Garabka Madoobe Nunow oo ku baaqay in Dr Mahiiga si dag dag ah dalka looga ceyriyo

March 7, 2012 (Moment Media Grop) – Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta kullan balaaran ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho, waxaana kullankaan hogaaminaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed, kaasoo ay inta badan Xildhibaanada u doorteen in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxay si weyn ay uga caroodeen hadalkii ka soo yeeray Dr Augustine Mahiga, ee uu ku sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay ku jiraan sida uu yiri rag qaswadayaal ah.

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in Dr Augustine Mahiga uu ku dhaqmaayo wax yaabo aanu shaqadiisa ahayn, isla-markaana waxay sheegeen inaan loo-dul qaadan kareyn hab-dhqankiisa, oo ay ku macneeyeen mid aanu wanaagsaneyn.

Xildhibaan Daahir Qaadir Ciro oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, oo kullanka ka hadlay, ayaa wuxuu si weyn uu u weeraray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga.

“Wax loo-dul qaadan karo maaha in Augustine Mahiga uu aflagaadeeyo Madaxda Soomaaliya, wuxuu dalka ka wadaa wax yaabo aan loo-ikman” ayuu yiri Xildhibaan Daahir C/Qaadir Ciro, isagoona ku baaqay in dib dalka looga ceyriyo.

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ugu baaqay inuu dalka dib uga ceyriyo Dr Augustine Mahiga, bacdamaa sida uu yiri uu dalka ka wado wax yaabo aanu habooneyn.

“Masuuliyadda waxay saaran tahay ninkii siiyay aqoonsiga, markii uu soo magacaabay Banki Moon, ninkaasina waa Madaxweynaha oo isagu siiyay aqoonsiga” ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

“Haddii aadan raali ka ahayn waxa uu wado waa inaad dib u siisaa aqoonsigii uu dalka ku soo gallay, maadaama markii hore aad adiga ka qabatay aqoonsigiisa” ayuu sii raaciyay isagoo ku adkeynaaya Madaxweynaha Soomaaliya, in uu kalsoonida kala laabto Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga.

Dr Augustine Mahiga ayaa waxaa lagu eedeeyaa inuu faraha la-gallay wax-yaabo aysan u soo ikman Qaramada Midoobe, waana taas midda kicisay dareenka Baarlamaanka iyo shacabka Somaliyeed.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Blog at WordPress.com.