Hordhac – Soomaliya xiligani ma qaadan kartaa nidaam Federaali ah

 

Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Nuxurka Doodda

Warqaddan waxaan ku lafagurayaa nidaamka federaalka iyo sida uusan ugu habboonayn maaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira. Waxaan marka hore sharxayaa waxa looga jeedo federaal iyo calaamadaha lagu yaqaan dalalka noqda federaal oo ah tiro aad u yar. 

Dabadeed, waxaan soo bandhigayaa waxtarka iyo waxyeellooyinka laga arkay intii lagu soodhaqmayey nidaamka Federaalka. Qeybta xigta waxaan ku falanqaynayaa caqabadaha waaweyn ee ka hor-imanaya in Soomaaliya nidaamka federaalka laga hirgeliyo. Gaar ahaan, waxaan si qoto dheer u sharxayaa nidaam-goboleedyada suurtagalka ah in lagu saleeyo nidaamka federaalka iyo cilladaha uu mid walba leeyahay. Ugu danbayntii, waxaan soo gudbinayaa toddoba sababood oo aan u daliishanayo inuusan nidaamkani ku habboonayn Soomaaliya. 
Waxaan ku soo gunaanadayaa dood oranaysa waxaa jira habab kale oo lagu heli dhammaan wixii waxtar ah oo ku jira nidaamka federaalka, islamarkaasna looga hortagi karo wixii waxyeellooyin ah oo ka iman kara.

Xildhibaanno gawda iska saaray

Sida la wada ogsoon yahay habka federalismo waa hab u dan ah dadweynaha soomaaliyeed haddii la fuliyo, lagu na dhaqmo sharuucadda u degsan nadaamkaasi. Federaal oo micnihiisu yahay wax wada qaybsi cadaalad iyo sinaan ku dhisan iyo xukun fur furan oo ku baahsan goboalda iyo degmooyinka {qaybsashada maamulka dawladda dhexe, khayraadka, gobol walba inuu is maamulo si ay awooda gacanta ugu gasho shacabka } dawladda dhexe na ay kor ka maamusho goboladda iyo degmooyinka . 

Axdiga ku meelgaar ee dawlada TFG waxaa lagu xusay in dalka lagu maamuli doono habka federalka, hase yeeshee arrintu ma ah mid sahlan federala waxaa qaadan karaa dawlada dhisan oo gobolada iyo degmoodyinka ay ka jiraan maamul oo gobol kasta uu leeyahay wax soo saar ama isku filin karaan, mida kale waxaa waxaa laga maarmaan ah in la helo nabad galyo buuxda , maxaa yeelay nabadgalyado waxay door weyn ka qaadan kartaa fulinta nimaadka cusub ee federaal, in kastoo soomaaliya muddo dheer ay ku jiratay jaha wareer iyo dagaal sokeeye sidaasi darteed aad iyo aad ayay u adag tahay in ay si fududu ku hergesho . 
Nidaamka federaalku wuxuu shacabka siinayaa fursad ay ku soo dhistaan goboladdood isla markaasi na uu door ka qaabto ka qayb galaka siyaasadda dalka , mashruucaani federaalku wuxuu ku dhiiro gelinayaa goboladda iyo degmooyinka in ay ku tartamaan horuminta degaankoodda oo ay gacantoodda ku maamulaan ka dibna dalka intiisa kale ay wax ka qabtaan , federaalku wuxuu ku fiican yahay in awooda lagu balaariyo goboladda iyo degmooyinka mana jirayso dawladda caburisa isla markaasina ku xad gudubta xuquuqda dadweynaha iyo deegaamada . Habkaani wuxuu ku haboon yahay in ay qaataan qowmiyado kala duwan oo hal meel ku nool hase yeeshee soomaaliya ma filaayo in ay baahi u qabto habkaani federaalka ah , maxaa yeelay soomaaliya waa hal qoys oo isku af iyo iyo diin ah.

Haddii la rabo in dal laga hirgeliyo mashruuca federaalka , marka hore waxaa loo baahan yahay in la xaqiijiyo in marka hore goboladda iyo degmooyinka in dadkiisa la wacyi geliyo loona bandhigo faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay federaalka , ka dibna dadweynaha ayey ku xiran tahay in ay qaataan iyo in ay diidaan, hase yeeshee suurta gal ma noqon karto in koox yar in ay meel ku shiraan ka dibna si fudud ay u qaataan federal .
Runtii fikradaani ma ah markii ugu horeysay haddii aan dib ugu noqdo xiligii gobonimo doonka sanadkii 1952kii waxaa siyaasiin soomaaliyeed qaar ka mid ah waxay soo jeediyeen in la qaato habka federaalka iyagoo isku haleynaayo khayraadka gobolkood uu leeyhay oo aan dan ka lahay gobolad intii kale hase yeeshee xisbigii SYL ayaa si xoog leh uga soo hor jeestay maxaa yeelay dastuurka SYL wuxuu qorayay in la helo somaali weyn . 

Fikradaasi federal ah oo ay qabeyn mucaada ka waxaan loo keenay in lagu hakiyo ama lagu tir tiro qadiyada soomaali weyn hase yeesee hogaamiyaashii SYL waxay shacabka soomaaliyeed ay ku boorisay in laga hortago fikradaasi ay wataan mucaaradka oo doonayey inay marin habaabiyo qadiyadda midnimadda soomaaliyeed taasoo isticmaarku soomaaliya u qaybiyey 5 qeybood., hadda na isticmaarka cusub wuxuu doonayaa in soomaalidii xorta ahay inuu u qaybiyo 5 qaybood oo kale ujeeddada dahsoon ee loo qaatay federaalku ay tahay in lagu tirtiro qadiyaddii horay u jirtay. 

Waxaa nasiib daro ah shirkii labada sano loo fadhiyey oo shacabka soomaaliyeed ku han weynaa in ay ka soo baxaan wax u dan ah dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu soo dhisay dawlada federaal ah taasi waxay calaamad cad u tahay in la damacsan yahay in midnimaddii jiray in laga kala qayb qaybiyo ujeeddada ka dambeysana ay tahay in la aaso qadiiyaddii soomaali weyn, maxaa yeelay dalka lagu soo dhisay dawladda federal ee ku meel gaar ah waxay haystaa qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed sidaasi darteed mar na raali ka ma noqon karto in lagu la gorgortamo , Eithopia waxay horey u haystay qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed hadda na waxay u soo tafxeedatay in ay gabsato soomaalidii xorta ahayd si aan mar kale loogu la sheeganin tii ay horay u heystay.

Ururka IGAD oo hogaanka u haysa xabashadu waxay ka qayb ahayd dawladdii Mbigathi – Kenya lagu soo dhisay iyaga na ka dambeyey in la qaato habkaani federaalka ah , ujeeddada ka dambeysa na ay tahay in mar kale aan la sheeganin qaybahii ay horey u heysteen .
Hadda ba waxaa is weydiin mudan dalkeena ma ka hirgeli karaa maamul federaal ah, iyadoo dalka ay ka jiraan dagaal sokeeye iyo burbur iyo dawlada aan awood lahayn .???

Dawlada federaal ah in la dhiso waxay u baahan dastuur iyo nimaad u gaar ah in loo dejiyo oo si cadaalad leh loo fuliyo qodobada dastuurka federaalku u qorayo , isla markaasina waxaa loo baahan yahay in dalka oo idil laga hirgeliyo tiro kobo sax ah sidii loo gaaro doorasho xor ah hal shaqsi iyo hal cod (vote), halaasi na ay ku dhamaato cadaalad daradii ahayd 4.5 , ka dibna laga qaado afti si loo ogaado shacabka inuu raali ka yahay iyo in kale , haddii aan tusaal ahaan u soo qaato dawladda Ruushka wuxuu ka koobnaa 15 dawladood oo go’ aasanday in ay dhisaan federal muddo ka dib markii ay burburtay awoodii Ruushka qaar ayaa ka baxay heshiikii ay horay ugu galeen federaalkaasi , kuwa kale na waxay rabaan in ay ka baxaan. Waxaa tusaale ahaan noogu filin habka wanaagsan ay ugu dhaqmeyn dawladda Emirates oo ku guuleystay nimaadkin federaalka ah dalka Emirtes wuxuu ahaa 7 gobol oo ku heshiiyey in ay sameystaan federaal waan ku aamaanan yihiin sida ay u dhisteen dalkoodda. Dalka nageria waa dawladda federaal ah maamulkooda na ku saleysan yahay habka federaal ka taasoo ah gobol walba wuxuu leeyahay madaxbanaani iyo maamul u gaar ah waxaana ka dhexeya khayraadka dalka uu leeyahay iyo dawladda dhex.

Waxaa muhiin ah haddii la rabo in la hirgeliyo mashruucaani marka hore waxaa loo baahan yahay in goboaladda dalka la diiwaan geliyo dadka ku nool tiro ahaan , kadibna laga shaqeyo dib u dhiska goboaldaasi isla markaasina loo dejiyo qorshe lagu hormarinaayo , intaasi ka dib markii si hagaagsan loo helo ayay suurta gal noqono kartaa in la hirgeliyo federalismo. Nidaamkani federaalku uu yahay in la dhiso barlamaan oo gobol walba wakiilo ka socda caasimada ay ku soo ururaan wakiiladaasi oo fadhigooda noqon doona , gobol kastana wuxuu u madaax banaan yahay maamulka gobolkiisa , dawladdana waxay fadhigeedu noqonayaa caasimaada.

Xilalka na waxaa loo qaybinayaa xilka dawladda dhexe oo ah: Militariga (wasaarada gaashan dhiga), Xiriirka caalamiga ee dibadda (Wasaarada Arrimaha dibada) Maaliaydda (Wasaradda Maaliyada) Isgaariinta (Wasaraada Boostada & Isgaarsiina) Baddaha iyo furdooyinka dalka, socdaalka iyo jinsiyadda , intaani waxaa xil ka saaran yahay dawladda dhexe , Wasaaradda arrimaha gudahana waxay si habami leh ula shaqeyn doontaa xiriirka goboladda iyo degmooyinka.

Gobolada & degmooyinka: waxay u xil saaran yihiin in ay wax ka qabtaan arrimaha waxbarashada , caafimadka , boolisla gobolka oo u qaabilan yahay nabad galyada, dhismaha iyo horumarka gobolka, khayraadka iyo biyahay gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta bay’ad (nabaad guur) Ruqsada shatiyada ganacsiga,Ruqsada iyo nidaaminta dhismayaalka, arrimaha bulshadda sida nadaafadda , waddooyinka , nalalka iyo biyo gelinta, arrimaha isbortiga iyo dhaqdhaqaaqa dhallinyaraada (youth activity) sii loo helo dhallinyarow ka fayow qabyaaladda oo cudur aan dawo lahayn ku noqday bulshadda soomaaliyeed..Waxaan dhamaan soomaalida kula dardaarmayaa in laga fogaado colaad iyo dagaal sokeeye isla markaasi na waxaan shacabka somaaliyeed ku boorinayaa in laga digtoonaado dagaal diini ah , maxaa yeelay waxaan horay u soo marnay dagaal qabiileyd waan aragnay natiijadiisa , balse waxaa ka sii fool xun in ay dhacaan dagaal diini ah, ilaahay ayaanu ka magan galnay in ay dalkeena uu ka dhaco dagaal diini ah, hase yeeshee haddii ay dhacaan dagaal diini ah waxaa fogaanayaa rajaddii iyo himiladdii shacabka soomaaliyeed , waxaana adkaan doontaa sidii ay dib ugu soo noqon lahayd qaranimaddii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed sidaasi darted waxaa loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed gacmaha is qabsado lana soo af jaro colaadii dalka jirtay taasi oo kaliya ayaa dalka iyo dadka ba lagu badbaadin karaa.

La soco qeybaha danbe.

Muqdisho roadmap-ka Maxaa looga Qadiyay ??

Cadaalada oo laga fogaadaa waxaa aay abuurtaa colaad joogta ah iyo faqri foolxumo iwm Sh.Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro aad iyo aad u xoog badan,caasimada Somali ee Muqdisho oo ah gogashii dowlada ku shaqeeyneeysay maxaa diiday in roadmapka ama masiirkii dalkaan meesha looga hadlayay aayayn marna ka muuqan ?? Muqdhsio … Continue reading »

Maxaad kala socotaa Qorshaha (RoadMap-ka)iyo Kulankii Muqdisho???

Qorshahan(Road-Map-ka)oo baryahan hadal hayntiisu dhagaheena ku batey waa mid fikrad ahaan markiihore ka yimid kooxaha lugooyada ee loo yaqaano Beesha caalanka,dawlada kumeelgaarka ahna iyadoon aad uga fakarin masuuliyiinteeda sare aad usiibuunbuuniyeen,bale golaha baarlamaanku arimahaas mar horaba shaki ka muujiyeytaasoo u ekayd in(xeebtoodii lagu soo kubaareeyey). Waxaa lagubalamay in la hirgaliyo qorshahan(Road Map-ka) loo yaqaan balseContinue reading »

Dhibatooyinka ”Roadmap” ku sheegga ka dhalan kara

Waxaan hordhigayaa walaalaha soomaaliyeed ee ka  danqanaya ama ay dhibayaan dhigga iyo nabadgelyaxumida ka socda Soomaaliya iyo dhibatada  dabadheeratay ee 20ka sano kor u dhaaftay ee  ragaadisay Dalkeennii Hooyo . Arrimaha soo socda oo ah Dhibatooyinka  uu soo kordhindoono  Mashruuc ku sheega ”Roadmap”ee dawladda labada Shariif iyo Ina Gaas wataan. 1) Roadmap”ku  Sharcidarri ayuu ku … Continue reading »

Mahiga is a Liability for Somalis

Augustine Mahiga’s initial appointment as the UN Secretary’s General special envoy to Somalia was a bad omen for the troubled country.  Because as an undistinguished diplomat, who in all probability came to his office through tribal considerations, he lacked the qualifications and temperament to decode, much less untangle Somalia’s knotty political situation; a muddle thatContinue reading »

Somalia MPs urge UN to replace envoy

Somalia MPs led by Ahmed Ashareh want the United Nations to replace its representative Augustine Mahiga for allegedly failing in his duties December 09, 2011. FILE By LUCAS BARASA lbarassa@ke.nationmedia.com Posted  Friday, December 9  2011 at  13:22 Somalia MPs want the United Nations to replace its representative Augustine Mahiga for allegedly failing in his duties. In a … Continue reading »

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: