Q.1aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

 

Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Qormadan waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa jira jamasho guud oo aan run ku qotomin oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan nidaamka federaalliga ah. Waxaa, inta badan, dadka Soomaaliyeed ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah u hayaan nidaamkan iyadoo aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal u yahay keli-talisnimada iyo dulmiga ay madaxda dowladuhu sameeyaan. Labo, waxaa jira in hey‟adaha caalamka ee iska xilsaara xallinta mushkiladaha ka dhasha dagaallada sokeeye ay mar kasta ku soo boodaan nidaamkan federaalliga ah. Runtii, sida aqoonyahannada qaar ay qorayaan, nidaamkani wuxuu noqday midka ugu sahlan ee islamarkiiba ku soo degdega maskaxda dadka farageliya dagaallada sokeeye iyadoo aanba si qoto dheer looga fekerin sida uu nidaamkani ula saanqaadi karo xoogagga iyo dhaqamada ka jira dalka ay mushkiladdaasi ka jirto (Lake & Rothchild, 2002). Saddex, waxaa nidaamkan si weyn u doonaya dowlado deris la ah Soomaaliya oo dano waaweyn oo istaraatiiji ah ka leh dalka. Dowladahaasi waxay maanta fursad u heystaan inay saamayn ku yeeshaan qaabka Soomaaliya ay dowladdeedu u dhismeyso. Iyagoo danahooda fiirsanaya, dowladahaas waxay iyaguna ka mid yihiin xoogagga riixaya in Soomaaliya loo sameeyo nidaam federaali ah. Rabitaanka dadweyne badan oo aan ku slaysnayn aqoon, doonista hey‟adaha caalamiga ah oo iyaguna fiirsanaya waxa u sahlan, iyo dibindaabyada dowladaha deriska ah qaarkood oo iyagu uu rabitaankoodu ku qotomo dantooda ayaa waxay keeneen in mar kasta oo Soomaalidu ay ikugu tagto shir in ay saxiixaan in dastuurka dalka lagu saleeyo nidaamka federaalka. Inta badan, shirarkii loo qabtay Soomaalida  waxaa qodobbadii la saxiixay ka mid ahaa qodob tilmaamaya in nidaamka federaalliga ah lagu saleeyo dastuurka Soomaaliya. Iyadoo go‟aankaas laga ambaqaadayo ayaa waxaa dhawaan soo baxay “Qabyo-Qoraal Dastuur” lagu doonayo in lagu diyaariyo dastuur ku salaysan nidaam federaal ah. Runtii waxaa jira su‟aalo waaweyn oo u baahan in laga jawaabo. Tusaale, marka hore waa maxay sababaha loogu baahan yahay dastuur cusub? Miyaanay suurtagal ahayn in dastuurradii hore u jiray wixii lagama maarmaan ah laga baddalo oo sidooda loo isticmaalo? Sidoo kale, waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in laga jawaabo su‟aalo ay ka mid yihiin: Ma qasab baa in dastuurka cusub uu federaal noqdo? Haddiise ayba sidaas u dhacdo, waa maxay nidaamka federaalku? Waa maxay waxtarka iyo waxyeellooyinka uu nidaamkani wato? Soomaaliya sida ay hadda ku sugan tahay nidaamkani ma ku habboon yahay? Dhaqaale ahaan, Soomaaliya ma awooddaa oo ma ka bixi kartaa? Ma jiraa qaab kale oo laga heli karo faa‟iidooyinka ku jira nidaamka, islamarkaasna aan lahayn qasaarooyinka ku aasan nidaamkan? Xitaa haddii la qaato nidaamkan, ma jiraan waxyaalo caqabaad ah oo keeni kara in qasaarooyin waaweyn uu u geysto qarannimada Soomaaliya iyo aayaha iyo jiritaanka danbe ee ummadda Soomaaliyeed? Qormadan waxaan ugu talagalay inaan intii aan karo uga jawaabo su‟aalaha kor ku xusan. Waxaan ugu talagalay inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aragtidayda ku aaddan mowduucan iyo welwelka aan ka qabo nidaamkan federaalka. Haddii aan si kale u dhigo, qormadani ma ahan mid aan u qorayo koox mutacallimiin ah oo ku taqasussay siyaasadda iyo maamulka. Waxaan rajaynayaa inay furto dood iyadoo laga duulayo su‟aasha weyn ee ah, maxay aayaha iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed u dhimeysaa ama ku kordhinaysaa haddii aan ku salayno dowladnimadeenna nidaamka federaalliga ah? 5 Qormadani waxay ka kooban tahay laba qeybood. Qeybta hore, waxaan ku sharxayaa waxa uu yahay asal ahaan nidaamka federaalku, iyo waxtarkiisa iyo waxyeelladiisa. Qeybta labaad waxaan ku falanqeyn doonaa sida ay u adag tahay in nidaamka federaalliga ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Waxaan ku soo gunaanadayaa aragtidayda ku aaddan arrintan oo ah inaan nidaamka federaalku xal u ahayn mushkiladda Soomaalida, islamarkaasna uusan ka shaqeyn karin dalka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “hubsiino hal dhan baa la siistaa.” Waxaan qabaa in haddii si furan looga doodo oo caqligu shaqeeyo inay dhici karta in la gaaro qaab isku dheellitiraya danta iyo himilada fog ee ummadda iyo rabitaanka jidbada ku salaysan ee hadda jir

Waa Maxay Nidaamka Federaalku? Asal ahaan, ereygu wuxuu ka yimid afka Laatiinka, wuxuuna Ingiriiska ka soo galay dhinaca luqadda Faransiiska. Xagga adeegsiga, ereyga “federal” iyo figradda uu ku salaysan yahayba waxaa markii hore loo adeegsan jiray qaab diini ah. Markii ugu horreysay macnaha ereygan loo isticmaalay wuxuu ahaa “heshiis” u dhexeeya aadamaha iyo Allaah. Macnahani wuxuu markii danbe isku rogay heshiiska ama axdiga ay dadku wada galaan. Markii danbana wuxuu macnaha ereygani ku danbeeyey heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay samaysanayaan dowlad dhexe. Sida ay aqoonyahannada ama culumada siyaasadda ee baara arrintani qoraan, muddadan danbe, ereygani wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaan siyaasadda, waana macnaha aan doonayo inaan warqaddan ku falanqeeyo (Elazar, 1987). Marka macnihiisa guud la fiiriyo, nidaamka federaalku waa qaab lagu saleeyo habeynta siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo awoodaha dastuuriga ah laba heer oo kala ah heer qaran iyo heer gobol (waa laga badin karaa heerarka labo haddii la doono) (Riker, 1964). Guud ahaan, labada heer ee kala ah dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu waxay wadaagaan oo ka dhexeeya maamulka dalka. Dowladda dhexe waxay xukuntaa dalka oo dhan, halka ay dowladaha gobolladu xukumaan gobolladooda. Awoodaha uu dastuurku u qeybinayo labadan heer waxaa ugu muhiimsan awoodda sharci dejinta iyo awoodda canshuurista ((Elazar, 1987). Sidoo kale, waxaa mararka qaar la raaciyaa awoodaha la xiriira kheyraadka dabiiciga ah, awoodda amniga iyo arrimaha la xiriira luqadaha iyo dhaqanka. Marka sidan loo fiiriyo nidaamkan federaalku wuxuu suurta gelinayaa in dalku uu lahaado dowlad guud, iyadoo uu gobol walbana si hoose isku maamulayo oo arrimihiisa u gaarka ah ee uu kaga duwan yahay gobollada kale uu isagu xeerinayo. Sida caadiga ah, waxaa nidaamkani uu aad ugu habboon yahay marka ay jiraan dad laga badan yahay oo diin-ahaan, dhaqan ahaan ama luqad-ahaan ka duwan dadka ka badan ee ay dalka kula nool yihiin. Tusaale, gobolka Quebec ee dalka Canada waxaa ku dhaqan dad asalkoodii hore ka yimid dalka Faransiiska, kuna hadla Af Faransiis, islamarkaasna heysta Mad-habta Katoolliiga ee Diinta Kiristaanka. Haddaba, sida inta badan laga dhegeysto idaacadaha, ree Quebec waxay doonayaan inay xor ka noqdaan dalka intiisa kale oo ay ka duwan yihiin. Sidoo kale, waxaa iyaduna jirta dalal badan oo ku yaal Yurub sida Germany,Switzerland, Belgium oo iyaguna ku kala duwan xagga diinta ama xagga luqadda. Dalalka ku dhaqmanidaamka federaalku waa 24 dowladood, waxayna ku kala yaallaan qaaradaha oodhan, inkasta oo ay jiraan illaa saddex kale oo hadda ka fekeraya inay u guuraan nidaamkaas (Forum of Federations, 2003). Marka qaaradda Afrika la fiiryo, dalalka 6 nidaamkoodu federaal yahay waa saddex: Nijeeriya, Koonfur Afrika iyo Itoobiya. Xaqiiqo ahaan, saddexdaba nidaamyadoodu ma gaarsiisna hab ay gobolladu awood macno leh leeyihiin oo waxaa awoodda inta badan leh dowladda dhexe. Dalka Sudan weli xaalkiisu ma cadda oo waxaaba dhici karta inuu laba dowladood noqdo. Marka waa lagu doodi karaa xitaa in la yiraahdo weli Afrika kama jiro dal si dhab ah federaal u noqday, walaw ay jirto in  warqadaha lagu qoray.

Qeybinta Awoodda
Inta badan marka dastuur federaal ah la dejinayo waa la yaqaan tirade gobollada iyo xuduudahooda. Marka iyadoo sidaas la ogyahay ayaa awoodda loo qeybiyaa labada heer iyadoo lagu caddeynayo mid walba awooddiisa qodob ka mid ah dastuurka. Tusaale, qodobka 91 ee dastuurka Kanada wuxuu sheegayaa awoodda dowladda dhexe, halka qodobka 92 uu sheegayo awoodda dowladaha gobollada. Waxaa iyaduna jirta in marka la qeybinayo labada awoodood ay jiraan awoodo ay xeerintooda wadaagaan labada heer. Marka sidaas loo kala caddeeyo ayaa waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurku uu caddeeyo cidda la siinayo wixii aan ku qeexneyn labadaas qodob. Dastuurka Mareykanku wuxuu siinayaa wixii aan ku caddeyn axdiga dowladaha gobollada, halka uu dastuurka Canada siinayo dowladda dhexe wixii aan ku caddeyn axdiga. Arrintani waa muhiim. Tusaale, Canada dastuurkeeda waxaa la sameeyey (British North America Act), 1867, markaasna ma jirin is-gaarsiintan casriga ah. Maaddaama aysan ku caddayn dastuurkii xilligaas cidda la siiyey awoodda xeerinta is-gaarsiinta, waxaa sidaas ay ku noqotay awood ay dowladda dhexe leedahay. Waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurka ay ku caddahay qaabka wax looga baddeli karo awoodaha labada heer ee dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada. Inta badan, labada heer (gobollada iyo dowladda dhexe) midkoodna kuma qasbi karo kan kale wax uusan rabin marka ay timaaddo awoodaha uu gaarka u leeyahay ee dastuurka ku cad.

Nidaamkani wuxuu ku yimaaddaa saddex qaab. Kow, qaabka gumeysiga oo ah in dowlad inta ay qabsato dhulal kale, ay dabadeed u qeybiso maamulka gobollada iyo dowlad dhexe ee dhulkaas ka jira. Boqortooyadii Ingiriisku markii ay dunida ka talinaysay waxay isku dayday inay nidaam federaalli ah u samayso dhulalkii ay maamulaysay. Sida uu ku dooday Peter Schuck oo macallin ka ah Jaamacadda Yale, waxaa sidoo kale sameeyey awoodihii jabiyay Jarmalka oo islamarkaa u sameeyey hab federaal ah oo dhibaato weyn gadaal kala yimid. Labo, nidaamka federaalliga wuxuu ka dhalan karaan dhaqanka iyo xiriirka u dhexeeya gobollada iyadoo aan cidina ku qasbin ama aanay iyagu ku heshiin. Dhaqanka iyo koritaanka dabiiciga ah ayaa mararka qaar keena nidaam asal ahaan federal ah laakiin aan ku salaysnayn heshiis la kala saxiixday. Saddex, nidaamka federaalku wuxuu kaloo ku samaysmaa heshiis toos ah oo ay galaan gobollo u bareeray inay samaystaan nidaam guud oo danahooda ka shaqeeya iyagoo ilaashanaya maamulkooda hoose (Elazar, 1987; Schuck, 2008).

La soco qeybaha danbe.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: