Wasiiradaan Lagu Dhawaaqay Hadeyba Dhasheenee Maxaa Loo Dhaliilayaa…

imageMomentUnion -Iyadoo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay si weyn looga dhur-sugaayay ku dhawaaqista golaha cusub ee wasiiradda Dawladda Federaalka ayaa xalay waxaa si rsmi ah loo shaaciyay masuuliyiintii noqotay wasiiradda cusub ee soo bandhigistooda loo xiisaha qabay.

20-ka Xubnood ee nasiibka u helay inay qaataan magaca la wada jecel yahay ee WASIIR ayaa waxay u muuqdaan marka aad eegto Taariikhdooda, Aqoontooda, Bisaylkooda, Xilkasnimadooda,iyo Hufnaantooda inay yihiin rag iyo dumar u qalma inay hantaan xilalka lagu aaminay, waxaana haboon in gacmo furan lagu soo dhaweeyo wasiiradaan cusub ee nasiibkoodu u ogolaaday inay ka mid ahaadaan Golaha Fulinta ee xukuumadda 3-aad ee Dawladda Soomaaliya.
Dawladnimadu waa koob ama bakeeri ay ku jiraan biyo aad u macaan isla markaana ad u qaboow cid walbaana ay u ooman tahay inay cabto, waxaana laga wada dharagsan yahay inaanu ruux kastaa noqonaynin wasiir balse ay dadkoo dhami ay matalayaan in kooban oo la doorto, sidaasi awgeed waxaa wanaagsan oo dadnimadu iyo ilbaxnimadu ay ku jirtaa in ruux walba oo darajo la huwiyo in la taageero isla markaan la sharfo, iyadoo lagu mamuusayo masuuliaydda la saaray, ogowna shaqsi kastaa oo soomaali ah waxuu jecel yahay in la ixtiraamo, magaciisa kor loo qaad-qaado, fadhiga looga kaco, la yiraahdo wasiirkeenii, mudane, masuul, ugaas, dattore, halyeey, iwm, sidaasoo kale wasiiradaan xalay la soo bandhigay miyaaney inaga mudnayn sida aan u xiiseyneyno in naloo qadariyo in iyana ay u baahan u yihiin in loo xushmeeyo.
Nasiib daro tan iyo intii xalay ka dambaysay magacaabista wasiiradann waxaa soo if baxaayay dhaliilo, eedo, iyo cambaareyno loo jeedinaayay aqyaartaan wasiiradda noqotay, iyadoo ceebaha wasiiradaasina lagu soo bandhigaayay Baraha Warbaaahinta Bulshada ee loo yaqaano (Social Media) iyo web-page-yada ay Soomalidu leedahay, waxaana inta badan laga dha-dhansanayaa xumaanta loo yeelayo wasiiradaan inay yihiin eedo TABAL ah oo u badan waxba kama jiraan la buun-buuninaayo.
La yaab ma leh Soomaalidu intooda badani waa u caado inay si Anshax daro ah wax kastaa isaga eedeeyaaan, waxaana mid walba oo inaga mid la gudboon inuu xasuusnaado in Hadlaku ama Qoraalka la qorayo uu yahay Masuuliyad ama Amaano lagama maarmaan ay tahay in loo guto sida ugu quruxda badan, sidaasi daraadeed waxaan qirayaa in wasiiradaan la soo dhisay in aaney inteena badan ee baraha bulshada ku kulanta inaga helin xushmadii ay inaga mudnaaayeen ee ahayd inaan ugu Duceyno sidii uu ALLE ugu fududeyn lahaa xilka iyo inaan ku biirino waxii Tallo ah oo aan la wadaagi karno.
Waa suura gal in raga iyo gabdhaha la magaabay ay dhaliilo lahaan karan, laakiin waxaa nala gudboon inan ogaano dadkaan la doortay inay yihiin bani,aadam anagoo kale ah, mana jiryo qof dhamystiran, cid walbaana waxay leedaahay nusqaan iyo iin u gaar ah, haddaba miyaaney ahayn inaan fursad siino masuuliyiintaan lagu dhawaaqay, si aan u hubsano waxqabadkooda oo Dhaliil ama Amaan yeeelan doona midkood.
Si loo gaaro Hiigsiga 2016-ka ee la doonayo inay dhacdo doorasho ku dhisan qof iyo cod (one man-one vote), waxaan dhihi lahaa aan iska ilowno waxii tagay oo xumaan ah, si aan u hiigsano helitanka mustaqbal fiican oo loo aayo,waxaana ku kalsoon ahay in markaan uu paarlamaanku ansaxin doono wasiiradaan cusub, maadaama ay ka madax banaan yihiin khilaafyadii hareeyay mudooyinkaan dambe Siyaasadda Soomaaliya.
Guntii iyo gab-gabdii waxaan jeclaan laahaa inaan hoostaa ka xariiqo inaan dhaliisha macnadarada ku dhisan ee wax bur-burinaysa aan ku badalno toosin qaran, rajo beelka aan muujimaynana aan dhaafsano yidiidlo Ummaddeed, Beenta la qoraayana la siisto Run aan ku raaxaysan karno, jir-naceybkana aan ku badalano Soomaalinimo, iyadaa na wada kaafin kartee.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: