beel ayeey kuu tahay waxa aad ku dhex jirtid.

    Qarka waxaan ka taaganahay Xareed waana qadayaaye, Qarashaan saxiixaa anigoo qabihi weeydiine. Qunbaan waardiyeeyaa ninkale Qaadada u sito, Qabuuraha waxaan ugu duwanahay qolofka muuqaa. ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo ku dhawaad 30 sanno) Shraiifow Qunbaad waardiyeeysaa ninkale Qaadada u sito haddii aay tahay fadalan shacabka waa ku arkaa.

  2. sctu

    Maxaad kala socotaa Qorshaha (RoadMap-ka)iyo Kulankii Muqdisho???

    Qorshahan(Road-Map-ka)oo baryahan hadal hayntiisu dhagaheena ku batey waa mid fikrad ahaan markiihore ka yimid kooxaha lugooyada ee loo yaqaano Beesha caalanka,dawlada kumeelgaarka ahna iyadoon aad uga fakarin masuuliyiinteeda sare aad usiibuunbuuniyeen,bale golaha baarlamaanku arimahaas mar horaba shaki ka muujiyeytaasoo u ekayd in(xeebtoodii lagu soo kubaareeyey).

    Waxaa lagubalamay in la hirgaliyo qorshahan(Road Map-ka) loo yaqaan balse waxaad moodaahalkii ay filaysay dawlada kumaalgaarku ineey talo ahaan xoog ku yeelato hadakalsoonidaasi ay yaraatey ,markii xaafiiska siyaasada qaramada midoobey eesoomaaliya loona yaqaan(Unipos) ay si toosa hirgelinta barnaamijkaas (RoadMap-ka) ay ula wareegtay.

    Arimahaanshakiga galiyey DKS waxay soo shaac baxdey markii xaafiiska(Unipos)ee qaramadamidoobay ay sameeyeen xulashadii ku aadanayd xubnaha Bulshada rayidka ah oo ugutirada badan dadka hawshan fulinaya aanay ka talagelin DKS,taasoo xaafiiska(Unipos) uu xubnahaas usoo xushay qaabka (4.5)ka loo yaqaan,shaqsi kasta ookamid ah xubnahaasna uu xaafiiska Unipos u sahlay fasiilitigii ay uga qayb galilahaayeen shirarkaas looga hadlayo arimaha(Road Map-ka),waxayna ku casuumeenineey goob jooga yaal ka noqdaan dawlada Kumeelgaarka ah ee soomaaliya iyomaamulada kala ah(Puntland iyo Gal-mudug iyo Ahlusunna waljameeca),waxuugudigaas soo diyaariyo oo ku aadan qorshaha (Road-map-kana) waxaa saxiixa ugudanbeeya dhanka soomaalida yeelan doona 5 xubnood oo kala ah masuuliyiinta sareee DkS,puntaland,gal-mudug,Ahlusuna waljameeca,iwm.Markaas kadibna beeshacaalamka oo dusha ka maamulaysa ayaa go,aanka ugu danbeeya yeelan doona.

    Shirkii ugu danbeeyey ee Mugdisho ka dhacayiyo is fahan la,aan abuurantey.

    Shirkii ugu danbeeyey ee mudisho ka dhacayeek u saabsanaa Qorshaha (Road Map-ka) waxaa xaqiiqo ah iney jirtey is fahanla,aan ka dhex abuurantey dawlada kumeelgaarka ah iyo xaafiiska(Unipos)oo uuhor boodo Amb-mahiiga,kadib markii dawlada ku meelgaarka ah ogaatey inaanaywaxba gacan ugu jirin kuna baraarugeen inaanay xubnihii Bulshada rayidka kasocdey oo ugu tirade badan gudigan soo diyaarinaya(Road-Map-ka) aanay DKS waxtalo ah la wadaagin kana soo horjeedaan damaaciga ah in(in xukuumada waqtikordhin loo sameeyo,iwm),taasoo xiriir la,aanta xubnaha bulshada rayidka ah iyoDKS loo fasiri karo inaanay dawlada ku meelgaarka ahi sida lagu soo xulabaaanay ka warqabin intooda badana waxbana ka ogeyn.

    Dawladakumeelgaarka ahi waxaa waagu ku baryey markii lasoo hordhigay qodobadii ay iskuraaceen gudigii Road Map-ku)soo diyaarinayey oo noqday intiisa badan mid aanayaad ugu qancin masuuliyiinta sare ee DKS,Qodabada laga hadlayey waxaa ka midahaa( 1-Security,2-Constition,3-political,4-goodgovernance)

    Inkastoo uujirey bulaan iyo hadal hayn socotay intuu shirku socdey kaasoo ku aadanaa inqorshahan Road-map ka ay afduubteen eragayga qaramada midoobay,maamulgoboleedka puntlan,kan Gal-mudug oo isku dhinac ahi,waxeeyse tahay xaqiiqadajirtaahi inaanay taasi sal iyo raad lahayn oo ay tahay warar ku tiri kuteenah,waxaase la hilmaamay in xubnahan diyaarinaya barnaamijkan ay yahiin xubno kumiisaaman qaabka (4.5ka) oon loo kala badnayn,balse su,aasha meesha tala waxaytahay qaabka loosoo diyaariyey ma yahay qaab lagala tashadey masuuliyiintasoomaaliyeed dawlad iyo maamul goboleedba inkastoo ayagu ku leeyahiin xubno ugaqayb galaya soo diyaarinta qorshaha (Raod Map-kan).

    Si kastaba ha ahaatee shirkii ugudanbeeyey ee looga hadlayey qorshaha Road-map ka loo yaqaano waxaa xaqiiqa ahinuu dawlada ku meelgaarka ah waagu ku baryey,Madaxweyne shariifna intii aanusaxiixin qodobadii halkaas kazoo baxay waxuu codsadey in la balaariyo waxnalagu daro xubnaha barnaamijkan soo diyaarinaya laguna soo biiriyo sida (Xubiniyo xeeb oo kale) iyo in golaha baarlamaanka lagu soo kobo 275 xildhibaan,maadamamaamuladii puntland,Gal-mudug,ahlusuna waljameeca,iyo bulshada rayidka ah eegudigaas ka tirsanaa aanu aad ugu kalsoonayn,waxaase jawaab mahiiga uga dhigaygo,aankaas waxaa iska leh diidmo iyo yeelidba(xubnaha bulshada rayidka ah eehawshan wada).

    Madaxweyneshariif waxay dantu ku qasabtey inuu saxiixo qodabadii shirkii mugdisho kazoobaxay iyadoon jawaab qancisa laga siin codsigiisii uu dalbadey oo ahaa ingudiga xubno dheeraad ah ama maamul goboleedyo aanu markii hore u jeedin uucodsadey in lagu kordhiyo si uu u abuurto is bahaysi taageero uu kahelo ooxubnahaan ka tirsan u badan bulshada rayidka ah ee Road-map-kan soodiyaarinaya.

    Waxaanognahay in golaha baarlamaanka oo juhdi badan kusoo bixiyey shaqadooda,kudhintay kuna dhaawacmay,kampala Accord-na uu afka ka xirey iyo inaanay isuimaan hadana (xeebtoodii yareyd lasoo kubaareeyey) ayaa laga yaabaa hada indawladii saas usoo gashay isku dan ay noqdaan kadib markii iyagoo dhanba lagadul baxay.

    Afhayeenkabaarlamaanka mudane Shariif sh xassan waxaa jira warar sheegaya inuu xiriirgaara la leeyahay Amb-mahiiga si looga taqaluso dawlada hada jirta oo ay iskuaragti taas ka yahiin taasoo sababtey in laga ilaaliyo in golaha baarlamankainaan loo furin albaabada golaha baarlamaanka si aan kulan arimahan ku saabsanlooga hadlin,balse hada waxaad moodaa tuhunka galay dawlada ku meelgaarkaxubnaheeda u sareeya eek u aadan qorshaha(Road-map-ka mr Mahiiga hormuudka u yahay saaxiibkishariif xassana aad ula dhacsan yahay,inuu isu soo dhawaasho ka dhex abuurantoxubnaha golaha baarlamaanka ee kacdoonsan hada iyo masuuliyiinta dawlada kumeelgaarka ah oo hada waagu u baryey.

    Iskusoo wadaduuboo xaalada soomaaliya waxay mareysaa hada(intii dawlada iyo baarlamaanka ahaydoo iyagii la isku mashquuliyo,dariskii oo usoo xayd xaydanaya duulaan ay kuqabsadaan dhulka soomaaliya,kooxaha afka duuban oo sababaya gacan gelintagayiga soomaaliya,soomaalidii oo cudurkii xumaa ee qabiilka weli la,ildaran.iyobeesha caalamka oo nagu wada maaweelo cidla ah iyo (qawda maqashii oo waxba hau qaban)Turkiga iyo reer galbeedka oo aad moodo loolankooda ku aadan soomaaliyaaanu dan noogu jirin,iwm,balse tan alle lagama quusto weligaa ee faraj qayrqaba allaha noo furo,

    Xusuusin-Qoramadan waxaan ka diyaariyey kadib markaan xog baarid badansameeyey lana yeeshay,siyaasiin,aqoonyahano,masuuliyiin dawlada ah,masuuliyiinbaarlamaanka ah,xaafiiska unipos xubno ka tirsan,markaan isu geeyey warbixintoodiiayaan kusoo koobay qormadaas oo ah xaqiiqada dhabtaa oo jirta,waxaana xataaisoo gaarey nuqulkii qodabadii kazoo baxay shirkaas oo ay ku saxiixan yahiinmadaxweyne shariif iyo mr Mahiiga xubno ay ugu sareeyaan,Taasoona isla halkan soo dhagi Karin daruufojira awgeed hadii loo baahdana waan soo bandhigi karaa,,

    Anbal kawardhawro kulanka ka dhici doona magaalada Garoowe ee maamul goboleedkaPuntland bishan aan ku jiro sagaalkeeda-09/12/11 kaasoo lagu lafa garidoono(Constition-ka ama dastuurka maadama uu kamid ahaa 4-tii qodob ooliishaanka la saarey,garoowana looga doodi doono qodobkan..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: