Dadka reer xamarka ama Banaadiriga ka xumaadeen ama ay ka soo horjeedaan waxa loogu yeero 4.5(Daawo Muuqaalkaan)

Dadka reer xamarka ama Banaadiriga ah ayaa waxaa la sheegay inay ka xumaadeen ama ay ka soo horjeedaan waxa loogu yeero 4.5 oo ah hab dhaqan wax wada qeybsiga ee ay ku saleysan tahay siyaasada Soomaalida ayagoona sheegay inay jeclaan lahaayeen inay la kulmaan qofkii alifay habkaas si ay wax uga weydiiyaan.

Maxamed Shariif Aboow oo ka mid ah qowmiyadaas reer Banaadiriga oo dhawaantaan arintaas ka hadlay ayaa waxaa uu si kaftan iyo qosol leh uu uga sheekeeyey habkaas oo uuna ku tilmaamey mid ah wax lala yaabo islamarkaana ay tahay arin aan la fahmi karin in dadka qaarkiis lagu tilmaamo inay yihiin dad haaf ama nus ah oo aan dhamayn marka loo fiiriyo dadka kale ee Soomaalida ah, ninkaas oo ka sheekeeyey qiysooyin dhab ah ayaa waxaa uu ku saleeyey sida ay Soomaalidu u xaqireen xaquuqda dadkaas banaadiriga.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii uu habkaas wax ku qeybsiga ee 4.5 uu yahay mid uu mar kasta muran badan ka taagan yahay iyadoona kii ugu dembeeyey uu ahaa shirkii wadatashia ee dhawaantaan lagu qabtey magaaladas Garoowe oo ay madaxdii shirkaas isku mariyeen qodobkaas taas oo keentay inuu dib u dhac ku yimaado shirkaas ayaa hadana waxaad moodaa inkastoo ay Soomaalida badankeed ay u muqdaan kuwo ka soo horjeedo habkaas 4.5 inay hadan markii ay timaado in la badelo habkaas ay dib u gurasho sameeyaan ayagoo ku saleynaayo diidmadooda inysan jirin hab kale oo kaas ka wanaagsaan oo wax loogu qeybin karo Soomaalida.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: