Gabagabadii shirkii Garoowe oo lagu go’aamiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu soo koobo 225 xildhibaan oo lagu soo xushay hab qabiil

Shirkii Garoowe oo soo gabagaboobey Sabtidii Dec 24, 2011 ayaa go’aamadii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo samaynayo June 2012, laguna soo doorto habka-qabiilka ee loo yaqaan 4.5, isla markaasna lagu soo koobo 225 xildhibaan.

Madaxweynaah DGPL waxa uu sheegay in sababta go’aankaas 4.5 ay u aqbaleen ay tahay in ay ugu turayaan madaxda ka timid Koonfurta oo qaabkaas mudada kusoo dhaqmayey. Waxana uu intaas raaciyey in aan hab qabsiga 4.5 lagu keeni karin dawlad.

Qodobadii ka soo baxay shirka akhri Halkan (English)

Shirka Garoowe oo Itoobiya goob joog ka ahayd waxaa go’aamadii ka soo baxay ku qornaa luqadda Ingriisiga saxiixay: Sh. Shariif Sh Axmed (Madaxweynaha DFKMG), Shariif Xasan (oo ku saxiixay in uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG), C/weli Gaas (ra’iisul wasaaraha DFKMG), C/raxmaan Faroole (Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland), Maxamed Caalim (Madaxweynaah Maamul goboleedka galmudug), Sheikh Maxamed (oo matalayey Ahlu sunna) iyo ergey ka socdey QM.

Warbixin: Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed Garoowe oo la soo gabagabeeyey

Waxaa goor dhow Magaaladda Garoowe lagu soo gabagabeeyey Shirkii Wadatashiga Soomaaliyeed Wajigiisii 3-aad Waxaana la isku afgartey qodobadii Caqabadaha ku noqdey shirkii waxaana ka mid ahaa Qododbadii lagu heshiyey in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu noqdo 225 Xubnood kuwaas oo lagu soo xuli doono Aqoon iyo karti , waxaa kaloo lagu heshiiyey in Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qaybsado 4.5 hese yeeshee waxaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole uu sheegey in dhinacooda ay ku soo xuli doonaan qaab Goboleysi ah.

Bisha Ogoosto ee Sannadka soo socda ayaa la soo xuli doonaa Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo islmarkaana la dooran doonaa Madaxweynaha , waxayna Dowladda soo soo socota ay shaqeyn doonto muddo Afara Sanno ah sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in Hanaanka 4.5 laga gudbo marka wadanka ay ka dhacdo doorsho Xor ah

Maalintii oo Jimcaha ahayd ayaa la filayay in gebi ahaanba la soo af jaro Shirkii wada Tashiga Soomaaliyeed Wejigiisa Labaad ee ka dhacayay Magaalada Garoowe oo ah Magaala madaxda Maamulka PuntLand.

Qodobadii shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahayd wax ka bedelka Tirada Xildhibaanka Baarlamanka ee haatan jira iyadoona la isla gartay in Tirada Xildhibaanada laga dhigo 275 Xildhibaan.

Shirka ayaa shalay la filayay gaba gabadiisa in laga soo saaro war murtiyeed ha yeeshee arrintaa waxaa lugta qabtay khilaaf ka dhex aloosamay dhinacyadii shirku u socday.

Khilaafka ugu xooggan ayaa waxaa uu ka dhashay qaabkii Xildhibaanadaas loo soo xuli lahaa, Ciddii soo xuli lahayd iyo habkii wax lagu qaybsan lahaa taasoo keentay in war murtiyeedkii la qori lahaa uu dib u dhac ku yimaado.

Halka ay sartu ka qurunsan tahay ayaa waxaa ay tahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka PuntaLand Cabdiraxmaan Faroole oo soo jeediyay in wax lagu qaybsado hanaanka degmooyinka iyo Gobolada halka aragti taa ka duwana ay leedahay waa in wax lagu qaybsado hanaanka 4.5ka taasoo la isku diidan yahay.

Hanaanka degmo ku qaybsiga ayaa waxaa ka soo hor jeeda xubno ka mid ah ka qayb galaysha shirka iyagoona sheegaya in si ku meel gaar ah Tirada lagu qaybsado Hanaankii ay ku dhisneyd Dawladdan Federaalka Sioomaaliya ee ku meel gaarka ah kaasoo ah Habka Afar Dhibic Shan.

Caqabadahan ayaa noqday in shirkuba u mudo inuu dheeliyo ka gadaal markii wufuuddii ka socotay Maamul goboleedka PuntaLand iyo ahlu sunna ay arrinta ula muuqatay mid aan iyaga tix gerlinba meesha ku haysan.

Kulamo Gooni Gooni ah ayaa illaa xalay ka soconayay gudaha Magaalada Garoowe iyadoona la isku dayay sidii wax looga qaban lahaa is faham la’aanta u dhaxaysa Kooxaha Soomaalida.

In kastoo khilaafka meesha ka jira u muuqanayo mid adag ayaa haddana wararka ugu danbeeya ee halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in shirka gebi ahaanba manta gelinka Dambe la soo gaba gabayn doono isla markaana laga soo saari doono war murtiyeed ay wada saxiixaan xubnaha ka soo qayb galay Shirka Garoowe.

Warka ayaa intaa waxaa uu ku darayaa in Madaxweyne Faroole uu si aad ah ugu adakaysanayo sidii loo qaadan lahaa hanaanka wax ku qaybsiga Degmooyinka iyo Gobolada.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.