Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

Ergayga gaarka ah ee QM u Qaabilsan arrimaha Somaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya Soomaaliya, iyadoo uu xiligaasi u waraamaayay Warbaahinta gudaha.

“2016-ka waxaa dalkaan ka qabsoomi doonta doorasho ay Xildhibaanada ku dooran doonaan Madaxweyne, waana macquulin Madaxweynaha Soomaaliya dib loo soo dorto” ayuu yiri Nicholas Kay.

Nicholas Kay mar la weydiiyay inay ogalanayaan muddo korarsi ay sameyso dowlada ayuu sheegay in marnaba aysan raali Ka noqon doonin, mudoo korsigaas, wuxuna yiri “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono”

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in doorasho of iyo cod ah aysan ka dhici karin Soomaaliya sababo jira aawdood.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Nicholas Kay “Muddo kordhin ay dowladdu sameeysato ma aqbali doono..”

  1. Qaramada Midoobay Oo sheegtay in kala qobqobnaan Siyasadeeda ay caqabad ku noqotay doorashada sanada 2016

    Published on July 30, 2015 by MomentUnion
    Muqdisho (MomentUnion)-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicklos kay ayaa Warsaxafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalka Soomaaliya uu gaaray hormar la taaban karo inta dhimana laga wada shaqayn doono sidii loo dhamaystiri lahaa.

    Mr. Kay ayaa dhanka kale farta ku goday xaalada amaan ee dalka waxa uuna sheegay in kala qobqobnaan dhanka siyaasadda oo jira darteed ay u suurtagali waysay in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod.

    “ Wadada Dimuqraadiga ayuu ku socdaa dalka Soomaaliya waxaana sanada 2016 laysku dayi donaa in la qabto doorasho ka duwan tii horay loogu soo doortay Madaxda hada jirta , ayuu yiri Danjire Kay .

    Kay oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegay in weeraradda ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan Hotelladda ay muujinayso in wali dalka uusan gaarin amnigii loo baahnaa ee xamili lahaa in dalka ay ka qabsoonto Doorasho xor ah oo dadku ay soo dooranayaan Madaxdii iyaga matali lahaa.

    Hadalka Ambassador Kay ayaa daba socda kadib markii shalay uu ka qayb galay Shirka heerka sare ee New deal kaas oo ay ka soo qayb galayaan qaar ka mid ah Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.

    Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu dambayn xusay in aysan jiri doonin mudo korarsi marka lagaaro waqtiga ay ku egtahay dowlada hada jirta.

Leave a comment

Blog at WordPress.com.