MOOSHIN XIL KA QAADIS MADAXWEYNAHA JFS EE KU SALEYSAN FALAL IYO XADGUDUBYO CULUS

image

Waa tallaabo xaq

Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Muqdisho
Ujeeddo: Mooshin Xil Ka Qaadis Madaxweynaha JFS ee ku Saleysan Falal iyo Xadgudubyo Culus oo Lid ku ah Qarannimda, Shuruucda Dalka iyo Dastuurka.

Mudane Guddoomiye,

Soomaaliya AstaanAnnagoo ah Xildhibaannada ay magacyadooda iyo saxiixooda ku lifaaqanyihiin Mooshinkan, waxaan si xushmad iyo qaddarin ku dheehan tahay kuugu soo gudbineynaa mooshinka kor ku xusan oo ujeeddadiisu tahay XIL KA QAADIS Madaxweyne si waafaqsan Qodobka 92aad faqradihiisa 1aad iyo 2aad.

1. Markaan aragnay Qodobka 87aad farqadihiisa 1aad iyo 2 aad oo qeexaysa in uu Madaxweynaha Federaalka Soomaalyia uu yahay astaantii midnimada ee waddanka, ilaaliyaha iyo hore-u-mariyaha Dastuurka waddanka, islamrakaasna lagu amraayo isla qodobkaas inuu waajibaadkiisa dowladnimo u gutto si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka;

2. Markaan aragnay in uu Madaxweeynahu garab maray Dastuurkii iyo Shurucdii dalka, kuna xad gudbay mabaadii’dii asaasiga aheyd oo umadda Soomaaliyeed kuwada heshiisay, si carqaladda siyaasadeed iyo nabad la’aanta looga baxo.

3. Markaan aragnay musuqmaasuqa uu Madaxweeynaha xalaalaystay oo caada ka dhigtay dhowrkii sano ee la soo gudbay, kuwaas oo saameeyn xun ku yeeshay dhaqaalaha waddanka, nolosha khaaska ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, siiba “Ciidamada Qalabka Sida” iyo dadka saboolka ah.

4. Markaan aragnay inuu kalsoonida ummadda Soomaaliyeed iyo Beessha Caalamkaba lumiyay; taas oo sababtay in dhaqaalihii kabka miisaaniyadda Xukuumada dhammaan la goostay;

5. Markii ay naga soo gaartay shacabka Soomliyeed cabashooyin fara badan oo ku aaddan ku xadgudub xuquuqul insaanka umadda Soomaaliyeed, oo isugu jira dil, xarig iyo xasuuq, falalkaas oo dhan waxay ka hor imaanayaan Cutubka 2aad ee Dastuurka oo xusaya Mabaa’diida Asaasiga ah ee Xuquuqul-Isaanka;

6. Markaan garawsanay in uu Ra’iisul Wasaarayaashii uu Madaxweynaha soo magacaabay saddexdii sano ee la soo dhaafay aysan hirgalin howlihii Dastuuriga ahaa oo lagu wada heshiiyay, sida ku xusan Cutubka.10aad ee Dastuurka, ay sababtay faragelintiisa;

7. Markaan aragnay Qod. 92aad Faq. (1) ee Dastuurka JFS ee tilmaamaya Xil ka Qaadista Madaxweynaha JFS, una qoran sida soo socota: “Xil ka qaadista Madaxweynaha JFS waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano qaran, xadgudub culus oo dastuuri ah, ama ku xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

8. Markaan tixgelinay tilmaamaha isla Qod. 92 aad Faq. (2 aad) ee qeexaya soo jeedinta (Mooshin) Xil Ka Qaadista Madaxweynaha JFS, kaasoo sheegaya in Mooshinka Xil Ka Qaadista Madaxweynaha JFS ay Golaha Shacabka hor keeni karaana ugu yaraan saddex dalool mid (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed,.

Haddaba, iyadoo la cuskanayo qodobbada kor ku xusan ee qeexaya awoodda ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u leeyihiin in ay Madaxweynaha xilka ka qaadi karaan iyo dariiqada loo marayo, ayaa waxay hoos ku soo bandhigayaan sababo Dastuuri/sharci ah ee saldhigga u ah soo jeedinta Mooshinka ku wajahan Xil ka Qaadista Madaxweynaha JFS Madaweeyne Mudane Xasan Sheihk Maxamuud, waxaana lagu eedeynayaa falalka hoos ku qoran:

1. XAD-GUDUBYO CLUS OO LID KU AH DASTUURKA:

1. Madaxweynuhu wuxuu soo saaray Xeer Ciqaabeed oo loogu magac daray Ciqaab ku kordhin xeerka Amniga Guud ee Qaranka, kaaso lagu soo daabacay Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Lr. 7,Sannadka 2aad, Muqdisho, 30kii Maarso 2014. Xeerkan oo 6 qodob ka kooban ayaa waxaa ku saxiixan wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka, Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sharcigaa Qodobaddiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee xeerkan waxay amrayaan in DIL TOOGASHO ah oo lagu fuliyo xubnaha ciidamada iyo muwaadiniinta kale iyadoo ay dacwadda qaadeyso Maxkamadda Ciidanka.Sida muuqata, Madaxweynuhu wuxuu si bareer ah Xadgudub Cuslus ugu sameeyey Dastuurka markii uu soo saaray xeer ama sharci ciqaabeed dil toogasho ah oo aanay ansixin Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Awoodda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha waxay si cad ugu qeexantahay Qod. 90aad oo ka kooban 17 Faqradood. Faqradda (f) ayaa si cad u qeexeysa marka uu Madaxweynuhu saxiixi karo ama soo saari karo xeer ama sharci. Waxay Faqraddu u qorantahay sidatan: “Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansaxiyo Barlamaanka Federaalka, si sharci looga dhigo.”

Haddaba, Madaxweynuhu wuxuu si bareer ah u jebiyey Qodob Dastuuri ah isagoo soo saaray xeer aan Golaha Shacabka soo marsiin, ansaxinna kaasoo lagu dilay muwadidiin badan oo ay ku jiraan kuwa aan qaangaar ahayn. Dhaqanka Madaxweynuhu wuxuu u egyahay mid kali talis ah oo doonaya in uu dalka ku xukumo Dikreeto, isagoo baal maray Dastuurka iyo sharuucda dalka u deggen. Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu wuxuu u bareeray jebinta Qodob Dastuuri ah kaasoo uu xilkiisa ku waayi karo. Haddii lagu helo.

2. In uu Madaxweynaha ku fashilmay in uu dhabarka u rito xilkiisa ilaaliyenimo iyo horumarinta mabaa’diida aasaasiga ah ee Dastuurka sida ku cad Qod. 87aad Faqradiisa 1, xarafka (c) oo tilmaamaya in Madaxweynuhu yahay: “Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaa’diida aasaasiga ah ee Dastuurka” oo looga baahnaa in uu dhowro sida ku cad Qod. 3aad ee Dastuurku tilmaamayo, siiba Faq. 4 aad ee Qodobkan oo waajibineysa in la dhowro dastuuriyan mabaa’diida aasaasiga ah ee ku qotonta “Caddaaladda, xukuumad loo dhanyahay oo ku dhisan wada tashi, kala oocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka madax bannaan iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaysa danaha dadweynaha.”

3. Madaxweynuhu wuxuu jebiyey Qodobka 97 aad aad Faqradiisa 1aad iyadoo uu faragelin joogta ah ku hayo Laanta Fulinta, awooddana uu ku qabsaday Ra’isul Wasaarayaashii uu soo magacaabay 3dii sano oo lasoo dhaafay taasoo caqabad ku noqotay in xukuumaddu hanato waajibaadkeeda Dastuuriga ah, abuurtayna dib u dhac iyo waqti lumis badan. Tan iyo markii uu magacaabay Ra’iisul Wasaarihii ugu horreyey, Madaxweynuhu wuxuu caaddeystay in uu xayuubsado awoodihii Dastuuriga ahaa ee ay Laanta Fulinta (xukuumadda), iyo awoodihii u gaarka ahaa Ra’iisul Wasaareyaasha, taasoo ka hor imaaneeysa Qod. 97 aad Faqradaha (1), (2), (3) iyo (4) oo qeexaya awoodaha Laanta Fulinta, siiba faqradda 1aad oo oraneysa: “Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka waxaa leh Golaha Wasiirada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaamaan.”

4. Laga Billaabo bishii Oktoobar 2012ka, Madaxweynaha wuxuu si maldahan ugu abuurtay Madaxtooyada unug loo yiqiin (Policy Unit) una qaabilsanaa arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo bulshada, kuwaasoo la wareegay awooddii xukuumadda noqdayna talis barbar orda, kana awood batay xukuumaddii Dastuuriga ahayd; hawshooduna ka baxsantahay la socodka caadiga ah ee maamulka guud ee dalka. Arrintani waxay dhalisay fashilaad siyaasadeed oo dhinac walba leh, abuurtayna jahawareer, iska horimaadiyo iyo gudasho la’aan waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee Xukuumadda loo igmaday. Dhaqankan ku xadgubka Dastuurka wuxuu abuuray dhibaatooyinka soo socda:

I. In dalku lahaan waayo Xukuumado xasilan, wax qabadka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladdana ay wiiqmaan, lana curyaamiyay;

II. In lagu guuldarreystay maamul u sameynta Gobollada iyo Degmooyinka laga xoreeyey Al Shabaab, lana lumiyey taageerada iyo kalsoonida muwaadiniinta gobolladaas iyo degmooyinkaas wada dega;

III. Madaxweynaha dalku isagoo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida (Commander In Chief), in uu amnigii guud ee dalka faraha ka baxo, mushar la’aan, daryeel xumi ciidan iyo nidaam darro awgeed; taasi waxay si joogto ah u keentay in ciidamadu gaajo iyo mooral xumo ay amar diiddo keenaan, goobo dagaalna ay iskaga soo baxaan ama ay iyaguba iska horyimaadaan;

IV. In ciidamadii Madaxtooyadu ay si bareer ah u laayeen Xildhabaanno Qaran, isla markaasna si bareer ah Madaxtooyadu u difaacdo ciidamadaas falka gurracan geystay, taas oo dhiirri galinaysa in Xildhibaano kale la laayo;

V. In lagu guuldarreystay dejinta shuruucdii Dastuuriga ahayd iyo dhismihii Guddiyada Madax Bannaan ee Dastuurku farayey;

VI. In uu xoogeystay musuqmaasuqa iyo ku takrifalid baaxad leh oo argagax ku riday shacabka sida arxandarrada ah ee Hantida Qaranka loo kala boobayo, si ula kac ahna loo dhisi waayey nidaam maamuleed oo hufan oo ilaaliya dhaqaalaha dalka;

VII. In lagu guuldarraystay dhismaha hay’daha dhaqaalaha sida Bangi Dhexe oo shaqeeya iyo hay’adihii kaabayaasha dhaqaalaha dalka ;

VIII. In lagu guuldarreystay geedi socodkii Hiigsiga 2016, lana dejin waayay shuruucdii iyo weliba hay’adihii gaarsiin lahaa himiladii laga lahaa Hiigsiga 2016;

IX. In awood tooxsiga Madaxweynahu wado ay keentay in ay hay’adihii adeegga bulshada curyaamaan, shacabkana hami jab ku dhaco;

X. In Madaxweeynuhu caadeystay faragelita Garsoorka, taasoo ka horimaneysa madax bannaanida hay’adda Garsoorka, sida ku xusan Qod. 105aad iyo 106aad ee Dastuurka;

XI. In Madaxweynuhu saxiixay Sharci Lam 28 ee ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dawladda, Taariikhda 08.07. 2014, kaa soo ka hor imaanaya Qod. 87aad Faqradiisa (1), Xarafkiisa (c) ee Dastuurka;

5. Caddeymaha faraha badan in uu Madaxwenaha xadgudub culus ku sameeyey Dastuurka, maroorsadayna awoodihii hay’adaha Fulinta, waxaa caddeyn u ah warqadda uu u qoray Bangiga Dhexe iyo Adeegga Xisaabaadka Dowliga ah ee Bangiga Keydka Federaalka ee New York, 33 Liberty Street, New York, New York 10045. Wuxuu Madaxweynaha si toos ah warqad taariikhdeedu tahay 23/10/2013 ugu qoray gabadh magaceedu la yiraahdo Ms. Catherine M. Lomax oo ah Madaxa Adeegga iyo Hawlaha Xisaabta (Account Relations and Services) isagoo ka codsanaya in hantida dowladda Soomaaliyeed u taalla Bangiga Dhexe inta ay la-egtahay loo sheego ka dibna lagu soo wareejiyo isagoo isa siiyey awoodda abashada, Ilaalinta, iyo Bixinta dhammaan hantida Bangiga Dhexe ee oomaaliya u taalla Bangiga Keydka ee New York.

Awoodaha Madaxweynaha ee ku xusan Qod. 90 aad ee Dastuurka ma jirto meel ay uga qoran tahay in uu Madaxweynuhu maamulka Xukuumadda faraha la geli karo iyo in uu hay’ado shisheeye la xiriiri karo ama la macaamiltami karo. Taasoo ka dhigeysa in Madaxweynuhu si bareer ah u jebiyey Dastuurka isagoo awooddii Bangiga Dhexe ee Soomaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda maroorsaday.

6. Madaxweynuhu wuxuu dalka dib ugu celiyay marxaladdii ku meelgaarka ahayd ee aan ka soo baxnay 2012, wuxuu maqaamkii Madaxweynimada hoos ugu dhigay heer uu Safiiro si siman ula saxiixdo dokumenti tilmaamaya masiirka dalka, taasoo ay u dambaysay tii uu la saxiixday Nicholas Kay oo Madaxweynuhu ku tilmaaman yahay La-Guddoomiye. Taas oo ka soo horjeeda waxna u dhimeysa haybadda Qarannimo sida ku cad Cutubka 1aad ee Dastuurka.

7. In uu la yimid dhaqammo lid ku ah wadajirka bulshada iyo mideynta codka rabitaanka siyaasadeed ee qaybaha kala duwan ee shacabka si looga gudbo marxaladaha adag ee uu dalku ku suganyahay, taasoo khilaafsan kaalintii haansha Astaanta Midnimada Ummadda sida uu tilmaamayo Qod. 87 aad Faq. 1. Xar. (b) ee Dastuurka JFS ee waajib uga dhigeysa had iyo jeer in uu ku shaqeeyo; tusaale ahaan, Madaxweynaha gobol ama tuulo uu xiriir la leeyahay ma jirto, waxaana jira tuhumo badan oo isoo taraya oo sheegaya in colaad badan oo ka taagan beelo Soomaaliyeed ay sabab u tahay siyaasad xumada Madaxweynaha.

8. Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in awoodaha sharciyadda ee Madaxweynuhu isa siiyey ee kor ku xusan aysan ka mid ahayn awoodaha Madaxweynha uu dastuuriyan leeyahay ee ku cad Qod. 90aad, Xarfaha a, b, c, d, e, f, g, h, I, j, k, l, m, n, o, p iyo q. ee Dastuurka, kuwaasoo si cad u qeexaya una soo koobaya awoodaha Madaxweynaha si aan mugdi ku jirin, ka tallaabsigooduna yahay xadgudub culus ee lagu sameeyay Dastuurka; Sababeynta kor ku xusan waxay dhammantood sugayaan in Madaxweynuhu ku XADGUDBAY Sarreynta Dastuurka iyo shuruucda dalka una hoggaansami waayay Qod. 4aad, Faq. (1), oo u qoran sida soo socota: “Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansameysaa, wuxuuna hagayaa hal abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dowladda oo dhan.”

2. KHIYAANO QARAN IYO MUSUQMAASUQ:

Madaxweynahu wuxuu si bareer ah ugu dhaqamay khiyaano Qaran iyo Mususmaasuq, isagoo shirkado ajnabi ah la galay mucaahadooyin caalami ah, isagoon kala tashan Golaha Fulinta iyo Golaha shacabka sida sharciga ku qeexaan:

1. Taariikhdu markay ahayd 15 Agoosto, 2013 Madaxweynaha iyo xulafadiisa waxay heshiis la saxiixdeen shirakad shidaal oo la yiraahdo Soma Oil & Gas oo la ogyahay in lagu aasaasay si mususqmaasuq ah, haddana dalka Ingiriiska looga hayo baaris dambiyadeed iyadoo lagu tuhunsan yahay iney musuqmaasuq Somalia ka sameeysay. Waxaa intaa dheer in shirkaddaas ay Madaxweeynaha iyo/ama asxaabtiisa ay shirkaddaan ka qaateen laaluush.

2. Taariikhdu markay ahayd 14 October, 2013 Dakadda Xamar waxaa lagu wareejiyay shirkad Turki ah oo la yiraahdo Albayrak Turizm Insaat Ticaret, iyadoo la iska dhega tiray go’aankii Golaha Shacabka ee lagu joojiyay heshiiskaas.

3. Taariikhdu markay ahayd 30 Juun, 2013, Madaarka (Airport) caalamiga ah ee Adan Abdulle Osman, waxaa lagu wareejiyay shirkadda FAVORI iyadoo aan loo marin shuruucdii dalka u taalay. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweeynuhu culays ku saaray Xukuumada in la quursado go’aankii Barlamaanka ee farayay in wax laga bedelo habraacii loo maray heshiiska lana waafajiyo sharciga.

4. Taariikhdu markay ahayd 25 Luulyo, 2013, in Madaxweeynaha iyo Wasiirkii Khayraadka ay la galeen mucaahado Shirkad Ingiriis ah oo la yiraahdo Somalia FishGuard Ltd oo ay leeyihiin saraakiil hawlgab ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, Axdigaas oo loogu saxiixay FishGurad kheyraadka badda Somaliyeed. Mucaahadaanna lagama war galin Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka. Ilaa hadda lama hayo wax dakhli ah oo shirkaddan soo galisay Dawladda Soomaaliya.

3. HOGAAMIN XUMO XAGGA AMNIGA IYO XADGUDUBYO LID KU SHURUUCDA DALKA

Xadgudubyaasi culus iyo khiyaanadaa waxay sababeen iney dhacdo hoggaanxumo xagga amniga oo ku jiraan kuna koobneyn: 1. Sida ku cad qodobka 90aad, faqraddiisa (b), Madaxweeynahu waa Taliyah Guud ee Ciidanka Qaranka, waxaana xil ka saaran yahay aminga dalka. Talo xumada Madaxweeynaha awgeed, waxaa aad u sii wiiqmay amniga dalka labadii sano ee lasoo dhaafay, taaso ay u muuqato in dib loogu noqday marxaladdii dalku ku jiray ee ku meelgaarka ama meel ka hoosaysa.

2. Waxaa xusid mudan in talo xumada Madaxweynaha, mususqmaasuqa baahsan ay keentay in mushaarkii iyo gunnadii ciidanka lasiin waayo muddo 5 bilood ah, taasna ay keentay kalsooni xumo ku timid Ciidamada Qalabka sida, ayna kaliftay inay qaarkood isaga baxaan aaggaggii ay difaaca uga jireen.

3. Madaxweynuhu wuxuu ku fashilmay in la abuuro ciidan Qaran oo midaysan taasoo kaliftay in si joogta ah amniga dalka uu ku tiirsanaado AMISOM, ayadoo aysan muuqan goorta Dawladdu ka kaaftoomi doonto xooggaga shisheeye.

4. Wuxuu Madaxweynahu, siyaasad xumo awgeed jabiyay heshiisyo amni oo ay Dawladdu la gashay xulufadeeda siyaasadeed sida Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo quwad fiican ka ahayd ka saaridda Alshabaab Gobollada Dhexe.

GUNAANAD:

Xildhibaannadu, waxay soo jeedinayaan, iyagoo isticmaalaya awoodaha uu siinayo Qod. 92aad Faq. (1 aad) ee Dastuurka, in:

1. Madaxweynaha xilka laga qaado, maadaama ay caddahay in uu galay xadgudubyo culus oo Dastuuri ah, sida ku xusan bandhigista iyo sababeynta Dastuuriga ah ee kor ku taxan;

2. Xildhibaannadu waxay soo jeedinta Mooshinka sal uga dhigayaan Qod.69 aad Xarafkiisa (f).

3. Madaxweynaha halkii uu ka noqon lahaa dhowraha iyo ilaaliyaha sare ee Dastuurka, waxaa muuqata inuu ku dhaqaaqay kooxeysi hoos ka xisbiyeysan ama danwadaag maslaxad gaar ahaaneed wadata oo Dastuurka iyo sharcigaba khilaafsan; taasoo uu ka dhigtay xeyn daab uu keligii maamulo, kuna bedeshay xukuumaddii sharciga ahayd, halkii uu talo wadaag ballaaraan uu ka dhiiri gelin lahaa, si isku duubni taabo gal ah loo helo oo lagu samatabixiyo dalka, awoodaha hay’adaha dowladeed ee qarankana ku badbaadi lahaayeen, la xisaabtankooduna u fududaan lahaa. Dhaqankan wuxuu khilaafsanyahay Faq. 3aad ee Qod.22aad iyo Qod. 47aad ee Dastuurka.

4. Marka loo leexdo dhanka tuhmooyinka ku takrifallida hantida dadweyne, musuqmaasuq, awood tooxsi ee ku saabsan falal dambiyeedka noocyadaan oo kale ah, Xildhibaannadu waxay ka dalbayaan Hanti Dhowraha Guud in uu soo baaro, ka dibna u gudbiyo eedeymahan tuhunka leh, ka dib markuu xaqiiqsado si loogu maxkamadeeyo.

5. Xildhibaannadu waxay mooshinka u soo gudbinayaan Guddoonka Barlamaanka ka dib markii ay xaqiijiyeen in uu waafaqsanyahay Qod.92 aad Faqradda 2aad ee Dastuurka; waxayna ka dalbanayaan in sida ugu dhaqsiiyaha badan uu u horgeeyaan Golaha Shacabka.

6. Xildhibaannadu waxay soo jeedinayaan in la laalo awoodaha Madaxweynaha ee ku xusan Qod. 90aad xarafihiisa a, c, d, e, j, k, l, iyo o ee Dastuurka.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Source: Freedom For Right 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: