Q.2aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

 

Waxtarka Nidaamka Federaalka
Nidaamka federaalka waxaa lagu soo dhaqmayey muddo dheer. Dalalka qaar, sida Switzerlandiyo Mareykanku waxay tirsanayaan boqollaal sano. Waa nidaam wax badan laga qoray oo siyaabo kala duwan loo daraaseeyey. Marka waxaan halkan ku soo koobi doonaa wixii qasaaro iyo faa‟iido laga soo dheegay intii lagu soo dhaqmayey. 

Culumada siyaasadda ee wax ka qora nidaamkani waxay ku sheegaan nidaamka lix faa‟iido oo waaweyn oo kala ah. Tan ugu horreysa ee sababta in dhowr gobol ay isku tagaan oo ay samaystaan dowlad dhexe waa inay iskaga kaashadaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen cadowga dibadda. Nidaamkani wuxuu suurta-galiyaa inay gobolladu yeeshaan hal ciidan oo ka ilaaliya si ay iskaga caabbiyaan weerarrada midkood ama dhammaantood kaga imaan kara cadowgooda.

Labo, nidaamkan federaalliga ahi waxaa ku ballaarta dhaqaalaha. Marka sidan la leeyahay waxaa gobol kasta si gooni ah loogu barbardhigayaa dowladda dhexe. Tusaale, dhaqaalaha hal gobol oo
ka mid ah gobollada isku imaanaya lama mid noqon karo dhaqaalaha kulligood waayo waxaa dhacaysa in gobollada oo dhami ay yeeshaan hal lacag, ganacsi xor ah oo gobollada iskaga goosha, xorriyadda safarka dadka iyo inay hal nidaam ku wada hoos jiraan oo ay isku hab u shaqaynayaan. Arrimahani waxay fududeynayaan in dhaqdhaqaaqa gancasiga iyo dadkuba uu kordho. Dabcan, taasina waxay saamayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha. Tusaale Soomaaliyeed marka la qaato wuxuu noqonayaa in dhaqaalaha gobolka Jubbada Hoose uusan la mid ahayn dhaqaalaha dalka oo dhan.

Saddex, nidaamka federaalliga ahi wuxuu ka mid yahay waxyaalaha, mararka qaar, ka ilaaliya maamulku inuu noqdo mid ku dhisan keli-talis. Maaddaama dastuurku qeybiyey awoodaha oo qaar la dhigay heerka gobollada, awoodaha kalena la siiyey dowladda dhexe, waxaa suurtagal noqonaysa in dowladda dhexe aysan siday rabto ka yeelin dowladhaha gobollada. Sidoo kale,dowladaha gobolladuna ma laha awood buuxda oo xeerka ay doonaan ay ku dejin karaan. Marka uu nidaamku yahay mid ku salaysan dimoqraadiya, gorgortanka labadan awoodood ka dhexeeya wuxuu keenaa inuu ka hortago ku-tagri-falka awoodda ama keli-talisnimada. Waxaase jira tusaalayaal badan oo tusinaya dowlado federaal ah oo keli-talis muddo xukumayey – Pakistan, Nijeeriya, Itoobiya iyo kuwa kalaba.

Afar, nidaamka federaalku wuxuu dhiirrigeliyaa ka qeyb-galka ay dadweynuhu ay ka qeybqaadanayaan maamulka iyo siyaasadda, gaar ahaan heerka dowladaha hoose. Shan, aqoonyahannada nidaamkan baara waxay caddeeyeen in ilaa xad uu nidaamkani fududeeyo in dowladaha gobolladu, maaddaama ay leeyihiin awood badan, ay tijaabi karaan aragtiyo iyo xalal cusub oo aan suurtagal noqdeen haddii nidaamku uusan federal ahayn. Lix, haddii ay jiraan dad laga badan yahay oo deggan gobol ka mid ah gobollada, nidaamka federaalligu wuxuu fududeeyaa in la xalliyo arrimahooda la xiriira luqadda, diinta iyo arrimaha dhaqanka (Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxyeellooyinka Nidaamka Federaalliga

Dabcan, wax kasta oo wanaagsan waxay wataan dhibkooda. Nidaamka federaalliga ah waa nidaam fahamkiisa iyo ku-dhaqankiisuba ay aad ugu adag yihiin dadweynaha.

Aqoonyahannadadaraaseeyey waxay ku sheegeen ilaa toddobo 7 cilladood oo waaweyn oo kala ah. Kow nidaamkani wuxuu ku cusleeyaa dowladda dhexe inay wax ka qabato arrimaha qaar laga yaabo in dastuurku uu siinayo dowladaha gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan kagudbayaxuduudaha gobollada. Xilligan oo ay is-gaarsiintu wax badan fududeysay, waxaa isa-soo hoosgalaya

xuduudaha macnawiga ah ee u dhexeeya dowladaha gobollada iyo dowladda dhexe. Marka, waxaa nidaamkan la socda is-jiid-jiid badan iyo go‟aan-gaarista oo qaadata waqti dheeriyadoo aanba waxqabad la isla-gaarin. Tusaale, markii ay dhacday masiibadii Hurricane Katrina ee ka dhacday gobolka New Orleans, dowladda dhexe ee Maraykanku gurmadkii ay rabtay inay fidiso waxaa cillad ku noqday is-jiidjiidka iyo siyaasadaynta madaxdii gobolka New Orleans.

Labo, nidaamkani kuma fiicna beeqaaminta dhaqaalaha waayo wuxuu ganacsiga ku qasbaa inay u hoggaansamaan xeerar badan oo isku soo noqnoqonaya. Taasi waxay kordhinaysaa qarashka ganacsiga, waxayna hoos u dhigeysaa faa‟iidooyinka ay ganacsatadu ka helaan ganacsigooda.

Marka sidan la leeyahay waxaa loo barbardhigayaa nidaamka aan ahayn federaalka.Sidoo kale, nidaamka laftiisu wuxuu ku dhisan yahay qaab aan beeqaaminayn ama u tureyn dhaqaalaha dalka. Saddex, nidaamkani wuxuu abuuraa tartan ka dhexeeya dowladaha gobollada, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Marka uu gobol kasta isku dayo inuu soo jiito shirkadaha isagoo fududeynaya ama dhimaya canshuuraha iyo xeerinta, waxaa imanaysa inay hoos u dhacdo tayada wax-soosaarka. Tusaale, marka shirkadaha aan si adag loo xeerin waxay keenaysaa inay ku tuntaan dadweynaha iyo waxyaalaha danta guud ay ku xiran tahay sida deegaanka. Kanada marar badan ayay arrintani ka dhacday.

Afar, waxaa mararka qaar dhacda in dowladaha gobolladu ay ku qasbaan dadka ku nool gobollada kale inay bixiyaan qarashyo ama canshuuro dheeraad ah. Waxaa kaloo dhici karta inay xaddidaan xuquuqda shaqsiga ama ay u diidaan adeegyo kale oo uu qofkaasi ku leeyahay dalka iyagoo ku ximinaya inuusan qofkaasi ku dhalan gobolka. Soomaaliya hadda waxaa ka jira wax la yiraahdo “u dhashay gobolka” xitaa haddii uu qofku ku dhashay gobol kale. Dad badan oo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ku dhashay ayaan lahayn xuquuq siyaasadeed maadaama ay heyb-ahaan ka soo jeedaan qabiil aan ku badnayn magaalooyinka ay ku dhasheen.
Taasi waa dulmi weyn.

Shan, maaddaama uu nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo dowlad dhexe oo wax isku darsanaya, nidaamkani wuxuu saarayaa dadka culeys dhaqaale oo farabadan. Tusaale, dowladda dhexe iyo dowladaha gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda, shaqaalahooda,booliskooda iyo garsoorkooda. Taasi waxay keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku mid ah. Ma rumaysanaysaa haddii lagu yiraa dowladda Mareykanku waxay leedahay tiro ka badan 83,000 xukuumadood? (Rosen, 1994, p. 8). Yacni, tiradani waxay sidan ku imaanaysaa marka laga soo billaabo Aqallada Congress-ka oo lagu keeno heerka u hooseeya ee dowladaha hoose ee ka jira magaalo kasta iyo tuulo walba. Laurence J. OToole Waxaanay arrintani wax weyn u dhibaysaa dhaqaalaha dalka. 

Lix, haddii aysan dadka laga badan yahay ku urursnayn hal gobol, waxaa dhacda in dowladaha gobolladu ay halis galiyaan jiritaanka dadka tirada yar. Dabcan, waxaa jira tusaalooyin badan oo la xiriira Soomaalida waayo waxaa jira dad la dhibo oo aan hal meel ku urursanayn. Ma helayaan xuquuqdooda dadkaasi. Mar aan dheereyn, waxaa saxaafadda Soomaalida soo galay cabashooyin badan oo qabiilka Gobooye ay ka tabanayaan xukuumadda “Somaliland”. Waxaa sidoo kale dhacay in dad barakacay lagu dhibaateeyey gobollad qaar oo loola dhaqmay sidii iyagoo qaxooti ah. Toddobo, nidaamka federaalka ahi ma ahan nidaam xasilloon. Waxaa mar walba kala jiita dowladaha gobollada oo aan iyaga laftoodu isla socon iyo dowladda dhexe. Marar badan waxaa qasab noqoto inuu dagaal ka dhasho is-jiid-jiidka. Waxaa kale oo iyaduna dhacda inay arrinta is-jiid-jiidku ku dhammaato in la kala baxo oo dowlado kala duwan la noqdo. Runtii, nidaamkan federaalku ma ahan nidaam u horseeda deggenaan dadka dalkaas ku nool haddii aysan taariikh hore u lahayn ku dhaqanka nidaamkan (Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxaa intaas dheer muranka ka dhasha xuduudaha dowladaha gobollada iyo is-maandhaafka ka dhasha fasirka dastuurka iyo cidda xaq u leh inay xeeriso arrinta la isku hayo. Sida caadada ah, dowladda dhexe waxay u xaglisaa in wixii ay qaramayn karto inay qaramayso halka dowladaha gobolladuna ay inta badan doonaan inay wixii ay ka ridan karaan dowladda dhexe inay ka ritaan.

Dhowr tusaale oo xiiso leh ayaa ka dhacay dalalka nidaamka federaalka ku dhaqma. Waxaa iyaduna jirta cillad weyn oo aqoonyahannada qaar xusaan, taasoo ah in nidaamka federaalku uu soo saaro in dadku ay jacaylkooda iyo jidbada wadaninimadooda ay siiyaan gobolladooda halkii ay siin lahaayeen dalka. Waxaa inta badan dhacda in dadku ay hormariyaan gobollada taasoo keeni karta inaysan dadku si weyn iskugu lifaaqin dalkooda. Tusaale, nidaamka federaalka ee ka jira dalka Canada ma uusan kobcin Canadiannimada ama qarannimada Canada ee wuxuu kobciyey goboleysiga.

Haddaba marka si dhab ah loo fiiriyo waxtarka iyo waxyeellooyinka nidaamkan la socda, dadka Soomaaliyeed ma u baahan yihiin nidaamka federaalliga? Ma awoodaan dhaqaale ahaan? Mase ka samatabixi karaan deggenaan la‟aanta ku dhex jirta nidaamkan? Ma jiraa hab kale oo dabooli kara baahida dadka Soomaaliyeed, islamarkaasna ka waxyeellooyin yar? Haddii si kale loo dhigo ma la samayn karaa nidaam leh dhammaan waxtarka uu leeyahay nidaamka federaalku, islamarkaasna aan lahayn waxyeellooyinkiisa. Anigoo ka duulaya waxyaalaha kor ku qoran, waxaan warqadda inta ka hartay ku lafaguri doonaa su‟aalahan iyo kuwo kale.

Soomaaliya iyo Nidaamka Federaalka
Soomaalidu waligeed kuma aysan dhaqmin nidaamkan, mana u laha waayo-aragnimo iyo aqoon ay ku tiirsanaato. Dowladdii Dimoqraadiga ee ugu horreysay waxay ahayd dowlad dhexe oo leh siddeed gobol. Awoodda oo dhan waxaa iska lahaa oo uu dastuurku siinayey dowladda dhexeinkasta oo uuku jiro qodob ku dhiirrigelinaya dowladda inay nidaamka dadka u dhawayso oo ay dhisto gobollo xoog leh. Xukuumaddii militariga ama Kacaankii Oktoobar waxba kama uusan baddelin ee wuxuu sii xoojiyey dowladdii dhexe iyadoo ay weliba saraakiishii dalka maamulaysay ay si xun u adeegsadeen awoodda dowladda dhexe. Waxaa ka danbeeyey 20 sano oo dagaallo sokeeye ay dalka aafeeyeen. Dagaalladan waxaa ka dhashay in dadku kala qaxo oo qof walba meesha uu isleeyahay waad ku nabadgeli kartaa uu aado. Dad badan baa waxa lagu qasbay inay dib ugu noqdaan gobolladii ay ka yimaadeen asal ahaan oo laga yaabo in jiilka markaas ku noqonayey uusanba waxba ka garanayn. Waxaana sidaas ku samaysmay gobollo ka duwan kuwii ka jiri jiray dowladihii hore oo ku salaysan nidaam qabiil. 

Dhanka kale, ma jiraan wax raadraac ah oo weyn oo laga qoray sida Soomaaliya ay ugu dhaqmi karto nidaamka federaalka. Waxaa jira qormooyin dhowr ah oo aan iyaguna aad u sii ridneyn, islamarkaasna aan ku baahin dalka. Tusaale, Midowga Yurub (European Commission) qeybtiisa u qaabilsan Soomaaliya waxay qabanqaabisay dhowr shir oo lagu soo bandhigay diraasado caddaynaya nidaamyo-dowladeedyada kala duwan ee caalamka looga dhaqmo. Waxaa iyaduna jirta in UNISOM ay sanadkii 1994 wax ka qortay arrimahan.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto aqoon iyo waayo-aragnimo ay Soomaalidu u leedahay nidaamkan. Sidoo kale, meesha ma taallo daraasad qoto dheer oo sahmisay sida nidaamkani uu ugu habboon yahay Soomaalida ama sida uu uga hirgeli karo. Waxaa arrinta sii murjinaya saamaynta uu dagaalka sokeeye ku yeeshay fikirka dadka, iyo xaqiiqada dalka hadda ka jirta.

Arrimahan oo iskaashaday ayaa waxay iyaguna la imaanayaan caqabooyin badan. Run ahaan, inta aan anigu ogahay ma jiro gobollo ay Soomaalidu ku tahay heshiis oo lagu saleeyo nidaamka federaalka. Sida aan hore u soo sheegay nidaamkani waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan laba heer (dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada). Waa in la helo gobollo lagu yahay heshiis oo uu nidaamka federaalku ku salaysnaanayo. Tusaale, shirkii Carta ee Soomaalida wajigiisii koowaad waxaa iskugu tegay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo loogu yeeray inay diyaariyaan ajandaha shirka.

Sida qof ka qeyb-galay shirkaas uu ii sheegay, su‟aalihii la isweydiiyey waxaa ka mid ahaa qaabka lagu salaynayo nidaamka federaalka. Dadka qaar waxay soo jeediyeen in federaalka Soomaalidu ka koobnaado Waqooyi iyo Koonfur ama Somaliland iyo Soomaaliya. Qaar kale waxay qabeen in dib loogu noqdo xilligii Kacaankii Oktoober oo lagu saleeyo 18-kii gobol ee dowladdii militariga ahayd ay ka tagtay. Kuwo kale ayaa iyaguna qabay inaan labadan hab sax ahayn oo nidaamka federaalka lagu saleeyo gobolladii uu gumeysigu ka tagay oo ahaa siddeed . Waxaa iyaduna jirta in dadka qaar qabeen in waxaasoo dhan laga tago oo nidaamka federaalka lagu saleeyo xaqiiqada hadda jirta oo la dhihi karo waxay markaas tiradu noqonaysaa afar ilaa shan gobol (Puntlland, Somaliland, Gobollada Dhexe, Koonfur-Galbeed iyo Jubbooyinka). Mararka qaar waa la isku daraa labada danb

La soco qeybaha danbe.

La soco qeybaha danbe

 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: