Guddiga Dastuurka Baarlamaanka: “Mahiga ayaa caqabadda koowaad ku ah meel marinta dastuur loo sameeyo dalka”

Guddiga Dastuurka Baarlamaanka: “Mahiga ayaa caqabadda koowaad ku ah meel marinta dastuur loo sameeyo dalka”

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay markii ugu horeysay kulan ay isugu yimaadeen 36-Mudane oo qaabilsan dastuur u sameynta dalka, waxaana kulankaasi ay uga hadleen caqabado hortaagan dardar howlaha dastuur uu dalku yeesho.

Guddoomiyaha guddiga dastuur u sameynta wadanka Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay go’aanadii ka soo baxay shirkooda, wuxuuna ka hadlay caqabadda hortaagan in dastuurka soo qoreen loo gudbiyo shacabka Soomaaliyeed uu yahay Shariif Xasan iyo ergeyga QM Ambassador Mahiga.

Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu faragelin ku hayo howlaha guddiga dastuurka, isagoona sheegay in arrimo aanu shaqo ku lahayn uu ku guda jiro oo ku aadan dastuurka dalka loo sameynayo, waxa uu sheegay C/qaadir Sheekh Ismaaciil inay soo diyaariyeen daraaft isla markaana ay dhexdooda ka soo xuleen guddi arrimahaasi ku howlan si uu u gaarsiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Guddoomiyaha dastuur u sameynta dalka ayaa eedeyn u jeediyay ergeyga QM ee Soomaaliya Ambassador isagoona ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay marin habaabinta xalka siyaasadda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay ugu wacan tahay sida uu Mahiga u doonayo in mushkilada Soomaaliya.

“Mahiga ayaa caqabadda koowaad ku ah meel marinta dastuur loo sameeyo dalka” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo sheegay Mahiga uu wado qorshe ka dhan sidii dalka looga hirgelin lahaa isla markaana Soomaalida uu ku jaha wareerinayo shirar aan wax dan ah ugu jirin dadka iyo dalka, balse isagu ku doonayo oo inuu jeebka ku dhubto kharajka ku baxaya shirka oo Qaramada Midoobay bixineyso.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: